Home » Archive Daily April 10th, 2012
Odoyaasha Baardheere, Xoola dhaqatada iyo Beeraleyda deegaanka oo walaac ka muujiyey dhibaatooyinka lagu hayo jarista dhirta oo mudooyinkii ugu dambeeyey si weyn looga dareemay deegaanka (Dhageyso)
Qaar ka mid ah Odoyaasha degmada Baardheere, Dadka Xoolaleyda iyo Beeraleyda ku dhaqan deegaanka ayaa markii ugu horeysay waxaa ay walaac xoogan ay ka miiujiyeen Arimaha la xidhiidha xaalufinta degaanka sida jarista iyo gubista dhirta oo ay sheegeen mudooyinkii ugu dambeeyey in ay sababaan in degaanku isu bedelo lama degaan iyo xaaluf, iyagoo sheegayna haddii ay xaalada sidan ku sii socoto ama aan...
Jaaliyadda reer Puntland ee magaalada Leicester oo tacsi tiiraanyo leh u diraya qoyskii iyo qaraabadii uu ka tagay Rabbi ha u naxariistee Beeldaaje Faarax Beeldaaje Xaaji Cabdullaahi oo habeyn hore ku geeriyooday waddanka imaaraadka carabta.
Dhammaan jaaliyadda reer Puntland ee magaalada Leicester waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Beeldaaje Faarax Beeldaaje Xaaji Cabdullaahi oo xalay ku geeriyooday waddanka imaaraadka carabta, magaalada Al Ceyn. Jaaliyaddu waxa ay Allaah uga baryayaan in uu janatul Ferdoowsa ka waraabiyo, qoyskii, eheladii...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta xafiiskiisa ku kulmiyey Hay’adaha Gargaarka si barakacayaasha Muqdisho wax loogu qabto
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta xafiiskiisa isagu yeeray hay’adaha Gar-gaarka Bani’aadanimo oo laga wada hadlay sidii wax loogu qaban lahaa barakacayaasha Muqdisho oo loogu heli lahaa degaan ay ka heli karaan dhammaan adeegyada bulshada.
Kulankan waxaa ka soo qeybgalay Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Ku xigeenka...
Halkan ka Daawo Barnaamijka “Wariyaha Xaqdhowr” oo looga Hadlayo sida looga Hortagi Karo Tacadiyada loo Geysto Wariyeyaasha
Halkan hoose ka daawo barnaamij ku saabsan sida looga hortagi karo dhibaatooyinka iyo tacadiyada loo geysto wariyeyaasha Soomaaliyeed, iyadoo mudooyinkii u danbeeyay ay dalka Soomaaliya kusoo badanayeen dhibaatooyinka loo geysto saxafiyiinta hadii ay ahaan lahayd, dil, xabsi iyo weliba cagajugleyn.
Barnaamijka oo ka baxay Tv-ga Somalichannel ayaa waxa ka qeybqaadanayay Xildhibaan Cawad Cashara, C/risaaq...
Ciidamo kawada Tirsan Dowladda oo ku Dagaalamay Muqdisho
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ilaa sedex qof ayaa ku dhimatay dagaal culus oo maanta gudaha magaalada Muqdisho ku dhexmaray ciidamo kawada tirsan dowaldda KMG, iyadoona la sheegay in dagaalku uu ka dhashay muran soo kala dhexgalay askarta dowladda.
Dadka dagaalka ku dhintay ayaa waxa kamid ahaa taliye kuxigeenka saldhigga Booliska Degmada Hodan Dhamme C/laahi Max’ed Warsame, kaasoo ay haleeshay...
Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka oo u Ambabaxay Wadanka Itoobiya
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Xuseen Carab Ciise iyo Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diin ayaa maanta u ambabaxay magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo la filayo in ay uga qeybgalaan shir ay kasoo qeybgali doonaan wadamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.
Mudane Xuseen Carab...
Xaaladda Goobihii Shalay lagu Dagaalamay ee Gobolka Gedo oo Dagan
Muudaale, Somalia (AOL) – Xaalada deegaanka Muudaale ee gobbolka Gedo ayaa maanta deggan kadib dagaal culus oo shalay halkaasi ku dhexmaray Ciidamada dowladda KMGH ah ee Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo isku dhan ah iyo dagaalyahanada Al shabaab.
Xaalada ayaa maanta degan, sida ay AOL u xaqiijiyeen dadka deegaanka, walow dhinacyadii dagaalamay ay weli isku hub urursanayeen, iyadoona xilli walba la...
Mas’uuliyiinta xisbiga Tayo Party oo Caawa Marti u ah Barnaamijka DSS ee Hornecaple Tv
Waxaan Iqyaarta sharafta leh ee soomaaliyeed ogeysiinaynaa in Caawa oo talaaado ah oo Taariikhdu tahay 10-04-12 Saacadu markey tahay 08-45pm (GMT) Saacada London aan idiinka soo gudbin doono telefishinka caanka ah ee (HCTV) Barnaamij aad u xiiso badan oo la magac baxay (Dareenka shacabka iyo Siyaasiga) oo marka lasoo gaabiyo la yiraahdo (DSS)oo uu daadihyo Durraan shirwac.
Barnaamijkaas oo bixi...
Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Shiinaha Mudane Cawaale Cali Kullane oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Debadda dalka Shiinaha Mr.Yang Jiechi.
Waxaan dhawaan kulan qado sharaf ah oo ka dhacay caasimadda dalka Shiinaha wada yeeshay Qunsulka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Mudane Cawaale Cali Kullane iyo Wasiirka Arrimaha Debadda dalka Shiinaha Mr.Yang Jiechi, kulankaas oo looga hadlay arrimo la xiriira xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha, sidoo Qunsulka Soomaaliyeed, ahna ku xigeenka Madaxa Safaarada Soomaaliya ee dalka Shiinaha...
Beesha Macalin weyne oo Ugaas cusub ku dooratey Degmada Luuq ee Gobolka Gedo
Luuq, Somalia (AOL) – Xaflad si heer sare loo soo agaasimay, islamarkaana ku aadanayd Caleemo saarka Ugaaska Beesha Macalin weyne oo ka dhacdey Degmada Luuq ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ugaasyada beelaha kale ee Somaliyed ee degmada Luuq, Odoyaal dhaqameedyo, Culama’udiin, Aqoonyahano, Haween iyo Waxgarad kale gedisan oo ka kala yimid degmada Luuq iyo deegaanada Hoos yimaada iyo weliba...
