Home » News »

Al-shabaab iyo Ciidamada Huwanta ah oo ku Dagaalamay Gobolka Jubada Hoose

Muqdisho, Somalia (AOL) – Dagaal aad u culus ayaa degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada Hoose ku dhexmaray ciidamada dowladda, Raaskaambooni iyo kuwa Kenya oo iskaashanaya iyo xoogagga Al-shabaab.

Dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in ay weerar gaadmo ah xalay saqdi dhexe ku qaadeen saldhig ay ciidamada huwanta ah ku lahaayeen degmada Badhaadhe, waxaana labada ciidan dhexmaray dagaal aad u xooggan oo sababay qasaarooyin kala duwan.

Taliyaha ciidamada dowladda KMG ee Gobollada Jubooyinka Ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay in Al-shabaab ay ku fashilmeen dagaal ay xalay ku soo qaadeen fariisimaha Ciidamadooda, isagoona sheegay in dagaalkii xalay uu hal askari ugu dhintay dhankooda halka dhanka Al-shabaab uu sheegay in ay ka dileen 20 Askari.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray fariisimo muhiim ah ay kala wareegeen Ciidamadii soo weeraray, isagoona sheegay in ay sidoo kale kusii dabo jiraan oo ay ku firxadeen dhulka howdka ah waa siduu hadalka u dhigaye.

Xoogagga Al-shabaab ilaa imika maka hadlin dagaalkii xalay iyo weliba qasaaraha ka dhashay.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo dagaal ceykan oo kale ah uu ka dhaco gobolka Jubada Hoose, haseyeeshee xoogagga Al-shabaab ayaa aalaaba weerarro kuwan la mid ah la beegsada saldhigyada ciidamada huwanta ah ee gobolka Jubada Hoose.

C/qaadir Faarax, Muqdisho/Somalia.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Al-shabaab iyo Ciidamada Huwanta ah oo ku Dagaalamay Gobolka Jubada Hoose "

  1. Asadulislam says:

    Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal culus oo xalay degmada Badhaadhe ku dhaxmaray ciidamada muslimiinta iyo kuwa Nasaarada Kenya.

    Wararka nagasoo gaaraya Badhaadhe waxay sheegayaan in ciidanka mujaahidiinta xalay xoog ku galeen Badhaadhe halkaasi oo ay ku laayeen maleeshiyaad dabadhilifyo ah iyo ciidanka Kenya.
    Dagaalka oo saacado socday ayaa sababay in cadawgu ka cararaan Badhadhe oo saacado kooban ay ka talinayeen mujaahidiinta.

    Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyaad Soomaali ah oo cadawga lasocday ay u baxsadeen dhanka Kulbiyoow.
    Warbaahinta islaamiga ayaa baahisay in ciidan Kenyaan ah oo dhaawac ah laga baadi goobayo dhulka Howdka ah oo la rumeysan yahay in ay ku dhuumanayaan.
    Ilo mas’uul ah waxay sheegayaan in ciidamo katirsan Mujaahidiinta ay baadi goob ugu jiraan ciidanka Kenya ee howdka ku cararay.