Alle ayaa mahad oodhan iskaleh, rasuulkana korkiisa ha ahaato nabadgelyo iyo naxariisn, Intaas kadib magaceeygu waa Cabdifitaax Axmed Goobe (C/fitaax bardheere), waxaan aahay arday wax kabarta wadanka pakistaan waxana bartay cilmiga barashada deegaanka (Environmental sciences) hadana waa ay ii dhamatay jamacdii taasna illaah ayan oogu mahadcelinaya subxanuhu watcala.
Walalyaal qoraalkan in aan qoro waxa igu kalifay kadib markaan arkay isbadalada xogan ee kasocdo Somalia oo ay kamid yihiin mashruucyada dib u dhiska oo ey wadaan wadanka walalaha aanu nahay ee Turkiga, iyo wadama kaloo badan, NGOsyo iyo caalamka oo manta indhihiisu ay qabteen Somalia iyo gobalada dalka Somalia intooda badan oo ka faaiideysanayo fursadaas iyaga ah waxaana horboodyo dhalinyaro wax baratay oo u dhalatay gobaladaasi intaas markan arkay gobalkan u dhashayna cid wax soo wada iska dhafe qof kahadlayo aan arkin dhalinyaradii wax baratay, aqoonyhanadii, waxgaradkii siyasiintii mid hadhihin wax qabad iska daaye ayagoo ka dhiidhinayo maan arkin maan maqal, arintaasi darteed ayaa igu kalifatay in an qoro qoralkaan si an ugu xasuusiyo uguna dhiiri galiyo dhalinyarada dada yar e aqoonayhanada ah ee u dhalatay gobalkan gedo.
Waxaan kula dadarmaya dhalinyarada iyo ardayda u dhalatay gobalka gedo qodobadan soosocdo:
- In aad fadhiga ka kacdaan iyo jifka oo aad aqoontaad barateen uga faiideeysan dadkiina iyo gobalkiina.
- In aanu midoowna oo an sameeysanaa urur nawada mideyo dhaman aradayda wax kabartay ee ku kala nool caalamka dal iyo dibadba.
- In aanu wax laqeeybsano asaageena oo aanan ka hoos marin in aan ka hormarno oo ay nagu daydaan moyaane.
- In aanu u laabano dhulkena hooyo oo aan si mutadawacnimo ah ugu faa’iideyno aqoontaan soo baranay dadkenan dhiban ee u bahan aqoon iyo hormar.
- In aanu hormuud u noqono hormarka dhulkeena oo aan soo jidano indhaha NGOska iyo wadamada doonayo in ay mashruucyo ka fuliyaan Somalia, sida dowlada aanu walalaaha nahay ee Turkiga.
- In aanu ka shaqeeyno oo kala shaqeeynaa maamul walba oo jooga gobalka dhanka amaanka.
- In aanu u labaano dhulkeena oo aanu bilawno hoowlo iskaa wax u qabsa ah anagoo ku dhiiri galineyno bulshada iyo shacabka ku sugan gobalka.
- In anu bilawno siminaro iyo workshopyo lagu dhiri galinayo shacbka ku dhaqan gobalka sida ururda hooyooyinka, dhalinyarada, macalimiinta, ganacsatada, Isboortiga iyo siyaasiinta.
Intaasi waxaan ooga gudbaayaa dardarankii guud ee aanu usoo jediyay dhalinyarada wax baratay ee ku sugan wadamada dibada oo dhan in ay usoo labtaan dhulkooda hooyo oo ay uga faaiideyaan aqoontooda.
Walalaheyga qaaliga ahoow, waxaad ogataan umad walboo hormar gaarta waxaa aasaas u ah dhalinyaro wax baratay oo gacmaha isqabsaday si dacad ahna ugu adeega dadkooda, diintooda iyo dhulkooda, marka walalayaaloow kuweenaan waxbartay walaahi dadkeenii wa baabasan yihiin oo burbureen markaad aragtaan sawir yar oo laga soo qaday dhulkeena waad ka naxeysan oo koley waad ila wada argteen ee aanu fadhiga ka kacno walalayaal.
Wabillahi toowfiiq.
————-
Qore: C/fitaax Axmed Goobe (Baardhere)
Email: abfitaax@hotmail.com

asc anigu ku bilabaya magacayga waa axmed maclin colad oo ku nool dalka australia markan aqriyaay baraarujinta uu walkaya c/fitaax soo qoray waa arin aada iaya aad u tabanayasa dhaman dhalyarada ka soo jeed gobelka gedo waa wax laga xumada waayo maraka aad fiirisi gobelodo kala iaya hormaraka aaya ka tilab sadeen waa arin laga shaqaya siiba umda ree gedo wax aan leyahaya hurda halaga kac gobelka hal dhisa kii dibad joga iya kii ku sugan dalka fari kama qodna in aan anaga isku tashan wax kal oon halkan ka salmaya dhamana umada soomali meel waliba aya jogan nabada halu dadal nabad baa naas la noga leh somali hais racda by axmed galayax
Waan salaamayaa dhamaan bahda allgedo salaan kadib magaceygu waa maxamed aadan bare waxan ahay arday cilmiga engineerinka ka barta wadanka sudan waxaa mahad iska leh allah subxanu wa tacaalaa intaa kadib walaalkeen arin aad u muhiim ah ayuu ka hadlay waxa gobolka gedo gobalada kale ka reebay waa dadkiisa oo aan u bisleyn iney wax qabsadaan waa fikrad wanaagsan ayaan qabaa dhalinyarada waxbaratay iney wax ka qabtaa oo wacu galin iyo baraarujin u sameeyaan gobolka si loo helo dad wax qabsan kara deegaan kasta oo wanaagsan dadkiisa ayaa wanaajiyay marka dadka gobolka fadhiga haka kacaan siiba dhaliyarada iyo dadka wax bartay waad mahadsantihiin
• Ha noqdo qofka aad nolosha la wadaageyso qof aqoon leh maxaa yeelay dadka aqoonta u ehelka ah waxay is fahmi karaan waxwalba, waxayna ku dhamayn karaan si is faham ku dheehan yahay, gaar ahaan hooyada aqoonta leh waxay awood u leedahay inay soo saarto ubad tarbiyaysan, kana guulaysan kara duufaanada jahliga, waxaa horey loo yiri hooyo wax baratay waa bulsho wax baratay.
