Home » Archive Daily April 14th, 2012
Maxkamadda Darajada 1-aad ee Puntland oo Xukunno kala Duwan ku Fulisay Dhalinyaro ku Eedeysan in ay katirsanaayeen Al-shabaab
Boosaaso, Somalia (AOL) – Maxkamadda darajada koobaad ee maamulka Puntland ee gobolka Bari ayaa maanta xukunno isugu jira dil iyo xarig ku fulisay sagaal qof oo ku eedeysnaa in ay ka tirsanaayeen xoogagga Al-shabaab.
raggan oo dhamaantoodba ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada ammaanka maamulka Puntland ayaa ku eedeysnaa in ay katirsanaayeen xoogagga Al-shabaab ee ka dagaalama qeybo katirsan goobaha...
Tacsi: Geeridii ku timid Marxuum Sheekh Xasan Aweys oo ku geeriyooday Sand Diego
Nairobi, Kenya (AOL) – Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileehi Raajicuun: Illaahay ha u naxariistee waxaa shalay ku geeriyooday magaalada San Diego ee dalka Mareykanka Sheekh Xasan Aweys oo kamid ahaa culimada Soomaaliyeed.
Marxuumka ayaa ku dhintay shil gaari kadib markii baabuurkiisu uu ku dhacay gaari kale oo ay dowladdu leedahay, wuxuu ahaa nin culimo ah oo dadku si weyn u qadarin jireen, kaalin fiicanna...
Madaxweeynaha Soomaaliya oo Magacaabay Guddiga Dowladda uga Qeybgalayo Wadahadalka ay Dowladdau la Galkeyso Maamulka Somaliland
Muqdisho, Somalia (AOL) – Madaxweeynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ku dhawaaqay magacyada gudiga dowladda KMG uga qeybgali doonaan wadahadalka ay la geleyso maamulka Somaliland.
Gudigan uu maanta ku dhawaaqay madaxweeynaha ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan kulan ay dowladda KMG iyo maamulka Somaliland ku yeelan doonaan dalka Ingiriiska.
Madaxweeynaha...
Dowladda Kenya oo Sheegtay in ay Gacanta ku Dhigtay Masuul Katirsan Al-shabaab
Nairobi, Kenya (AOL) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay gacanta kudhigtay nin katirsan Al-shabaab kaasoo ay dowladdu sheegtay in uu kamid ahaa masuuliyiinta Al-shabaab u qaabilsanayd falalka amni darro ee ka dhaca Kenya.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Abdulahi Abdul Majid (Aka Abul) ayay dowladdu ku eedeysay in uu ka danbeeyay qaraxyadii ka dhacay Kenya, waxaana sidoo kale la sheegay in tababar...
Mr- Farmaaajo oo soo gaarey London Kana qayb geli doona Xaflad balaaran oo ka dhici doonta Bristol-14-04-12
Waxaa bulshada Soomaaliyeed lagu wargalinayaa in maalinta Sabtida ah ee bishani tahay 14 ka uu ka dhacayo magaalada Bristol shir weyn oo uu kasoo qaybgalayo Raisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) iyo wasiiraddii hore ee haweenka iyo Qoyska Dr Maryama Qaasim iyo marti sharaf badan Dadka Soomaaliyeed iyo taageerayaasha Mudane Farmaajo oo aad ubadan darteed si loo xakameeyo...
Ururka Samafalka HARDA oo Beeraleyda Baardheere u qeybiyey Gargaar dhinaca Abuurka Beeraha (Sawiro)
Baardheere, Somalia (AOL) – Beeraleyda Baardheere ayaa bilaabay beer Abuurka Xilli roobeedka Guga,ka dib markii Ururka Samafalka HARDA ee fadhigiisu uu yahay gudaha Deg.Baardheere ay ka heleen Taageero dhinaca Abuurka ah,iyagoo dhinaca kalena Beeraleyda ay soo hadal qaadeen Caqabado la soo darsay Waxsoosaarkooda ku aadan dhinaca Qodaalka Beeraha oo ay sheegeen in ay ugu weyn yihiin sida Cagafyo...
Halkaan ka dhageyso khudbaddii Salaatul Jimcaha Sheekh Umal ee April 13, 2012 uu ka jeediyay Masjidka Abuubakar Sadiiq oo ku yaal magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Waxaa maanta inoo suurta gashay in khudbaddii uu Salaadda Jimcaha ka jeediyay masjidka Abuubakar Sadiiq oo ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay noo soo diraan walaalaha jooga Masjidka. Cinwaanka khudbada ayaa Xafiduhullah Sheekh Maxamed Cabdi Umal waxuu ka dhigay (Ahmiyada toosnaanta Dhalinyarada.)
Cudur-daarasho: Waxaan ka cudur daaraneynaa in habka uu Sheekha Khudbadda u jeediyay...