Home » Archive Daily April 9th, 2012

Madaxweeynaha Dowladda KMG oo magaca ka Badalay Degmada Wardhiigleey

Apr 9, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweeynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa magaca looga badalay degmada Wardhiigleey ee gobolka Banaadir. Xaflad uu soo agaasimay maamulka gobolka banaadir oo lagu maamusayay wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweeynaha ee magaca looga badalay degmadaasi ayaa ka dhacay isla degmada, waxaana kasoo qeybgalay... 

Qarax ay ku Dhinteen dad Rayid ah oo ka Dhacay Baydhabo

Apr 9, 2012
Baydhabo, Somalia (AOL) – Qarax xooggan oo sababay qasaarooyin lixaad leh oo soo gaaray dad rayid ah ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso waxaana lala beegsaday askari katirsan ciidamada dowladda KMG oo marayay suuqa qudaarta ee magaaladaasi Baydhabo, oo xilligaasi ahaa mid aad u mashquul badan, waxaana inta... 

Ahlusunna oo Sheegtay in ay isu soo Dhiibeen Dagaalyahanno katirsan Al-shabaab

Apr 9, 2012
Dhuusamareeb, Somalia (AOL) – Maamulka Ahlusunna waljameeca ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay isu soo dhibeen ilaa sedex dagaalyahanno oo hore uga tirsanaa xoogagga Al-shabaab ee ka dagaalama gobolkaasi. Gudoomiyaha degmada Dhuusamareeb Macalim C/raxmaan Cali Geedaqoroow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay isu soo dhibeen ilaa sedex nin oo katirsanayed Al-shabaab, kuwaasoo uu sheegay... 

Madaxweeynaha Puntland oo Sheegay in Xoogagga Al-shabaab ay usoo Wareegeen Deegaanada Puntland

Apr 9, 2012
Garowe, Somalia (AOL) – Madaxweeynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Mudane C/raxmaan Sh/Ma’xuud Faroole ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ay bilaabeen in ay usoo wareegeen dhanka deegaanada Maamulka Puntland, isagoona sheegay in ay kusoo guuldareysteen dagaaladii ay ka wadeen koonfurta Soomaaliya. Madaxweeynaha oo qudbad ka jeediyay xaflad waxbarasho oo ka dhacday magaalada... 

Madaxweeynaha Soomaaliya oo kulan la Qaatay Beesha Shanaad

Apr 9, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kula kula qaatay xubno kasocday beesha Shanaad, iyadoona kulankaasi looga wada hadlay arimo badan oo ku saabsan siyaasadda dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay in beesha Shanaan ay ku urursanyihiin beelaha Soomaaliyeed oo dhan, wuxuuna sheegay in arintaasi ay... 

Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo oo Sheegay in ay Xiriirka u Jarayaan Dowladda Soomaaliya

Apr 9, 2012
Beledxaawo, Somalia (AOL) – Saraakiil katirsan ciidamada dowladda KMG ee ku sugan gobolka Gedo ayaa sheegay in ay xiriirka u jarayaan dowladda KMG ee Soomaaliya, oo ay ku eedeeyeen in ay ilowday xuquuqdii ay ku lahaayeen. Sarkaal lagu magacaabo Xamaad C/laahi Xirsi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowaldda Soomaaliya ay dayacday ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Gedo islamarkaasina...