Muqdisho, Somalia (AOL) – Tartan kubadda cagta ah ayaa maanta ka furmay degmada Boondheere, waxaana tartankaas ka wada qeyb qaadan doona 16-kooxood oo ka wada dhisan gudaha degmadaasi.
Kooxaha ka qeyb galaya tartankan ayaa kawada yimid xaafadaha kala gadisaan ee degmada Boondheere, wuxuuna tartankan qeyb ka yahay isdhex galka bulshada ee horay uu ugu dhawaaqay madaxweynaha dalka mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Tartankan oo kooxo ka dhisan xaafadaha degmada Boondheere ay ka qeyb galayaan ayaa waxaa munaasabadda xariga looga jarayay kasoo qeyb galay masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, xildhibaano, agaasimaha idaacadda qaranka, marti sharaf ka kala timid degmooyinka gobolka iyo kooxda Baando muusiko ee ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.
Xafladda xariga looga jarayay tartankan ayaa waxaa ugu horeynba ka hadlay Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, mudane Maxamed Yuusuf Cismaan, isagoo sheegay in tartankan ay uga gol leeyihiin sii adkeynta isdhex galka qeybaha bulshada gobolka Banaadir.
?Anagoo ka duuleyna ku dhawaaqistii madaxeynaha Jamhuuriyadda ee barnaamijkii isdhex gelka bulshada waxaanu qabanay tartan ciyaaraha kubadda cagta ah oo ka dhacaya degmada Boondheere, waxaana leenahay waan sii wadi doonaa isdhex galka bulshada? ayuu yiri Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir mudane Maxamed Yuusuf Cismaan.
Sidoo kale waxaa halkaasi hadalo kasoo jeediyay Agaasimaha Radio Muqdisho mudane Cabdi raxiin Ciise Caddow, oo sheegay in ahmiyad weyn ay leedahay qabashada tartamo Sports oo noocan oo kale ah wuxuuna maamulka degmada Boondheere uga mahadceliyay abaabulka ciyaarahan.
Ugu dambeynti xafladdii xariga looga jarayay tartan ciyaareed ka furmay degmada Boondheere ayaa waxaa kubaddii ay ku wada hardami lahaayeen kooxaha degmadaasi laaday guddoomiyaha degmada Boondheere mudane C/laahi Xirsi Wardheere Istakiin. Maaha markii ugu horeysay ee maamulka gobolka Banaadir uu qabto tartamo ciyaareed looga gol leeyahay adkeynta sidhex galka bulshada reer Muqdisho.
———-
Xafiiska Warfaafinta maamulka Gobolka Banaadir Mogadishu-Somalia.








War wadankaan mooryaan badanaa, midwalba waxuu soo gashaday waxii gacantiisu soo haban kartay, waxaa la wataa sigsaan iyo daba gaabyo kala nooc ah, kabo haba sheegin qaarbaa buudwata oo balooni in ay ku ciyaaran raba. Waxaas oo dhan waxaa kadaran nimanka qayilsan oo futoshaariyada iyo koorarka qaba oo aan u malaynayo in ay isugu jiraan garsoorihii iyo calanwadayaashii.
Talo aniga haddii layga yeelo dadkaan aan is dhaamin meel dhaqan celin ah ha loo diro si ayna jiilalka soo socda dhaqanka iyo anshaxa uga halayn.