Home » Archive Daily June 7th, 2012

Damaca Siyaasada Turkiga Lama Aqbali Karo – By Dr. Saciid Ciise Maxamuud.

Jun 7, 2012
Qarnigii 15aad dowladii Turkiga waxey xukunkeeda ku maamuleysey xeebta Zeylac ilaa gobollada Harar iyo Shawo oo ay ku nooleyeen abayaasheeni Soomaaliyeed. Dowlada Turkiga uma sameyn Soomaalida iney iyagu ismaamulaan, waxeyse door bidayeen iney wadankeeda kala timaado dad u dhashay wadankeeda oo Soomaalida maamula. Dowladii Turkiga waxey Soomaalida ku soo gashay degaankooda qaab diimeed salkana ku hayey... 

Tacsi ku socota qoyska iyo qaraabada uu ka tagay marxuum Cali Axmed Xaaji Xaashi.

Jun 7, 2012
Waxaan si naxdin iyo murugo leh uga tacsinaynaynaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Alle ha unaxariistee Marxuum Cali Axmed Xaaji Xaashi oo maalintii Axadda ahayd ku geeriyooday magaalada London ee wadanka ingiriiska. Waxaan si gaara ugu tacsiyeeynaynaa Aabe Axmed Xaaji Xaashi (Amxaar), Hooyo Jammaad, Xaaskii iyo caruurtii uu marxuumku ka tagy iyo dhamaan reer Xaaji Xaashi, gaar ahaana dhamaan... 

Xaalado biyo la’aan ah oo ka taagan deegaanka Geriley oo ka tirsan Gobolka Gedo

Jun 7, 2012
Gariley, Gedo – Somalia (AOL) – Xaaladahani biyo la’aanta ah ee haatan  ka soo cusboonaaday deegaanka Geriley oo ka tirsan Gobolka Gedo,islamarkaana ku taala xuduuda u dhaxeysa dalalka Kenya iyo soomaaliya ayaa waxaa ay ka dambeysay, kadib markii ay gureen Warahii oo dadka iyo duunyadu ay biyaha ka heli jireen iyo ceelashii ku yaalay deegaankaasi oo dhamaantoodba Biyo laga waayey,... 

Maxaad kala socotaa warta yar ee taariikhda gashay oo ku taal Balad Xaawo? By Ahmed Mohamed.

Jun 7, 2012
Sidaad la socotaan waxaa gobolkaan gedo la gu arkay taariikh aan horay ujiri jirin muddii uu jiray goblka gedo ama soomaaliya oo dhanba meelkasta waxaa ka jira magacyo iyo taariikh samaysmay waqtigaan kaddib 21 sano ee dawlad la aaanta uu kdalku ahaa meelo kala duwan ayaa waxaad ku arki kartaa wax aadan horay umaqal haddii aad waydiiso dadkii kaa horreeyeyna ayna kuu sheegi karin ama aysanba maqlin... 

Shirkii golaha wasiirada Soomaaliya ee maanta oo looga hadlay arrimo muhiim ah (Sawiro)

Jun 7, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ahna Wasiirka Ganacsigga & Warshadaha Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Amniga, Dastuurka, iyo howlgalada Ciidamada. Ugu horeyntii  Wasiirka gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise ayaa warbixin ka bixiyay... 

Barnaaminka Dareenka shacabka oo Falanqeyn ku sameeyey Shirarkii kusoo dhamaadey Adis-ababa iyo Istanbuul (Daawo Video)

Jun 7, 2012
Barnaamijka dareenka shacabka iyo siyaasiga ee kabaxa Hctv ayaa todobaadkan falanqayn ku sameeyey Shirarkii kusoo dhamaadey dalalka Itoobiya iyo Turkiga qodobadii kasoo baxay iyo sida loo hirgelin karo waqtiga oo ciriiri ah. Su’aashii barnaamijka ugu kululeyd oo ahayd (Qarnigii tagey Hogaamiye kooxeedyadii jirey iyo weliba saxiixayaasha maanta oo sida ay u arkaan shacabka soomaaliyeed hormuudyada... 

Mareykanka oo balan qaaday Malaayiin Doolar in uu siin doono cidii keenta xog la xariirta hogaamiye-yaasha Ururka Alshbaab.

Jun 7, 2012
By MATTHEW LEE, Associated Press Maamulka madaxweyne Obama ayaa balan qaaday in uu ku bixin doono adduun dhan ilaa iyo $33 milyan oo Dollar cidii keenta xog la xariirta mas’uuliyiinta sar-sare ee ka tirsan Islaamiyiinta xagjirka ah ee Soomaaliyeed ee xiriirka la leh Ururka Al-Qaacida, sidaas ayaa waxaa maanta oo Arbaco ah sheegay saraakiil Mareykan ah. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Mareykanka...