Home » Islam, News »

Ogeysiis muhiim ah: Kitaabka Suwaru Min Xayati Saxaba oo bilaabanaya April 26, 2012.

Bulshada Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah waxaa lagu wargelinayaa in April 26, 2012 la bilaabi doono Kitaabka Suwaru Min Xayati Saxaba oo ku saabsan Taariikh noolaleedkii saxaabadii RC ajmaciin, waqtiga magaalada Columbus, Ohio ee cariga mareykanka markuu yahay 11:30 pm, waxuuna ka bixi doonaa Qolka BAR AMA BARO oo lagu gali karo Tel. 218- 936 4343, PIN Number 114#, waxaana casharka oo ah mid joogta ah bixin doona haddii uu Rabbi raali ka noqdo Sheekh Xuseen Guuleed Adam (Sheekh Xuseen Siiro) oo ah Iimaamka Masjid Al taqwa oo ku yaal magaalada Columbus, Oh ee dalka Mareykanka.  Kitaabku wuxuu bixi doonaa laba habayn oo kala ah Khamiis ay Jimco soo galayso 11:30 pm iyo habeen Isniin ah oo ay Talaado soo galayso 11:30 pm.

Qofkii aan fursad u helin dhageysiga iyo la socoshada Kitaabka wuxuu kala socon karaa Shabakadda Allgedo Online oo uu cinwaankeedu yahay www.allgedo.com oo si joogta ah loo soo galin doono Inshaa Allah.

Kitaabka La akhrinayo waa SUWARU MIN XAYATI SAXABA daabacadda cusub oo ka bilaabato ANAS IBN MALIK RC, qolka BAR ama BARO wuxuu furan yahay 24 saac waxaana ka baxa duruus diini ah iyo barnaamij cilmiyeedyo muhiim u ah ummadda muslimiinta ah, qofkastana waa u furan yahay.

Qolka Bar ama baro waxaa ka reeban:

1.  Siyaasad
2.  Qabyaalad
3.  Iyo shukaansi.

————–
Maxamed Faarax, Columbus, Ohio.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.