Ahlusuna oo Saaka dhigtay ciidamo wadooyinka Soo gala Caabudwaaq
Gaadiid iyo Ciidamo ka tirsan Ahlusuna ayaa saaka lagu arkayaa wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Caabudwaaq Lama oga ujeedada ka dambaysa ciidamadan la daadiyay wadooyinka waxaana ay bilaabeen baaritaan guud oo ay ku samaynayaan saaka gaadiida dadweynaha iyo dadka marya wadooyinka soo gala Caabudwaaq iyo Kuwa Ka baxaya.
Sargaal ka tirsan maamul Ahlusuna oo ay lahadashay Idaaacada Radio Caabudwaaq ayaa ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo ciidamadan iyo howlgalka ay ka bilaabeen saaka Deegaanka Caabudwaaq.
Waxaa si wayn looga dareemayaa howlgalkan saaka ay wadaan Ciidamada Ahlusuna Gudaha Magaalada caabudwaaq.
Xildhibaano sii sagootiyey Ciidamo ka tirsan Ahlusuna oo howlgalo u soday
Ciidamada culuma udiinka Ahlu sunna Waljamaaca ayaa bilaabay howlgalo ay ka samaynyaan qayba ka mida gobolada dhexe waxa ayna u jahaysteen dhinaca Degmada Ceel-buur ciidamo aad u fara badan oo wata gaadiidka dagaalka oo kolonya ah ayaa ka baxay magaalada Guri-ceel ee G/Galgaduud si ay u gaaraan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dhexe ee bartamaha Somaliya.
Ciidamada ayaa inta ay bixin waxaa la isugu geeyey jaamacaddii hore magaalada Guri-ceel waxaana halkaasi kula hadlay masuuliyiin kala duwan oo ay ugu horeeyaan kuwa Ahlusunna waljameeca iyo xildhibaano baryihii dambe ku sugnaa Galgaduud waxaana ka mid ahaa xildhibaan C/qaadir C/lahi Diiriye (xildhibaan Cadaawe) waxa uuna u sheegay ciidamada inay iska difaacaan cadwga ku soo duulay Dalka waa sida uu u dhigay hadalkee ayna u adeegaan shacabkooda ayuu yiri xildhibaanka.
‘’Waa inaad iska difaacdaan nimanka Dalka, Dadka iyo Diinta ku soo duulay oo aad meel iska saartaan waa inaadnaan ka cabsan madaaba aad haysataan mamda’a Ahlusnna Waljamaaca aadna u taagan tihiin difaaca Diintiina, Dalkiina iyo Dadkiinaba waa inaad ka xoraysaan meelaha ay ku hareen ninamkaas calooshood u shaqaystayaasha ah ee Al-Qaacidda waxa ayna hadda billaabeen inay dhacaan dadka reer guuraaga ah ka dib markii ay soo wajahday dhaqaala xumo aad u sarraysa waana laga guulaysan doonaa haddi Alla idmo anaguna haddii aan nahay xildhibaanadii dalka waa idin garab istaagaynaa intii karaankeen ah ayuu yiri Xildhibaan Cadaawe.’’ Masawirka hoose waa Xildhibaan Cadaawe oo ka hadlaya howlgalkii ciidamada Ahlusuna ee maanta.

Dhinaca kale Xildhibaanka ayaa ugu baaqay ciidamada inay shacabka ka ilaaliyaan oo ay inta ay howlgalada ku jiraan aan lasamayn wax aar goosi ah balse ay la dagaalamaan cadawgooda.
———–
C/kariin Axmed Bulxan, Caabudwaaq/Somalia.

Ahlusnna Waljamaaca xaal qaado qol kasto shaar ayeey soo xiratay somalida shaarar badanaa waa yaab waan yaabahanahay
War amxaara raacaan cusub oo xildhibaanka sheeganaya,ma haduu soo rucleeyay….wiil c/waaq wax kasoo qora ee bulxan last nameka wata waa nimaan wariye noqon karin oo dhinac siyaasadeed iyo dhinac jifaba. Meel ujanjera. Warkiisana ma aha mid sugan..allgedo waa inaad ka feejignaataan.