Home » Rayi »

Damaca Siyaasada Turkiga Lama Aqbali Karo – By Dr. Saciid Ciise Maxamuud.

Qarnigii 15aad dowladii Turkiga waxey xukunkeeda ku maamuleysey xeebta Zeylac ilaa gobollada Harar iyo Shawo oo ay ku nooleyeen abayaasheeni Soomaaliyeed. Dowlada Turkiga uma sameyn Soomaalida iney iyagu ismaamulaan, waxeyse door bidayeen iney wadankeeda kala timaado dad u dhashay wadankeeda oo Soomaalida maamula. Dowladii Turkiga waxey Soomaalida ku soo gashay degaankooda qaab diimeed salkana ku hayey beerlaxawsi Islaanimo, laakiin damacooda siyaasadeed wuxuu ku qotomey nidaam boqortooyo oo ah iney ku hantaan degaanadaas Soomaaliyeed iyo kuwa Xabashida, taasna waxaa kuu cadeyn kara iney xeebta Zeylac ay ka gateen oo ku wareejiyeen wadan kale sida lagu arkey heshiisyadii ay la galeen wadankaas.

Huwan ka kooban ciidamada wadanka Giriiga iyo ciidamada Xabashida oo ka soo duuley dhulka buuraleyda Itoobiya ayaa xasuuq u geystey Soomaalida ku nooleed Gobolada Shawo iyo Harar oo markaas uu degaan u ahaa dhulkaas siman oo aan buuraley aheen. Waxaa la tilmaamay in dhiigi dadka Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay goboladaas ay qaadayeen togaga, dhiigoodaas oo sida biyaha webiyada u qulqulayey. Dowlada Turkiga waxey isaga baxday gobolladaas iyadoon dib u soo jaleecin taageerada ay filayeen dadkii Soomaaliyeed oo ay uga tagtay shisheeyaha ku dhibaateynayey degaanadooda.

Qarnigii 19aad dowlada Turkiga ayaa maamuleysey Xeebaha koofurta Soomaaliya, Sida dhaqankeeda caadi u ahayd ma aysan sameyn waxtar dowladnimo oo Soomaalidu ay mahdiso. Waxey ujeedadeedu ku koobneyd xoolo urursi iyo jaceylka boqortooyadooda. Waxey xeebaha Soomaalida ka qaadan jirtey canshuur ay ka urursaneysey doonyaha badeecadaha iyo agabyada ay u baahan yihiin kana qaadayeen mariinka xeebaha Soomaaliyeed. Ugu dambeystii dowladii Turkiga oo isi siisay dhulka Soomaalida oo gacanteeda ku jirey waxey gumeysteyaashi Yurub la gashay heshiisyo ay ku gadatay xeebaha Soomaaliyeed. Taasina waxey marag ma doonto cad u ahayd in dhaqankii dowladihii Turkiga ka jiri jirey ay wateen dano siyaasadeed oo ku dhisan dalaalnimo iyo iney dhankooda kaga jireen boobka loo geysanayey dadka Soomaaliyeed, waxeyna wateen oo adeegsanayeen iskaashi Islaanimo iyo dibindaabyo siyaasadeed oo ay la wadaageen wadmada reer Yurub.

Qarniga 21aad, sanadkiisa 2011 ayey dowlada Turkiga oo ay hogaaminayso dowlad u xaglineysa dhinaca diinta waxey ku soo gashay Soomaaliya iyagoo u fidnayo gargaar aadaminimo. Waxey si wanagsan Soomaalida ugu gargaartay raashin iyo daawooyin, kuwaas oo samato bixiyey kumanaan Soomaaliyeed oo qarka u saaran macluul iyo geeri. Soomaalidu aad ayey ula dhacday wax-qabadka bini aadaminimo oo sida deg-deg ah ay Soomaalida ugu fidisay.

Dad badan waxey isweydiinayeen sida aan horay Turkiga looga baran waxqabad Soomaaliyeed iyo sida uu maantay ugu dhiiran yahay gargaar ballaaran oo ka heer sareeya kan UNka iyo kan wadamada reer galbeedka.

