Akhristayaasha sharafta leh waa taxanaheenii runsheeg ee aan ku falanqayn jirnay arimaha bulshadda gar ahaan erayada cajaaibka leh ee soomalida maanta, intaa kadib Iidaaya sheekada dulucdiyo ujeedada aan xiribo dilaacshee.Xididka dhibka somalida majirto cid aan ka dharagsanayn xalada murugada leh ee soomaaliya. Waxaa hubaal ah in cid waliba cida kale eeda saarto marka saaxada fadhi ku dirirka taagantahay aniga iidaaya kan ugu muran badan ayaa ugu modan waxaa meesha ka baxay xishoodkii iyo kala danbayntii bulshada soomaaliyeed. Waxaa xadkii dhaafay xumaantii iyo xiqdigii xaalku wuxuu marayaa hadii aad ka horimaado waxay aniga ila tahay xadkii tolnimada waad jabisay, aniga ayaa mudan in an hadlo xalka umada soomaliyeed kaligay ayaa fahmi karo, tan reer tolkeena haba taaban waa waxaan tababarka u soo qaatay in aan cidna talo ka waydiin, talada umadaha waxay ka onkantaa wax iswaydiin iyo wada tashi, sidaas darteed waxaa layiri hadii talada loo dhiibo qof aan ehel u ahayn waa qiyaama gadoonkii hadaba akhristow meeqaad lakulantaa qof aan lafahmi karin waxa uu kahadlayo aqoona aan ulahay waxyaabaha naftiisa ka dhex guuxaya fikirkiisa?Waxaa xusid mudan in la is waydiiyo meeyay dadkii xishoon jiray, xaqana iska ilaalin jiray xaladana qiyaas kooban kaga gudbi jiray xogta rasmiga ah? Hadii aan jawaab ku siiyo reer ba’ay yaa leh. Beesha caalamku intay badbaadin kartaa magac been ah ninkii buur la fuula beesha calamkana beeso waydiistay, kirishbooy badana been ku afuufa si ay meelaha ay ooga buuqaan waa ba’a iyo hooga bulshada soomaaliyeed bohosha ay ku sii jeedo, badbaado alaa leh beenay waa run.Waxaa xusid mudan in ay jiraan dad aan wax dan ah k alahayn dalka iyo dadka intaba kala jeclayna dhib iyo dheef waxa ay la kulmaan kaliya waxaa qoseeya in asaga magac la siiyo mid qabiil ama siyaasi ama diimeed. Waxaa la marayaa xili adag marka laga eego dhinacyo badan, sida arimaha bulshada, siyaasada, diinta cidee mudnaanta leh oo matali kara masiirka umadeed ee guracmay kadib markii uu gacanta u galay daad aan ehel u ahayn. Waxaa hubaal ah qof waliba isaga ayaa sax ah, dhibaatada somaliyana kama qayb qaadan reerkiisa ayaa xalka soomaliya gacanta ku haya hadii isaga loo daayo dadku sidaa ma noqdeen dibindaabyada waxaa sababay taladayda markii la diiday duqeena uwayn danbi kama dhaco ma han duqa ree qorac oo kali.Soomalidu waxay ku maahmahdaa walaalo isneceb way xoola yareeyaan ama way xabaalo badiyaan markii aan isnacnay waan xabaalo badinay in kasta oo ay jiraan daad xoola yareeyay iyo kuwa xoola badiyaay intaba.
Xalku xagee ku jiraa umad kasta waxay leedahay wax ay wada ilaalsato ee ka dhaxeeyo cidwalbana ay ilaaliso. Waxaa meesha ka baxay arinkaas kadib markii wax kasta la baabashay. Waxaa soo baxay dad raadinahayo kaliya wixii dantooda ku jirto.
—————–
Qore: Axmed Sheekh Cabdiraxman (Axmed Towfiiq)

waa talo wanaagsan walaalkana wuuku mahadsanyahay taladiisa