maanshallah walalayaal soo dhaweeynta wacani ee aad soo dhaweysan fakirkeyga runtii maanta dadkenii iyo dalkeniiba waa uu inoo bahanyahay e dhalinteenaney waxbaratay fadhiga kakacno oo gacmaha is qabsono oo an aqoontena ooga faaideyno walalyaal,aniga idin bilabayo waan socda hada aniga 30/6/2012 marka idnkana iag daba imaada walalyaal mahadsanidiin
Asc mansha alah waa arin wanaagsan fitahne waxaa uu ka hadlay arin aad u wanaagsan , lakin magobalka gado oo kaliyah mase somalia oo idil , qofka marka uu dadaalka suubinaayo ama uu wadankiisa uuu rabo in uu wax u qabto waa in uu wadanka oo idil uu ka hadlaa lakin bahasha haday gobol ku e kaato somaliya waligeed heer ma gaarayso , mar walba waa in aan ku fakirnaa somalia oo idil sidii aan wax ugu qaban leheen dhib kane looga gudbi lahaa looguna tilaabsan lahaa horumar iyo guuul thnks dhamaan
salan sare cabdi fatax sxebkeyga qaliga ah aad baad u mahadsantahay inasha,lah waan da,daleyn aniga waxan wax ka barta uganda qasatan jamacada la yirahda isamic university in uganda waxana barta sharia hal sano aya ii dhiman inasha,lah wax waa iska badaleyn inbadan ayan in salamaya bye
Waan idin salamay walalahay salan kadib an kubilabe magacaygu wa warsame waxan ahay arday wax kabarta jamacda banadir e magalada muqdisho cilmiga {AT}ga inta hadan oga gudbo waxan umahad celinaya walakey c/fitax sida wanagsan ee uu nobararujiyay waxanu leyahay jazaka lahu khayral jazaa inagana allah ha inaga dhigo kuwa midoba oo dadkoda iyo diintoda iyo dhulkodaba wax uqabta WALALAYAL WABILAHI TAWFIQ
wallayaal aad bad ui mahdsanatihiin dhamntiin runtii aad ban ugu faraxsanany manat dadalkaw axbarsho eey wadan dgalinyarada,een sxbkeeyga wato magaca Aniga,waxaan leyahay sxb wa runtaa hadafkayga koowad wa somalinimo hormar ay garto tasi wa mid iga go,an aniga shaqsiyan, ee sxb hadan dooneyno in aan somalia wax u qabano bal marka hore gurigaga soo hagaji,ilen gurigaaga oo hagagsaneen ama adigoon hagagsanena cid kale masixi kartide hadafkeyguna saas buu aha bal marka hore gurigena an dhisano kadibna somali weyn u imano de maah wax had bilabanaya indr gobal walab somalia ah waxa hormarsanayo dadka u dhashay iyo dhalanyaradiisa marka saas bal an ula socon arinkas asaga wadna mahadsanathays xb fakirkaga qiimaha badan
sallama calleeykum dhamaan bacdu sallaan waxaan halkan rabaa in aan uga mahadnoqo wallalkeen abdifitaax sida dhiiran ee uu wannaga u farayo dhamaan dhalinta ka soo jeeda deegaankaas,waxaan rabaa in aan ku darsado gobolkanaga waa uu dhismi lahaa ee sida soomaalya badankeed waxaa dhabar gooyay colaado is daba socda marka waxa wanaagsan in aan marka hore ku dadaalnio nabadeeynta deegaanka oo ah furaha horumarka,hadii aan nabad helno nin walba wuu aadayaa oo wuu maalgashanayaa oo waxaa imaan karo cid walba laakiin nabad la,aan waa horumar la,aan marka gunaanadki hadalka aan ku dadaalno sidi nabad waarta an u heli laheeyn.aamiin to that..nabadeey.
asc, reer gedo aad ayaan idiin salaamay brothers and sisters, waa mahad sanyahay a/fatax.waa fikir saliima, Waxan idin leeyahay kudhaqaaqa horumarinta gobolka iyo guud ahan jamhuuriyada .. Guul ayan idiin rajaynaya .
Aniga oo ku hadlaya afka ardayda reer khatumo state waxan walalhayaga jubooyinka iyo gedo ku boorinayaa midnimada iyo ka shaqaynta dalka waa labo arimood oo muhiim ah
waxaan kaloo ina xusuusinayaa maxaa dadka gobaladaa udiiday inay horumriyaan gobaladooda sida dadka kale ee somaliyed waxaan leeyahay somaliya waa ka hadhnay mudo 20 sano ah sidaan wareerkii dawlad dhaca ugalnay wali kamaan soo kaban lk hadda waxa socda dadaalo ay wadaan dadka deegaanku ha lagarab galo inta awoodiina ah
waad mahadsantihiin