Soo jeedin Guud ahaan Dastuurka:
Waxay ila tahay in maanka lagu hayo Qoraalka Dastuurkana lagu cadeeyo (in meelkasta oo Dastuurka dhexdiisa lagu sheegay Kalmadda “Sharci” aysan kaliya ku koobneyn shuruucda Dastuurkan ee sharciga 1aad ee ilaalinta mudan uu yahay midka Islaamka dadkuna ogaadaan).
Qodobka 2aad: Lambarka 4aad.
Haweenku waa in ay ka mid noqdaan dhammaan hay’adaha guud ee qaranka, gaar ahaan jagooyinka laysu doorto iyo kuwa laysu magacaabo ee saddexda laamood ee dawladda iyo Guddiyada Madaxbannaan ee Qaranka.
Soo jeedin: Maadaama sida ku xusan (Q-3, L-3), loo baahan yahay in uusan Dastuurku Shareecada Islaamka ka hor imaan, waxay ila tahay sida Nusuusta/Axaadiista kusoo aroortay in labada jago ee Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha loo shardiyo midna inuusan Qof Haween ah qaban Karin. Sababta oo ah Soomaaliya waa Dowlad Islaam ah, Diinta Islaamkuna ma fasaxin in Dowlad muslim ah Qof haween ahi madax u noqoto.
Qodobka 11aad: lambarka 1aad.
Muwaaddiniinta oo dhan, iyogoo aan loo eegin lab iyo dheddig, diin, xaalad bulsho ama dhaqaale, afkaar siyaasadeed, qabiil, naafanimo, xirfad, dhalasho iyo afguri toona, xuquuqda iyo waajibaadkaba waa u siman yihiin sharciga hortiisa.
Soo jeedin: (Waa in lagu daro Qodobkaan “Marka laga reebo wixii shareecada Islaamku kala dheeraysiisay” Sababta oo ah waxyaabo badan ayey ku kala duwan yihiin Labka iyo Dheddigu Shareecada Islaamka dhexdeeda xuquuq iyo waajibaadba, sidaas waxaa la mid ah Muslimiinta iyo Gaalada.)
Qodobka 13aad: Lambarka 1aad.
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay nolol.
Soo jeedin: (waa in lagu daro qodobkaan “Hadii aan Shareecada Islaamka iyo sharciga Dalku u diidin nolosha”). Sababta oo ah waxaa dhici karta in dad dano kale leh ay u daliishadaan qodobkan Qof ay shareecada Islaamku ogolaatay in la dilo, la qisaaso ama xad laga oofiyo sida Qofka Guur soomaray ee Sinaysta.
Qodobka 15aad: Lamberka 3aad.
Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay badqabka jirkiisa waana laguma xadgudbaan.
Soo jeedin: (Halagu daro “Hadii aan Shareecada Islaamka iyo sharciga Dalku ogolaan wax u dhimista jirkiisa”). Sababta oo ah waxaa dhici karta in dad dano kale leh ay u daliishadaan qodobkan Qof ay shareecada Islaamku ogolaatay in xad laga oofiyo, sida Tuuga in gacanta la gooyo IWM.
Qodobka 17aad: Lambarka 1aad.
Qof kastaa wuxuu xor u yahay in uu ku dhaqmo diintiisa.
Soo jeedin: (Halagu daro “Islaamka”). Sababta oo ah Diin aan Diinta Islaamka ahayn loogama dhaqmi karo Dalka Soomaaliya, maadaama ay tahay Dowlad Islaam ah.
Qodobka 18aad: Lambarada 1, 2 iyo 3aad.
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ra’yigiisa soo bandhigo iyo in uu qaab kasta u gudbiyo warka iyo afkaarta uu qabo, haddii aysan wax u dhimayn anshaxa bulshada iyo ammaanka dadweynaha.
2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu raadsado, helana afkaar.
3. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu muujiyo hal’abuurkiisa faneed.
Soo jeeedin: (Dhamaan halagu daro, “Hadii aysan wax u dhimayn Diinta Islaamka, anshaxa bulshada iyo ammaanka dadweynaha”). Sababta oo ah dhammaan waxyaabaha ku xusan qodobadaan waa kuwo fududeyn kara in lafaafiyo Ra’yi, Afkaar, War iyo Hal’abuur Diinta Islaamka, anshaxa bulshada iyo amniga dadweynaha wax u dhimaaya, ayadoo la daliilsanaayo qodobadaan.
Qodobka 28aad: Lambarka 3aad.
