Home » Archive Daily April 18th, 2012

Gudoomiyahii degmada Ceelcade ee G/Gedo oo meydkiisa saaka lagu arkay gudaha Ceelcade

Apr 18, 2012
Garbahaareey, Somalia (AOL) – Wararka laga helayo degmada Ceelcade ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in saaka gudaha degmadaasi lagu arkey Meydka Yaxye Xuseen Isaaq (Timacade) oo dhowaan Saraakiisha Ciidama DKMG iyo kuwa Kenya ay u magacaabeen inuu noqdo Gudoomiyaha degmadaasi, isagoo xilkaasina ku shaqeynayey labadii bilood ee u dambeeyey sida Saxaafada u xaqiijiyeen Qaar ka mid ah Eheladiisa. Ilaa... 

Dastuurka Maamul Goboleedka Puntland oo Goordhawayd la Ansixiyay

Apr 18, 2012
Garowe, Somalia (AOL) – Waxaa goordhawayd magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland lagu ansixiyay dastuurka maamulkaasi, iyadoona ay goobjoog ka ahaayeen ergooyin ka kala socotay dowladda KMG, Maasuuliyiinta maamulka Puntland iyo wufuud ka socotay beesha caalamka. Afti qaadista dastuurka cusub ee Puntland oo ay doodiisu socotay mudooyinkii ugu danbeeyay ayaa maanta shirkii ansixinta... 

Qaad u Doode iyo Qaad Diid Maxaa kala Haysta!

Apr 18, 2012
Waxaa jirey baryahaan in dawlada Holland ay hadal haysey ineey gabi ahaanba joojin doonto Cunida iyo ka ganacsiga qaadka ee dalka Holland,iyadoo taasi jirto ayaa waxaa soo baxaya dad sheenaya masuuliyiin ama(community leader) oo bilaabay ineey si cad ugu doodaan inaan la joojin qaadka, Kuwaasoo dhawaan isku dayey ineey cabashadooda u gudbiyaan dawlada Holland kaasoo ah inaan la joojin qaadka yimaada... 

Meydad Dad Soomaaliyeed oo lagu Arkay Dalka Yemen

Apr 18, 2012
Ebyan, Yemen, (AOL) – Meydadka ilaa 10 qof oo Soomaali ah iyo dhaawaca kuwo kale ayaa lagu arkay deegaano katirsan gobokla Ebyan ee dalka Yemen, iyadoona mudooyinkii u danbeeyay ay dalkaasi ka socdeen dagaallo ba’an oo u dhexeeya dowladda Yemen iyo kooxo kairsan ururka Al-qaacidda. Dilalka dadkani Soomaalida ah ayaa la sheegay in uu la xiriiro tuhun looga qabo in ay xiriir la leeyihiin... 

Ra’isul Wasaaraha Dalka Itoobiya oo ka Hadlay Xilliga ay Ciidamadooda ka Baxayaan Soomaaliya

Apr 18, 2012
Nairobi, Kenya (AOL) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Melez Zenawi ayaa sheegay in ciidmaadiisu ay isaga bixi doonaan Soomaaliya marka goobaha ay Al-shabaab ka saareen ay ku wareejinayaan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM. Ra’iisul wasaaraha oo hadal ka jeediyay kulan uu la yeeshay baarlamanka dalkiisa ayaa sheegay in ciidamada Ethiopea ay guulo la taaban karo... 

Gudoomiye Tarsan: Shabaab Cidii soo Sheegta Abaalmarin ayay Leedahay

Apr 18, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Gudoomiyaha gooblka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max’uud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay ka qeybqaataan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay wadaan ciidamada nabadsugidda gobolka Banaadir. Gudoomiyaha ayaa sheegay in uu ka codsaday shacabka ku dhaqan Muqdisho in aysan ka niyad jabin qaraxyada iyo dilalka...