Home » Sports »

Tarikhda Cabdi Bile Cabdi oo ah ordaagii caanka ahaa ee Soomaaliya

Maanta waxaan inyar isdul taagaynaa tariikhda Ordaaga caan ka ah ee cabdi bile cabdiwaxa uu ku dhashay magalada Laascaanood ee xarunta gobalka sool 28-kii december 1962-dii, waxaa uu tacliintiisii dugsiyada sare ku dhamaystay gudaha dalka somaliya intaa kadib waxa uu dibada ugu baxay waxbarasho jamacadeed wuxuuna ka qalin jabiyay jamacada kutaala dalka maraykanka oo layirahdo George Mason qaybteeda  management of marketing, halkaas ayuu in mudo ah kunoolaa.

Yaraantiisii waxaa uu caan ku ahaa jacaylka ama ka helida ciyaaraha noocyadooda kala duwan sida kubadda cagta iwm.

Adeerkii maxamed bile ayaa dhowr jeer ku booriyay ama ku dhiiri galiyay  oradka inuu ku dadaalo sida laga sheegay cabdi bile cabdi laakiin isagu waxa uu jeclaa kubadda cagta.

Waxa uu cabdi bile cabdi ka maqlay ilaacada muqdisho war sheegaya in ordaagii somaliyed ee Jamac karacin uu helay deeqwaxbarasho orod uu qaday daraadeed taas oo cabdi bile u kordhisay hamigiisii ahaa inuu noqdo orod yahan ,waqtigaa wixii ka danbeeyay cabdi bile waxaa uu toos ugu biiray bahda orodyahana somaliya isagoo Laascaanood u matalay koobkii oradka ee gobalada somaliya ee sanadkii 1982dii ee lagu qabtay magaalada Muqdisho .

Cabdi bile wallow uu san qaadin koobka hadana kama hadhin ee waxa uu sii watay tababaradiisii isaga isku sharaxay ka qayb galka koobka jamacadaha maraykanka kaas oo ay usuuro gashay inuu qaado sanadkii 1985tii.

Sanadku markuu ahaa 1987dii ayuu waxa u ka qayb galay koobka oradka adduunka  ee masaafadiisu tahay ( 1500m )oo markaa lagu qabanayay dalka talyaniga magalada Rooma wuuna ku guulastay koobkaa isagoo lulaya calanka buluuga ah ayaa laga dawaday shaashada addunka oo dhan wuxuuna adduunka habaykaa baray inuu jiro dal layiraahdo somaliya oo ku yaala geeska afrika kaas oo awooday ka qayb galka tartanada adduunka  ilaa heer caalami  waxa uuna noqday ordaagii ugu horeya ee somali ah ee koobka adduunka qaada.

Sidoo kale Cabdibli waxa kaloo uu qaday koobka afrika isla sanadkaas kaas oo uu ku xidhay iskoodh caalami ah oo ah inuu noqdo ordaagii ugu horeeyay oo halmar wada qaada koobka  oradka ee afrika iyo adduunkaba.

Sanadkii 1987dii ayaa waxaa magaalada Muqdisho loogu sameeya soo dhaweyntii ugu balaadhnayd  ee abid loo sameeyo ordaa ama ciyaar yahan somaliyeed ,qaybaha kala duwan ee Shacabka somaliyeed ayaa ku qaabilay Gegiga dayuradaha ee Adan cade international airport sida  dawladda somaliya  gaar ahaan wasarada ciyaraha,abwaano,fanaaniin  ay mid ahaayeen hoobalada (Waaberi )oo ay ka mid ahaayeen Xasan adan samatar,xaliima magool,khadra dahir, fadumo qasim iyo dhaman inta kale reer waaberi  oo markaa utirinayay heeso sida (cabdi bilaan uheesayaaaaaa…………………uheesayaaaaaaaaaaa ………..uheesayaaaaaaaaaaaaaaaaaa……) iyo cayaaryahanada somaliyeed oo dhan.

Inta kabacdii magaca cabdi bile ayaa adduunka oo dhan qabsaday wax kastoo dheereeyana waxa lagu xardhay magiciisa sida shirkada TAYOTA oo qaar kamid ah baaburta ay soo saarto ubixisay Cabdi bile waana baabuurta  looyaqaano fivelayaal ee inta badan somalidu saaraan qoryaha  wax dila sida baronka, waraysi uu siiya BBC-da waxa uu somalida u sheegay in shirkadaasi magaca is ka qaadatay idanna ayna ka waydiisan waayo ma lihi buu yiri dawlad xaqayga udooda ana ma sii dabagalin ayuu yiri halyeyga cabdi bile cabdi.