Waxaa soo baxay tuhumo isa sootaraya oo ay qabaan Soomaalida maanta kuwaas oo ka duwan tii berigii hore. Turkigu wuxuu maalgeliyey hayadihiisa gaarka ah oo ka hawl geleyey gargaarka uu ku yaboohay, dad badan waxaa u muuqatay iney haboonaan lahayd in hayado Soomaaliyeed la howl geliyo si ay adeegyada bulshada uga qeyb qataan, macaashna ay ka helaan adeeg fulintooda. Turkigu wuxuu sameeyey dugsiyo waxbarasho, kaas oo lagu baranayo luqada Turkiga iyo dhaqankooda. Soomaali badan ma jecleysan shuruuda dabayaalla kaalmadaTurkiga, dad badan oo aqoonyahanno Soomaaliyeed baa waxay jeclaayeen in afka Soomaaliga iyo afafka caalamka caanka ka ah wax loogu dhigo ardayda wax baraneysa. Waxaa intaas wehliyey in lagu tuhunsan yahay dowlada Turkiga in ay si qarsoodiya u abaabulesey urur dimeedyo ay ka shaqeyneysey mideyntooda, si dadbana ay u maalgelinayaan, iyadoo dadkaas qaar ka mida ay ku naas nuujinayaan siinta qandaraasyada iyo shaqaaleynta ay u fidineyso hayadaheeda gargaarka iyo kuwa dibudhisida. Waxaa intaas ka dheer in dowlada Turkiga ay xeebta Liido ka gadatay dhul ku fadhiya nus kiilometer, kaas oo ku fadhiya masaajidkii Cabdilcasiis iyo xeradii ciidanka bada oo weliba uu wehliyo dugsigii farsamada culuunta bada, waxaana loo maleynayaa in Turkiga ay dhulkaas ku dhaafsatay hanti ay bixisay iyo dano siyaasadeed oo qarsoon oo ay ku taageereyso koox ay dooneyso dhanka siyaasada iney gacan ka siiso. Dad aan yareyn ayaa isweydiinaya waxa ku kalifay maanta dowlada Turkiga iney dhul ka iibsato shaqsiyaad ku meel gaara intii ay sugi lahayd dowlad Soomaaliyeed oo rasmiya.

Shirka lagu qabtay Istanbuul dhamaadka bisha Maajo, soona gabagaboobay bilowga bishan Juun, 2012 ayey Soomaalidu ku ogaatey in dowlada Turkiga ay gargaarka bini aadanimo ugu hoos keydsaneed qorshe ciidan iyo mid siyaasadeed. Waxeyna Turkigu si aan qarsoodi lahayn ay daaha uga qaaday iney Soomaalida u sameysay qorshe siyaasadeed oo ay ka hirgelineyso Soomaaliya. Dhagarta intaas la eg ma ahan mid Soomaalidu ay aqbali karto. Wadan xor ah wadan kale siyaasadiisa hogaanka uma qaban karo. Qanuunka caalamka aya qeexaya inuusan wadana wadan kale arrimihiisa siyaasadeed uusan fara gashan karin oo uusan garwadeen u noqon karin. Sababta dadaalada caalamka loogu ogolaaday UNka iyo AU waa iney yihiin ururo caalamiya oo aan ka shaqeyneyn dano gaara ee uu hal waddan iska leeyahay. Dowlada Turkiga lagama yeelayo in siyaasada Soomaalida ay keligeed hor boodo, waxaa arrintaas horay ugu guuldareystay Talyaaniga, Ingriiska, iyo Mareykanka. Haddii uu Turkigu is tusay inuu ku soo gabban karo dhinaca diinta, waxaa haboon inu aqbalo in casharadaas Soomaalidu horay u soo martay, waayo aragnimo badana ay ka baratay.

Ma jiro wadan muslim ah oo qaxi ummadda Soomaaliyeed ay kala kulmeen jabka inta u soo istaagey wadankooda ku siiyey daryeel bini adannimo. Ummadda Soomaaliyeed waxey magan u noqotay wadamada reer galbeedka oo aysan wadaagin: af, dhaqan, iyo diin intuba. Marka Soomaalida maanta waa u kala caddahay Islaanimada iyo in dal waliba uu leeyahay qaranimadiisa u gaarka ah.

Damaca siyaasadeed ee Turkigu hadda uu la soo baxay ma ahan mid ay yeeleyso Soomaalidu, waxaana walaac badan laga qabaa haddii ururka akhwaani Muslimiinta ay ku guuleystaan dorashada dalka masar iney taasi horseedi karto xoojinta dagaalada kooxaha diinta ka dhex jira wadamada Masar, Sacuudiga, Iraan, kadibna waddanka Turkiga kula soo gal-gasho wadanka Soomaaliya oo haatan la ciirciiraya khilaafka kooxaha ku kala aragti duwan diinta. Sidaas daradeed, Soomaalida dani uguma jirto in Turkiga uu siyaasad dallaalnimo hogaanka ugu qabto Soomaalida, dhanka kalena uu Soomaalida dhexda ka geliyo dagaalka ku dhisan xiriftanka u dhexeeya wadamada Carabta iyo kuwa kale oo muslimiinta ah, dabadeedna sida caadada u ahayd marka Turkigu danahiisa gaaro uu Soomaalida uga dhex baxo dhibaato hor leh oo uu inta lugaha u geliyo hadana uu si fudud uga siibto.

Waxaan aaminsanahay in dadaalada UNka iyo AUka wadaan ay Soomaalidu ku gaari karto iney ku dhisato Dowlad Soomaaliyeed oo rasmiya.

