Home » Islam, News »

Halkaan ka dhageyso khudbaddii Salaatul Jimcaha Sheekh Umal ee April 13, 2012 uu ka jeediyay Masjidka Abuubakar Sadiiq oo ku yaal magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxaa maanta inoo suurta gashay in khudbaddii uu Salaadda Jimcaha ka jeediyay masjidka Abuubakar Sadiiq oo ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay noo soo diraan walaalaha jooga Masjidka.  Cinwaanka khudbada ayaa Xafiduhullah Sheekh Maxamed Cabdi Umal waxuu ka dhigay (Ahmiyada toosnaanta Dhalinyarada.)

Cudur-daarasho:  Waxaan ka cudur daaraneynaa in habka uu Sheekha Khudbadda u jeediyay oo ah in uu ku hormariyay luuqadda Carabiga, uuna u danbeysiiyay tan Soomaaliga aan isweydaarinay anaga oo soo hormarinay luuqadda Soomaaliga, waayo akhriste-yaasha Allgedo waa Soomaali, waxaana laga yaabaa in aanay intooda badan garaneynin macnaha luuqadda Carabiga.

Sidaas awgeed, Sheekha iyo saaxiibada Khudbadda Masjid Abubakar Sadiiq nooga soo gudbisayba haka raali ahaadeen habkaas aan u kala hormarinay labada luuqadood sababta aan kor ku sheegnay awgeed.

Fadlan Video-ga hoose ka dhageyso Khudbadda Sheekha ee Salaatul Jimcihii maanta oo ay taariikdhu aheyd April 13, 2012 uu ka jeediyay masjidka Abuubakar Sadiiq ee ku yaal magaalada Nairobi ee dalka Kenya:

Halkaan ka dhageyso Khudbadii Jimcihii hore oo ay taariikhdu aheyd April 6, 2012 uu Sheekh Umal ka jeediyay Masjidka Abubakar Sadiiq oo ku yaal magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

3 Jawaabood " Halkaan ka dhageyso khudbaddii Salaatul Jimcaha Sheekh Umal ee April 13, 2012 uu ka jeediyay Masjidka Abuubakar Sadiiq oo ku yaal magaalada Nairobi ee dalka Kenya. "

  1. Abuu fatima says:

    Sheekhow kifaax waan karaa oo kaafir baa qiraye
    Karaamana jihaad baan kuheli kayd daliil yiriye
    Kufkufkiyo inaan gaal kabaqo keenimayn sharafe
    Inaad kaydka dhagareed taqaan kulama yaabayne
    Kulaylkiyo xanuunkuna usiman labada kooxeede
    Kaslaawaha miskiinkaa ayaad abid kexaysaaye
    Kalyey maanta joogtaa hadaad kicilahaydeene
    Kalif iyo mashaqadaad wadaa kaashif wee yaane
    Shubuhaadka aad keeney see kicisay laabteene
    Kufri iyo islaambaa nafluhu wada kifaaxaaye
    Kutlad xoogle yaanahay hadaad keeni layd talaye
    Kiinyiyo Itobiya ayaan keeno barayaaye
    Adna iguma kaashide xaqaad kaydi abidkaaye
    Kacaaniyo jihaad baanihiyo kaafir dirirtiise
    Waxaad kicisay booraad kuqarin dhagarta kaydkeede
    Kalimaad sunaad sheegin iyo kuman is mood siise
    Kufri iyo islaam bay martiyo kulul rasaastiiye
    Kaniisado ayaa nagu qulquli kaafir soo diraye
    Kayd iyo dhaqaalay baxshaan keenya soomariye
    Kufsi iyo diliyo boob nagu kacaansheene
    Dhalinyaro hadaad kaali amaad yeeli kabahooda
    Kufaartaa hoteelda lagala kooxo soo baxaye
    Kisyaroo luqmadahay hablihi ugu koraayeene
    Kiinyada ad joogtaa baladu kaabigii timide
    Kabdhada sawaaxili ayey kooxba meel taale
    Kufsi maahan xoogee cashaa loo kaxaystaaye
    Kifaaxiyo jihaadkaan intuu duri kalaamkaago
    Hablahaa ay Kiinyaatigii kudayso hoostiine
    Bal ayaga karaamee hadaad karayso waa hawle
    Dhalinyaro jihaad iyo kifaax diiday karideeda
    Ood kaydki dhagareed hadana kula kalaamayso
    Jaad iyo inaad koolo bari waw kexayseene
    Karam diinta weeyiyo inaad kula jihaadaaye
    Cizigaad kobtuu yiilay nici shubahna keenyaaye
    Koobaad daraysaa halisa kaan aqoon dhimaye
    Dhalinyarada kaydkiyo dulmiga waad u kiishaaye
    Kahfi iyo tusaale aan is galin waad kakabisaaye
    Kaxishood Ilaahii khalqiga keenay waa xayiye
    Wadaad yohow kufriga hoos galee kiili shubahaadka
    Kaneeciyo dhilmaanyaba kadaran kalimka kaagaahe
    Kuu yiri darwiishkii ayaad keentay maragiis
    Kalaamkii Ilaahay ayey kooxba meel dhigine
    Kuman wada shubhaaday furaan kuna kalaamaane
    Kahaajira wadaad xume sharciga kilakilaynaayey
    Anaan kugula yaabayn inaad shubaha keentaaye
    Waxaad toban kaliilood lahayd keentay burinteede
    Kolay waa caruur iyo sufoho kuwad ushee kayne
    Kukacsaad lahayd awrki aad keeno galiseene
    Kumayaal jihaadaaya oo kiinya uga oohin
    Oo kaynta waamiyo Gediyo joogay kala barka
    Halkaan kaalmo kaasugi lahayn keenta shubahaade
    Kajoog adigamaahee jinaa kiciyey laabtiine

