Home » Archive Daily May 10th, 2012
Cabdulaahi Aden Nuure Xuubey oo baaq u diray beesha Sade Bari (Dhageyso)
Cabdulahi Aden Nuure Xuubey oo ku magac dheer (Firxad), kana mid ah aqoon yahanada beesha Sade ee ku nool magaalada Bermingham ee dalka Ingiriiska oo maanta lasoo xariiray shabakadda AOL ayaa waxuu baaq u diray guud ahaan shacab-weynaha Sade meel ay joogaanba, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Waqooyiga Galgaduud.
Xuubey ayaa qodobada uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa: Oday dhaqameedyo dhawaan laga magacaabay...
Guddiga Dastuurka: Dastuurkani ma ahan mid dhameystiran waase “Dastuur Yare”
Wareysi ay dhawaan Laanta Af-soomaaliga ee codka Mareykanka (VOA) la yeelatay Cabdulaahi Xasan Jaamac oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Qabyo Qoraalka ayaa waxuu ku sheegay in Dastuurkani uu yahay waxa ay ugu yeereen “Dastuur Yare”, kaasoo uu dhanka kalena ku sheegay in wixii la rabo in laga badalo laga badali karo muddo 4 sano gudahood ah, wixii intaas ka horeysana lasii isticmaali...
“Dagaalkii 77 ayaa la’iqabtay anigoo 13 jir ah” Part1 – By Adam Abdi Abuzuhri.
Assalaamu Calaykum walaalaha qeymaha iyo qaayaha badan ee kuxiran websitekan u khidmeeya shacabka Soomaaliyeed.
By Adam Abdi Abuzuhri
abuzuhri1@gmail.com
—————————-
“Waxaa la’isoo qabtey anigoo 13 jir ah waxaana ka soo baxay markaan 24 jirsadey, sanadka markuu ahaa 1988″
Waxaa sidaas kubilaabey qisadiisa Sheekh Abubakar oo horey...
Shirweynaha Soomaaliyeed ee ka socda Muqdisho si toos ah uga daawo TV-ga Qaranka (SNTV)
Si aad ula socoto shirweynaha Soomaaliyeed ee ka socda Muqdisho, Guji ama riix Link-iga hoose:
http://somalworld.com/sntv.html
Fadlan noo soo gudbi haddii aad dhib kala kulanto daawashada TV-ga Qaran (Somali National TV) si aan kuugu soo sheegno sida ugu haboon ee aad dhib yari ugu daawan karo.
Wabilaahi towfiiq.
Read More →
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Mas’uuliyiin ka kala socota Koonfur Afrika iyo Mozambique (Sawiro)
Muqdisho, Somalia (AOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiin ka kala socda Koonfur Afrika iyo Mozambique.
Wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha uu kulan la qaatay Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka, Mr. Jeffrey Radebe, Safiirka Koonfur Afrika u fadhiya Nairobi Mr, Didumusi Ntushinga iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda ee Mozambique...
Cabdulqaadir Sh. Maxamed Aw-Maxamuud “Waan u mahad celineynaa dhamaan intii tacsida noo soo dirtay”
Waxaa beryahan danbe nagu soo dhacayey wax aan la koobi karin oo Dhambaallo iyo Farrimo ah, issuguna jira Duco, Sabirsiin iyo Tacasi nalooka tacsiyeynayo geeridi naxdinta lahayd ee ku timid Walaalkayo XILDHIBAAN CABDIWELI SH. MAXAMED Jannada Raxma allaha ka waraabiye.
Intuba waxay na taabsiyeen xushmadayn siyaado ah, shucuur muslimnimo iyo qaddarinta weyn ee ay Dadweynuhu u hayaan Qadiyadda fiican...