———–
Dr. Saciid Ciise Maxamuud
Gudoomiyaha Xisbiga Dadka
Musharaxa Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya
saciidciise258@aol.com

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

6 Jawaabood " Damaca Siyaasada Turkiga Lama Aqbali Karo – By Dr. Saciid Ciise Maxamuud. "

  1. Daacad says:

    Bacda salaan, awalan DR Saciid waa kulasalaamay salaankadib qormada waxaan qabaa oo waxaan kugu raacsanahay in dalka soomaaliya dano khaas ah laga leeyahay oo cidwaliba dankaleedahay taa cidina daah kama saarna, marka marhadii duulaan nalaku yahay oo inagii dhulka lahayna aan dilaal kanahay miyeyan habooneyn in cid nabadbaadineysa oo wax uun inoo reebeyesa aanu wax lawadaagno. aniga waxaan aaminsanahay Turkiga in uu siyaasadda soomaaliya kasoosaaray god mugdi ah taasoo khasabtay wadamadii ay soomaaliya ay u bislaaneysay uu waa ku baryey taasoo kaliftay in ay soo dedejiyaan shaar cusub soo gashtaan iyagoo iska dhigaya inay diyaar u yihiin in ay soomaaliya dawlad shaqaysa yeelato. hadalkayga gunaanadkiisu wuxuu yahay siyaasaddu soomaaliya waxay mareysaa Turkiga wadamo ku fikir ah oo aanan dooneyn in ay ismuujiyaan iyo Afrikaan cadow ah oo wakiil u ah Reergalbeedka. marka waxaan dhihi lahaa yaanan shaki lagelinin dadaalka Turkiga uu wado.

  2. Your name... says:

    Prof: sicid waan kusalamay salan kadib dalka somalia waxa wax uqaban kara dhalanyarada dhalanyaradina mataqano tarikh aniga inta anan akhrisan hadalkada waxay ila ahayd inu turkigu somalia wax uqabanayo lakin hada waxan ogaday inay yihin niman din kugabad ah ona kashaqaynaya dhaca somaliyed WABILAHI TAWFIQ

  3. Warsame says:

    Somaliya turkigu iskama iman nimana kenay nimankas waxan leyahay Ingris,amxariyo amisom way akakamiye Arligan lakala bobaya nin u itaal roone Anise ila ah akhiro saban iligyadisiye Waa wadan akhyartii lahayd iib kudon tahaye Waa wadan la ibsadon nala ogaysine Anise ila ah akhiro saban ilagyadisiyeee Nimanyahow niman islamiyo hada tihin adan ubadkisi Oydna alla kabaqay ha ina odinaaaaaaay!

  4. Maajid says:

    Asalaamu Alaykum, Salan kadib DrSaid salaan ayan halkaan uga diraya, waxan jeclahay in aan fakarkeyga kaga aadan arinka ka dhiibto, waxa hubaal ah maanta xaalada Somaliya cidna kama daah soona, somaliya mudo dhoor iyo labaatan sano ayey dowlad la’aan ciir ciireysay, waqtiga intaa la’eg, reer Galbeedka iyo wadamada aynu jaarka nahay (Xabashida iyo Kiinyaatiga) waxay ka shaqeynayeen in aan Soomali xaaladeeda xasilin, balse markay oo shaac baxday in dowlada Turkiga ay dadaalo xoogan u galayso arimaha Somaliya, aya waxay bilaabeen reer galbedka iyo qolooyinka aynu jaarka nahay xaalada laga dheehan karayo yaanan siyaadsa somaliya lagaaga hormarin, koleey fakar ahanteyda Drsaciid wuxuu ka mid yahay Shaqsiyadka ka didsan culimada kama wada al-shabaab, maanta Soomaliya waxa heerkan soo garsiiyey Siyaasi dantiisa eeganaya, marka waxan Dr Sacid kula talin laha arintan in uusan ku fududaan, yuusan marin kuwii hore wadadii ey mareyn, Wcs wr wb

  5. qalbi says:

    waa cajiib nin DR ah inu sidan u hadlo. wa cajiib inuusan noo muqan cadowga dhulkja hausto ee xooga ku qabsaday, loo durban tumo mid tuhun un lagu hasyto. umad wareertay wa tanoo kale

  6. abusucdi says:

    asalama caleeykum dr.saciid waxan kuleeyahey tariikhda maha inad kabeensheegto soomalida waxa caaddo uah ineey meeshey dantooda kawaayan eey mucaridan waxa kamuuqda in aadiyoad unacebtahey isalamiska waxalayirahdo masar iyo sacuudi iyo iran balnooysheeg hardanka aad leedahey mid diinba kadhaxeeya / takaley kuwa aad tiri xeeba soomaliyeey kuwarejiyaaen isticmarka madowladii uukadhisey maxamed cali wiilkisi khudeyfi ismacil ufidiyey dowladiisi xaga sudan iyo xeebaha waqooyiga somalida sida seylac iyobarbara iyo isbalarintiisii eeylug kulaheed dowlidi cusmaniyiintu sooy maxamedcali kama gosan dowladi cusmaniyadii taa tariikh qoran waaye/kaligan matahid saxiib in wax aakhriya ogow dadakana wacyigooda lagum ciyaro/takale amxarada iyo keenyantiga ila 1991 dubindabyada ladaocosdey ila hadan wada maxad wax ugu qoroweydey saxiib/kuwa xamarjogey ugandeyska iyoburundigaiyo kawaran madan soomali ayey hayan / hadaba maxuu kagaley turkigu intaseymaanta soomalidau juheysa dil iyo barakac/ haduu keyney rashin ama heyado waxqabta miyu eeday /ilen madfac iyohoybiyo makeeniney/