Ubad kastaa wuxuu waalidkiis xaq ugu leeyahay xannaano ay ka mid tahay waxbarasho iyo barbaarin. (Haddiise xannaanadaas uu ka waayo degaanka qoyskiisa waa in loo yeelo cid kale oo daryeesha) Isla xuquuqdan oo kale ayay lee yihiin carruurta dariiq-joogga ah iyo kuwa aan waalidkood la aqoonnin, Dawladda ayaana si gaar ah ugu xilsaaran inay xuquuqdooda ilaaliso, si buuxdana ay u helaan.
Soo jeedin: Qodobkaan qeybta dhahaysa (Haddiise xannaanadaas uu ka waayo degaanka qoyskiisa waa in loo yeelo cid kale oo daryeesha) “Halagu shardiyo in cidaas kale tahay Qof muslim ah oo aan dan kale kalaheyn ilmahaas daryeel mooyee”. Sababta oo ah waxaa dhici kara in ilmo Soomaali oo Muslim ah uu gacanta u galo cid kale oo Diinta Islaamka dhinac marisa, ayadoo loo daliishanaayo qodobkaan.
Qodobka 29aad: Lambarka 1aad.
Ubad kastaa markuu dhasho wuxuu xaq u leeyahay inuu helo magac suuban iyo jinsiyad.
Soo jeedin: (Halagu daro “Hadii labadiisa waalid ama midkood muwaadin Soomaali ah yahay”)
Qodobka 30aad: Lambarka 5aad.
Dowladdu waxay dhiirigelineysaa sare-u-qaadidda cilmi-baarista, halabuurka iyo farshaxanka, horumarinta ciyaaraha hiddaha & dhaqanka, isboortiga iyo dhaqanka suuban ee dadka Soomaaliyeed.
Soo jeedin: (Halagu daro “si waafaqsan Diinta Islaamka”). Sababta oo ah Dastuurku ma fasaxaayo wax Diinta Islaamka ka soo horjeeda, waxaana laga yaabaa ayada oo qodobkaan la daliilsanaayo in Diinta Islaamka wax loo dhimo.
Qodobka 30aad: Lambarka 8aad.
Waxaa qasab ah in la baro diinta Islaamka caruurta dugsiyada dowladda iyo kuwa gaarka ah. Arrimmahan laguma dabaqi karo dugsiyadda ay leeyihiin dadka aan Muslimka ahayn.
Soo jeedin: Qodobkaan qeybtiisa dhahaysa “Arrimmahan laguma dabaqi karo dugsiyadda ay leeyihiin dadka aan Muslimka ahayn”. Hadii la ogolaado in Dugsiyo aan dad Muslim ah lahayn laga furo Dalka. Wuxuu ka hor imaanayaa Qodobka dhahaaya Diin aan Diinta Islaamka ahayn laguma faafin karo Dalka, sidaas darteeda halaga saaro meesha gabi ahaanba.
Qodobka 35aad: Lambarka 13aad.
Qofna looma ciqaabi karo fal markii uu ku kacay uusan sharciga uusan dembi u aqoonsaneyn, haddii uusan ahayn dembi ka soo horjeeda banii’aadaminnimada, laguna cadeeyey qawaaniinta dawliga ah.
Soo jeedin:Halagu daro “haddii uusan ahayn dembi ka soo horjeeda Diinta Islaamka iyo banii’aadaminnimada”. Sababta oo ah dadka Soomaaliyeed waa Muslimiin dhammaan Nusuusta shareecada Islaamkuna waa ku fuleysaa markasta, in Nas kale oo ka weeciya la helo mooyee.
Qodobka 48aad: Lambarka G.
Waa in ay dhowraan isu-dheelitirnaanta labka iyo dheddiga ee xilalka hoggaaminta.
Soo jeedin:(Halagu daro “si waafaqsan shareecada islaamka iyo Dastuurka Dalka). Sababta oo ah waxaa jira jagooyin badan oo Haweenku aysan qaban Karin. Loona baahan yahay in qodobkasta oo Dastuurka ka mid ahi shareecada waafaqo.
Qodobka 89aad: lambarada 1 – 4aad.
Afhayeenka Golaha Shacabka iyo labadiisa ku xigeen.
Soo jeedin: (Afhayeenka Golaha Shacabka iyo labadiisa ku xigeenba, waa in lagu shardiyaa in ay ka tanaasulaan hadii ay haystaan ama leeyihiin Jinsiyad Dal ama Dalal kale inta aysan xilka la wareegin caddeynna usoo gudbiyaan Guddiga Doorashooyinka iyo Diiwaan galinta Xisbiyada” sida loogu shardiyey madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo ku xigeenkiisaba).
Qodobka 98aad: Lambarka 1aad.
Afhayeenka iyo ku-xigeenada Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedyada.
