Nairobi, Kenya (AOL) – Waxaa maanta inoo suurta gashay in khudbaddii uu Salaadda Jimcaha ka jeediyay masjidka Abuubakar Sadiiq oo ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay noo soo diraan walaalaha jooga Masjidka. Cinwaanka khudbada ayaa Xafiduhullah Sheekh Maxamed Cabdi Umal waxuu ka dhigay (Fadliga salaada Jimcaha.)
Fadlan Video-ga hoose ka dhageyso Khudbadda Sheekha ee Salaatul Jimcihii maanta oo ay taariikdhu aheyd April 20, 2012 uu ka jeediyay masjidka Abuubakar Sadiiq ee ku yaal magaalada Nairobi ee dalka Kenya:
———————–
Halkaan ka dhageyso khudbadii Salaatul Jimcaha Sheekh ee April 6, 2012 uu ka jeediyay Masjidka Abuubakar Sadiiq oo ku yaal magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu cinwaankeedu ahaa “ISKU DIR-DIRKA IYO DHIBAATOOYINKEEDA.”

ASC MUSLIMIINTA DHAMAAN
Masha Allah sheikha waa ku mahadsanyahay qudbadaas jimcaha. walalayaal waxaan jeclaan lahaa in aan wax ka weydiiyo walaaleheey muslimiinta ah qubadaas ee uu sheika malintaas jimcaha ka akhriyey masjidka uuna ka hadlayey qiimaha maalinta jumcaha iyo salaada jumcaha.
Sheikhu waxa uu sheegay oo khudbadiisa ka mid ahaa:
in qofkii ka tago sadex (3) cisho salaada jimcaha asagoo wax curdaar ah laheen waxaa lagu qoraayaa liiska munaafiqiinta
shareecada waxeey cududaar siisey oo salaada jimcaha ay waajib ku aheen waa :
1. ruux musaafur ah
2. ruux jiran oo soo kici waayey
3.haweenka salaada jimaha laguma laha
4. ilmo yar yar ooba qalinkaba qori karin
iyo tan shanaad oo uu sheikhu yiri
5. adoon la leeyahay oo uu sayidkiisa leeyahay oo mamluuk ah
Marka walaaleheey muslimiinta ah waxaan waydiinayaa marka nabigeena Maxamed (scw) uu nolaa
1. adoonsiga ma jiray?
2. Diinta muslimkana marka ay ku soo degtay nabi maxamed (scw) maxey ka dhahday ama ka sheegtay adoonsiga?
3. ma mamnuucday mise waa ay ogoleed?
Sida aanse hadalka sheikha ka fahmayne hadaan khaldaneen waxuu shiikha sheeygay oo khudbadiisana ku jirtay dadka salaada jimcaha aan waajibka ku aheen ay ka mid yihiin dadka la adoonsado oo la leeyahay oo uu sayidkiisa leeyahay oo mamluuk ah.
Marka dadka la adoonsanjiray muslimiin ma aheen?
Wa billahi towfiiq