  2. Abuu fatima says:

    Waakan waxa sheekh Umal kuguubaabinaayo dhalin yaradu inay u adkaystaan kuna samraan

    Dhacdo murugo leh: Ciidamada Dowladda Shariif oo Afar gabdhood iyo hooyadood hal meel ku wada Kufsaday.

    Shalay oo ahayd maalin Jimco ah waxa magaalada Muqdisho ka dhacay gaar ahaan xaafadda Cali Turcaaye oo ku dhow Suuqa Xoolaha dhacdo aad u fool xun murugana ku ridaysa qof kasta oo soomaaliyeed oo Muslim ah oo dareen dadnimo uu ku jiro. dhacdadan oo ahayd in hooyo iyo afar gabdhood oo ay dhashay ay damceen inay soo fiiriyeen gurigooda oo hore ay uga qaxeen gurigaasi oo ku yaala xaafadda loo yaqano Cali turcaaye.

    Hooyadii iyo gabdhaheedii waxay si kadis ah ula kulmeen maleeshiyaadka ka amar qaata Shariif ee ciidanka Dowladda lagu sheego kuwaasoo ku caan baxay boobka hantida iyo kufsiga haweenka, isla markiiba waxay ugu soo yaaceen sidii dhurwaa hilib arkay, waxaanay hooyadii iyo gabdhaheedii u leexsadeen guryo laga haajiray, markii ay ogaadeen in haweenku yihiin hooyo iyo afarteedii gabdhood ayay isku dayeen inay hooyada iska bixiyaan si aanay u arag gabdhaheeda waxa lagu samaynayo. hooyadii ayaa diiday in ay ka tagto gabdhaheedii. waxaanay isku dayday inay ka dhiciso. hase yeeshee Iimaanlaawayaashii aan xishoodka lahayn hooyadiina way ku dareen. waxaanay soo direen iyadoo rafaad badan uu ka muuqdo gabdhihiina way kala hareen.

    Si kastaba ha ahaatee kufsiga haweenka iyo boobka hantida ayaan ahayn wax ku cusub meelaha ay joogaan ciidamada kufaarta Afrikaanta iyo maleeshiiyaadka soomaalida ee ka hoos shaqeeya, hase yeeshee waxa dhagaha dadka maanta ku cusub afar gabdhood iyo hooyadood oo hal meel lagu wada faro xumeeyo

    Hadaad diido inaan ku samirno dagaalka kaafiriinta tanaad naleedahay kusabra

  3. caraseedo says:

    Seekh Umal waxaan u rajeeyay in Ilaahay jasadiisa uu ka dhigo Khayr,adduunka inta uu ku nool yahayna,ha ku noolaado nabad iyo nasteexo Alle,Aakhirana janna Fardawsa Ilaahay ha ugu bishaareeyo.