Soo jeedin:Si dhammaan xubnaha sarsare ee Dowlada Federaalka Jamhuuriyadu maqaab iyo maamuus mideysan u yeeshaan waa in “Afhayeenka iyo ku Xigeenada Golaha wakiilada Dowlad-Goboleedyada loo shardiyo in ay ka tanaasulaan hadii ay leeyihiin ama haystaan jinsiyad Dal ama Dalal kale inta aysan xilka la wareegin caddeynna usoo gudbiyaan Guddiga Doorashooyinka iyo Diiwaan galinta Xisbiyada” sida loogu shardiyey madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo ku xigeenkiisaba.
Qodobka 113aad: Lambarka 1aad.
Shuruudaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka.
Soo jeedin: Shuruudaha Madaxweynaha waa in lagu daraa “waa in uu yahay Qof Rag ah”. Sababta oo ah maadaama Dowladu Islaam tahay waa in Madaxweynaheedu Qof Rag ah noqdaa, hadii kale shareecadii Islaamka ayuu ka hor imaanayaa.
Qodobka 122aad: Lambarka 3aad.
Ra’iisul wasaaraha wuxuu magacaabayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeen , wasiirro, wasiirro Dawlayaal iyo wasiirro ku-xigeen oo tiradoodu aysan ka badnaan karin laba iyo labaatan (22).
Su’aal: Tirada 22-ka ah ee meesha ku qoran, ma dhammaan Golaha wasiirada baa mise waa Tirada wasaaradaha Dowlada Federaalka ah? Mise Ra’iisal Wasaare ku xigeen ayeyse Xukuumadu yeelanaysaa?
Qodobka 122aad: Lambarka 4aad.
Golaha Wasiirada waa in ay ahaadaan xildhibaanno Golaha Shacbiga.
Soo jeedin: (waxay ku wanaagsan tahay in dhammaan golaha Wasiirada marka laga reebo Ra’iisal Wasaaraha loo shardiyo in aysan xubin ka ahayn Golaha Shacabka, taasi waxay keenaysaa in awooda dowladu noqoto mid isu dheeli tiran, hadii kale ninkasta oo Wasiir ahi wuxuu noqonayaa laba shaatile. Marna isu codeeya marna awoodiisa wax ku meelmarsada.
Qodobka 123: Lambarka 1aad.
Qofka qabanaaya xilka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Soo jeedin: (Halagu daro shardi gaar ah oo ah, “Qofka qabanaaya Xaafiiska Ra’iisal Wasaaraha waa in uu noqdaa Qof rag ah”. Sababtana horay ayaan usoo sheegnay oo waa mas’alo Diini ah.
Qodobka 130aad:
Awoodda Garsoorka jamhuuriyadda.
Soo jeedin: Lambarka 1aad ee Qodobkaan ha laga dhigo “Dhammaan go’aaminta iyo meelmarinta ama fulinta Xukumada garsoorka jamhuuriyaddu waa in ay ku saleysnaadaan Nusuusta Shareecada Islaamka iyo Qodobada dastuuriga ah ee lagu heshiiyey”. Sababta oo ah Maxkamadaha Dalku marka ay wax xukumaayaan dhammaan xukunkoodu waa in uu yahay mid lagu saleeyey Nusuusta Shareecada Islaamka, waana Nusuusta kaliya ee dad muslimiin ah loo ogol yahay inay u xukun tagaan. Hadii kale dhammaan Dastuurka iyo qodobada lagu heshiiyaaba waxay noqonaayaan kuwa ka hor imaanaya shareecada islaamka.
Tusaale:
Hadii Qof Madax ah, Siyaasi ah, Xildhibaan ah ama qeybaha kale ee Dowlada qeyb ka mid ah uu jabiyo Qodobada Dastuurkan ee lagu heshiiyey marka la xukumaayo waxa lagu xukumaayo ma ahan Qodobada Dastuurka ee uu jabiyey ee waxaa lagu Xukumaayaa waa Nusuusta shareecada Islaamka. Sababta oo ah wuxuu jabiyey heshiis ay dad Muslimiin ah isku raaceen, qofkii heshiiskaas jabiyana wuxuu leeyahay xukun sharci Diini ah. Taasina waxay waajibinaysaa in dhammaan Qaadiyaasha Maxkamadaha dalku noqdaan kuwo aqoon dheeraad ah oo ku filan u leh Fiqiga iyo dhammmaan qeybaha Shareecada islaamka.
