Home » Archive Montly June, 2012
Mid ka mid ah laamaha shirkadda Xawilaada Mustaqbal oo maanta la dhacay.
Maanta waxaa la dhacay mid ka mid ah laamaha shirkadda xawilaada Mustaqbal gaar ahaan laanta degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho, waxaana dhacaasi geestay rag ku labisan dareeska ciidanka dowladda TFG.
Ragaan ayaa gudaha u galay xawilaada waxaana ay ka qaateen lacag ka badan 2kun oo doolar, iyagoona markii ay dhaca geesteen ka dib halkaasi ka baxsaday.
Taliska Booliiska degmada Waabari ayaa u sheegay...
Madaxweyne Shariif oo Balcad Kormeeray iyo soo noqodkiisa oo weerar culus lagu qaaday.
Madaxweynaha dowladda TFG Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta gaaray degmada Balcad ee gobalka Sh/dhexe halkaa oo dhawaan ay la wareegeen ciidanka dowladda TFG iyo kuwa AMISOM.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyntii ka amba baxay magaalada Muqdisho waxaana markii uu tagay degmada Balcad uu kulamo la yeeshay saraakiisha dowladda iyo kuwa AMISOM ee halkaasi jooga.
Kulamada ka dib ayaa madaxweynaha waxa uu meel...
Muqdisho oo maanta laga dareemaayo qaban qaabada xuska 1-da Luuliyo.
Guud ahaan magaalada Muqdisho waxaa maanta laga dareemayaa diyaar garoowga loogu jiro munaasabadda 1-da Luuliyo oo ah maalin ku weyn shacabka Soomaaliyeed.
Wadooyinka Muhiimka ah ee magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu arkayaa iyaga oo aad loo qurxiyay laguna xardhay calanka Soomaaliyeed iyo waxyaabo kale oo bilicda magaalada qurxinaaya.
Dhanka kale xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaa maanta...
Madaxda Somaliland iyo dowladda TFG oo mar kale ku kulmay Dubai.
Madaxda dowladda TFG iyo maamulka Somaliland ayaa mar kale maanta waxay ku shireen Dubai, waxaana ay ka wada haldeen arimo aad u badan.
Waxyaabaha ay ka hadleen waxaa ka mid ah ugu horeentii in la dhowro Heshiiskii London ay ku kala gaareen ergadii Labada dhinac mataleysay looguna dhaqmo sida uu yahay.
Waxay sidoo kale isla garteen in ganacsiga Labada dhan uu noqdo mid iskaashi ku saleesan, waxaana...
Xildhibaan Hilowle oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay Shirka uga soconaayo Nairobi Raas Kambooni, Ahlu-sunna, Azaaniya, iyo Harti Group (DHAGEYSO WAREYSIGA)
Xildhibaan Hilowle Aadan Maxamuud oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka TFG kana qeyb galaaya shir magaalada Nairobi maalintiisa Labaad uga soconaaya Raas Kambooni, Ahlu-sunna, Azaaniya, iyo Harti Group goob joogna ay ka yihiin dowladda TFG, Itoobiya ayaa inoo faah faahiyay waxyaabaha laga wada hadlaayo.
Xildhibaanka ayaa inoo sheegay in Shirkaan ay qaban qaabisay IGAD loogana hadlaayo sidii Jubooynka...
Madaxweyne Faroole ” Siilaanyo iyo Shariif dan shaqsiyadeed ayeey ka hadleen”
Madaxweynaha maamulka Puntlad C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxuud (Faroole) ayaa ka hadlay shirkii ka dhacay Isku Taga Imaaraadka Carabta kaa oo ay wada yeesheen mas’uuliyiinta Somaliland iyo Dowladda TFG waxaana uu sheegay in shirkaasi uu ahaa mid u gaar ah Madaxweyne Shariif iyo Axmed Siilaanyo ayna arimo shaqsiyadeed uga wada hadleen.
” Siilaanyo iyo Shariif dan shaqsiyadeed ayeey ka hadleen,...
Dagaal xalay ka dhacay degmada Hilwaa ee Magaalada Muqdisho.
Dagaal ayaa xalay wuxuu ka dhacay degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho, kaa oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda TFG iyo kuwa Xarakada Al-shabaab.
Ciidamo kamid ah Xarakada Al-shabaab ayaa weerar waxay ku qaadeen saldhiga degmadaasi iyo guriga uu deganyahay gudoomiyaha degmada Hilwaa, waxaana halkaa ka dhashay qasaare.
Wararka ayaa sheegaaya 1 qof uu dagaalkaa si ku dhintay waxaana ku dhaawacmay sida...
Dibad bax lagu taageeraayo wada hadalada Somaliland iyo dowladda TFG oo Muqdisho ka dhacay.
Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay Dibad Bax lagu taageeraayay wada hadalada u bilawday Somaliland iyo dowladda TFG kaa oo ka kala dhacay London iyo Isku Taga Imaaraadka Carabta.
Banaanbaxa waxaa uu ka dhacay maanta Stadium Koonis waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin sida Gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Wasiiru dowlaha Gaashaandhiga Maxamuud Macalin Nuur, Taliyaha...
Golaha wasiirada xukuumada TFG oo maanta kulan wada yeeshay (SAWIRO)
Muqdisho, Somalia (AOL) - Golaha Wasiirada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa iyadoo shirkani uu guddoominayay Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ahna Wasiirka Ganacsigga Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif, waxaana shirkan looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ugu horeysay xoojinta Amniga dalka, Arrimaha Roadmap-ka iyo Ergooyinka, Maxkamadaha...
Madaxweynaha TFG iyo midka maamulka Somaliland oo Dubai kulan ku wada yeeshay (SAWIRO)
Madaxweynaha dowladda TFG Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta kulan ku wada yeeshay Dubai, waxaana ay ka wada hadleen arimo badan.
Shirkaan oo saacado qaatay ayaa ugu horeen waxaa la isla gartay in la meel mariyo qodobadii dhawaan ay ku wada heshiiyeen xubnihii kala matalaaya Dowladda TFG iyo Somaliland, kuwaa oo ku shiray dalka Ingiriiska.
Sidoo...
