Home » Archive Daily April 24th, 2012
Guddoomiyaha waxbarshada gobolka Gedo Cabdulaahi Cisman Xuseen (Cabdulahi Soomaali) oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Balad-xaawo.
Balad-xaawo, Gedo/Somalia (AOL) – Gudoomiyaha waxbarashada ee gobolka Gedo Cabdulaahi Cisman Xuseen (Cabdulahi Soomaali) oo maanta shir jaraaid ku qabtay Hotel Colujoog ayaa shaaca ka qaaday in la soo wareejiyey xafiiskii dinwaan galinta ardayda ee ka furnaa degmada Balad Xaawo, waxaana uu sheegay in la dhigay isla Hotelka Colujoog.
Cabdulaahi Soomaali ayaa ugu baaqay dhaman ardayda kasoo...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta kulan la qaatay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Xukuumada KMG Soomaaliya
Muqisho, Somalia (AOL) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta la kulmay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Xukuumadda KMG Soomaaliya, Waxaana looga hadlayay in agaasimayaasha guud aysan saameyn ku yeelan doonin xilliga kala guurka ah oo ay dowladda KMG Soomaaliya imminka ku jirto.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay Agaasimayaasha in ujeedada ay tahay...
Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo oo Qabtay Rag ku Eedeysan Falal Dil ah iyo Dagaal ka Dhacay Deegaanka Ceelcade
Ceelcade, Somalia (AOL) – Ciidamada dowladda KMG ee deeganka Ceelcade ayaa gacanta ku dhigay laba nin oo la tuhunsanyahay in ay ka danbeeyeen dil loo geystay gudoomiyahii deegaanka Ceelcade ee dowladda Soomaaliya.
labadan nin oo ay ciidamadu kasoo qabteen gudaha deegaanka Ceelcade ayaa la sheegay in ay ka danbeeyeen dilka gudoomiyihin deegaanka Ceelcade Marxuum Yaxye Xuseen Isaaq (Timacade),...
Burcad Badeedda oo sii Daayay Markab laga Leeyahay Dalka Talyaaniga
Nairobi, Kenya (AOL) – Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa sii daayay markab laga leeyahay dalka Talyaaniga oo ay heysteen mudo afar bilood ah, kaasoo ay kasoo afduubteen Xeebaha dalka Cumaan.
Markabkan oo lagu magacaabo Enrico Levoli ayaa waxa saarnaa shaqaale ay tiradoodu gaareeyso ilaa 18, kuwaasoo isugu jiray Hindi, Talyaani iyo Ukraine, waxaana la sheegay in dhamaan shaqaalahaasi ay badqabeen...
Gudiga Amniga Qaranka oo kulan ku Yeeshay Magaalada Muqdisho
Muqdisho, Somalia (AOL) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen xubnaha gudiga Amniga Qaranka kaasoo looga hadlayay sidii loo dardar gelin lahaa dadaallada lagu sugayo ammaanka caasimadda.
Warsaxaaafadeed kasoo baxay gudiga Amniga ayaa lagu sheegay in kulanka ay maanta isugu yimaadeen diirada lagu saaray arimo ku saabsan muhiimadda ay leedahay iskaashiga hay’adaha...
Saraakiil Katirsan Xoogagga AMISOM oo Gaaray Jubada Hoose
Dhoobleey, Somalia (AOL) – Saraakiil kasocoto ururka Nabadilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta gaaray gobolka Jubada Hoose, waxaana saraakiishani ay halkaasi u tageen in ay dardar geliyaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.
Saraakiishan oo uu horkacayay Taliye ku xigeenka AMISOM General S.N Karanji ayaa waxa ay gaareen degmada Dhoobleey, iyadoona ay halkaasi kusoo dhaweeyeen madax...
Madaxweeyna Shariif: Baarlamaanka Waxaa Dhisay Boqollaal Ergo oo Soomaali ah, Hadana Waxaa Diyaar u ah Dhismihiisa 825 Xubnood
Muqdisho, Somalia (AOL) – Madaxweeynaha dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay khilaafka ka dhex aloosan baarlamanka KMG ee Soomaaliya, isagoona sheegay in aan marnaba loo xayirnaan doonin baarlaman is qilaafsan.
Madaxweeynaha ayaa sheegay in dadaal dheer ay ku bixiyeen sidii loo xallin laha khilaafka u dhexeeya Baarlamanka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay ku guuldareysteen dhamaan...