————
Diyaariye: Saciid Birmad Cigaal
SOSCENSA Legal Adviser
(LLB/LLM, Sharia and Law)
Head Quarter Office
In Mogadishu Somalia
Tel: +252-618359592

Masha Allah. dhammaan maamulka Allgedo.com aad baan idiinku mahadcelinyaa waxaad tihiin Website-kii ugu horeeyey ee soo galiyaa qoraalkeygii.
Walaal haweenka iyo raga dastuurka way u siman yihiin iyo jaanisyada dalka yaal taas macnaheedu ma ahan 100 ley ayay noqoneysaa ee sharciga ayaa u siman yihiin weeye ujeedku………. waa qeyb dhan oo bulshadeena ka mid ah oo udub dhexeed u ah waliba hadaan anaga ayuraarayno waa ayaan daro…..
waa hooyadaa, waa walaashaa, waa xaaskaad u hoyatid, waa ina adeertaa, waa eedadaa , waa habaryartaa, waa ayeydaa, waa sodohdaaa, waa dumaashidaa , waa gabadhaada , intaas oo dhan hadaad xaqirtid oo noloshaada wax ku leh ma cadaalad baa walaal quraanka sidaa ma oran ee ka fiirso …..xaqiiqdi diinta waxay qabtaa haweenayda in ay ninkeeda ay ruqso waydiisato hadii uu siiyana xaq ayay u leedahay in ay ama ganacsato ama xil qaado ……… teeda kale gabadha aad jaamacada iskala baxdaan waxay xaq u leedahay waxay wax u soo baratey oo dalkeeda ah in ay jaanis kaad keheshid mid lamid ah ay ka hesho marka ka fiirsho wax yaalaha qaarkood maadaama aad sharci yaqaan tahay ma loo baaah-na
ugu danbeyntii
waxaa iga xasuusin ah in dumarkeena somaaliyeed ay dhibti ugu badneyd iyaga ku dhacday inti dagaalada sokeeye sodeen waana ayaga cida badbaadisay qoysaskeena marka marki layiraahdo dalka dawlad halooo sameeyo in ayaga lagu tunto xaq uma laha…..
waa arkay qoraalkaaga waadna ku mahadsantahay waana soo dhawaynayaa fakarkaaga, laakiin ku dhar soo jeedinta Garsoorka
iyo qaali yaasha in ay noqdaan rag muslin ah oo qura ,sida jagada madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha iyo Afhayeenka baarlamaanka.
First waxa mahad celin leh webt site allgedo.com kadib dastur waki ilahay dastur kalena majir e ale inta kabaqdan waxan aad dho dhobaysan inta naga daysan dastur nagu filan waligen wan haysana e marabno marabno marabno wana kaso horjedna waxan ay rer galbedku sodho dhoben we do’nt went sharif iyo gaas hala labten mana donay no
Masha Allah. Dhammaan aad baan idiinku mahadcelinayaa Faalada wanaagsan ee aad ka bixiseen qoraalkeyga. Walaalkey Abdul: Waxaan u maleynayaa sida aan wax u qaray ayaadan fahmin miyaa mise duulaan kale baad ku jirtaa. Haweenka ma xaqirin Alle ayaana ka magan galayaa inaan Hooyada, Walaashay, Eedaday, Habaryartay ama Ooridayda Xaqiro. Marka walaale waxaan ka hadlaayo waa Mas’alo Diini ah Nusuus badan oo Shareecada Islaamkuna xustay oo ah Dowlad Muslim ah in aanay Qof Haween ahi Madaxweyne ama Ra’iisal wasaare ka noqon karin. Laakiin intaas wixii kasoo haray oo Jago ah dhammaan cid Haweenka ka hortaagan ma jirto. Marka saas wax u fahan waxa aan ka hadlaayana ma ahan ra’yigayga ee waa Mas’alo sharci Diini ah. Marka walaale hadii aad Mas’aladaas hadal ka qabto hala iga qanciyo dheh. Waa qancinaynaa si Diin ah oo Nusuustii oo dhan baan ku siinaynaa.
Walaalkeyga Cumar jaamac Calijiir. Mas’alada ah dumarku ma noqon karaan qaali mise maya waa Mas’alo khilfaai ah Madaahibta dhexdooda oo culumo waaweyn oo aan la fududeysan karin baa qabta in ruuxa Haweenka ahi qaali noqon karo. Arrintaas darteeda ayaan uga gaabsaday oo aanan uga hadlin mas’aladaas. Inkasta oo aan Anigu shaksi ahaan ku qanacsanahay in aysan ruuxa Haweenka ahi qaali noqon karin.
Mahadsanidiin dhammaan.
Dasuurka waa in aqoon iyo ilbaxnimo lagu saleeyaa, hadii diin lagu saleeynaayo Al-shabaab baa xaq u leh ee ha loo dhiibo.