Sidoo kale magaalada Laascaanood Garoon kubadda cagta waxaa layiraahdaa Cabdi bile stadium si loogu sharfo ordaagii gobalka uga qayb gali jiray tartanada heerka gobal ee somaliya oo hada gaadhay in uu somliaya iyo oo dhan matalo.

Cabdi bile waxaa uu hada kunool yahan dalka maraykanka  waxa uuna socdalo ku kala bixiyaa dalalka addunka isaga oo lagu sharfo ka soo qayb galka koobabka adduunka marka la furayo, dhawaan markii la qabanayay koobkii ciyaaraha kubadda somaliya ee magaalada garoowe waxaa uu ahaa marti sharaftii lagu sharfay ka soo qayb galkooda.

Warasiyo fara badan ayuu siiyay ilacada BBC da laanteeda afka somaliga Isagoo ka hadlay heerarkii uu soo maray waxa ku dhaliyay  inuu ordo, sidoo kale hooyadiis ayaa waraysi ay siisay radio muqdisho ku sheegatay  in  uu guriga joogo kii cabdi bile markuu cararo ay ku odhan jirtay hooyo ii soo qabo iyadoo sheegtay in cabdi kuwo ka dheerayaa ay caruurteeda ku jiraan saas ay tiri iyadoo kusugan magaalada laascaanood ee xarunta gobalka sool ee somaliya.

Isku soo duubuu cabdi bile waxa uu caalamka ogaysiiya inuu jiro wadan afrika kuyaala oo la dhaho somaliya kaas oo awood uleh inuu utartamo ama ka qayb galo ciyaaraha adduunka si heer caalami ah,waxaa uu calanka somaliya baray in kabadan 100 milyan oo habaykaa daawanayay tartankii oradkiisa.

Cabdi bilecabdi kasakoow in isaga la lagu sifeenkaro in ay sharaf iyo yididiilo ay u ahayd guulaha uu gaadhay hadana dadka soomaalida ayaa igygana utahay guul iyo karaamo weyna kufaanaan halyeygooda cabdi bile cabdi.

Guulahaas cabdi Bile Cabdi uu garay waxaa kamid ahaa:

The one and only Abdi Bile abdi, a hero, patriot and champion for excellence who gave Somalia its only Golden Medal

1985 waxa uu qaaday african champion 1987 waxa uu qaaday world champion ships

1989 waxa uu qaaday IAAF grand prix final

1996 waxa uu qaaday olympic game.

Qofkii tarikhdiisa oo intaa ka faahfaahsan rabaa waxaa uu ka helayaa raadraacyadan:  http://en.wikipedia.org/wiki/cabdi_bile

W/Q:-Abdirasak Ahmed Jama (Qoje)
Email: qoje2@hotmail.com

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

7 Jawaabood " Tarikhda Cabdi Bile Cabdi oo ah ordaagii caanka ahaa ee Soomaaliya "

  1. zakia says:

    ilaahay ha xifdiya maansha alaah good for as good for all AFrica,

  2. shaxda says:

    Waxaan umahad celinayaa allah kadib shabakada allgedo oo maqaalkan faafisay sidoo kalan qoraaga maqaalkan mr cabdirasaq axmed jamac ayaan uamahad celinayaa ,,,,,,
    cabdi bile waa halyey aan la ilaabi karin

  3. c/wahaab says:

    cabdi bile cabdi walee waa nin sare magaca soomaaliyeed uyuu sare qaaday ilaaahoow geesi qaran viva cabdi bile

  4. taleex says:

    cabdi bile waa mid kamid ah halyeyada darawishta laguna yaqaano geesinimo wadaninimo wuxuun ka soo jeedaa beesha faca weyn ee somaliya ugu tarikhda badan ee dhulbahante darood

  5. qalinle says:

    WAXAAN UMAHAD CELINAYAA HALYEYGA QORAY MAQAALKAN IYO SHABAKADA FAAFISAY DHAMAANTOOD
    SIDOO KALE CABDI BILE OO AY NASOO XASUUSIYEEN AYAAN ISAGANA LEE YAHAY NOOLOW DARWISH JIRA

  6. NIMCO says:

    waxaan u hanbalyaynayaa ninka qoray maqaalkan mr cabdirasaaq axmed jamac sidoo kalana shabakada allgedo.com
    aniga oo ku hadlaya afka cabdi bile cabdi.

  7. cabirasaq axm jamac says:

    dhamaan waa mahadsan tihiin waxaan diyaar unahay maqaaladan oo kale inaan shacabka somaliyeed u soo gudbino mar kasta iyo meel kastaba

    qoraaga maqaalakn