Sidaad la socotaan waxaa gobolkaan gedo la gu arkay taariikh aan horay ujiri jirin muddii uu jiray goblka gedo ama soomaaliya oo dhanba meelkasta waxaa ka jira magacyo iyo taariikh samaysmay waqtigaan kaddib 21 sano ee dawlad la aaanta uu kdalku ahaa meelo kala duwan ayaa waxaad ku arki kartaa wax aadan horay umaqal haddii aad waydiiso dadkii kaa horreeyeyna ayna kuu sheegi karin ama aysanba maqlin bal sheekadaan hoost aku qoran ila akhri.
Meel magaalada Balad xaawo u jirta 1,850 MT qiyaastii dhanka mal kaariyey marka la aado waxaa ku taal warta taariikhda oo ah war aad u yar sidaad masawirka hoose ku aragtaanba, waxaana ku jira biyo yar oo ay isticmaalaan shinbiraha, ariga, geela, lo’da, dameeraha iyo dhammaan xayawaanka oo dhan.

Haddaba, su’aashu waxaa ay tahay; wartaas biyaha xaggee kaga yimaadaan?
Kaddib baaritaan dheer oo aan sameeyey waxaan ogaaday biyaha meesha ay kaga yimaadaan iyo sababta mar kasta ay biyuhu ugu jiraan ayadoo dhulku uusan wax roob ah lahayn waqtigaan roobkiina uu istaagay waliba dadka dhulaas daggan markaan waraystay waxay ii sheegeen Marka roobku jiro xitaa biyaha waa lagu shubaa meesha mar kasta biya la aan ma ah waxaa iskwaydiin leh yaa arrintaan ka dambeeyey?
Akhristayaal haddaan arrintaan idiin soo ban dhigo waa sidaan hoos ku qoran:
Meesha biyuhu ku jiraan meel u dhaw oo dhanka bidixe ka ah waxaa ku yaallay bar koon tarool oo ay lahaayeen ciidammadii ethopia ee soo galay gobolka gedo, waxay kala socon jireen gaadiidka maraya waddada isku xirta balad xaawo iyo dooloow baabuurta waa labaari jiray inta daka laga dajiyo kaddib ayadoon wax loo dhimin ayaa la sii dayn jiray.
Haddaba meeshaas waxay ahayd meel god ah oo markuu gaarigu marayo uu aayar socdo, madax dii ciidammadaa itoobiya xukumay ayaa waxay soo saareen amar lagu soo rogay gaadiidka booyadaha ah ee biyaha waddada ee wadda maraya waxaana lagu amray in meeshaan godka ah lagu shubo biyo ilaa 2 foosto dhan ama 400 Ltrs, si biyahaas ay u is ticmaalaan xayawaanka iyo xoolahaba, haddaba Ciidankii itoobiya waaguuray ee biyihii hadda xaal kooda waa side?
Taariikhda kor kuqoran ayaan booqasho kutagay meeshii biyuhu ku jireen, waxaan kaloo waraystay dadkii deegaanka waxaa la ii sheegay in wali lagu shubo biyaha meesha ayadoo aan indhahayga ku soo arkay warta yar waana tan sawiran waxaana laga baqayaa haddii la jabiyo amarka ciidanka itoobiya in qofkaas uu ciqaab la kulmo ayadoo meeshaas ay ka ag dhawyihiin dad xiriir la leh ciidammadaas iyo raggii amarka bax shay.
Ayadoo ay jiraan dhacdoodyin la yaab leh oo aan taxane ka dhigi doonno inshaa allaah, akhrisyaal waxaa jirta ayadana sheeko ka dhacday masaajid ku yaal tuula aamiin sokadeeda dhanka balad xaawo Oo aan in shaa allaah dhawaan idiin soo gudbin doono iyo arrimo badan oo gobolka gedo ka dhacay oo ay san jirin cid wax ka qortay sidookale 21 kii sano ee dagaalka sokeeye ka jiray dalka soomaaliya.
Akhristayaal waan idin salaamayaa waxaad iga sugtaan waa sheekadaan oo taxane ah.
————-
Ahmed Mohamed, Balad Xaawo
samatar109@hotmail.com

walaahi waa gumaysi waxaad ka sheekeynaysaan handii ay jirta lkn waxaa la in ka rabaa data intaas ka xoog badan oo
lagu ogaan karo in ay runtahay waxaad sheegaysaan tusaale vidio qofki o aad waraysanaysaan itc
waxaana leeyahay allgedo waa web caan ah wuuna sumcad badnaan jiray saaid oo waxaan oran jiray web baa war qoray
all gadaa ufiirsadee hubiya inuu run yahay handiiba uu qoro
duu duubaan ku qaadan jiray hada qolaa subcada inkaga ciyaarayso iska hubiya sumcad lama helo waaa qaal adinka web baad tihiin waxaa la inka rabaa cadaalad run iyo hubsiino handii aadan ogayna ogaada waan arkaayay raali galintiinii hore lkn wali ma hufnidin ee waxaad qoraysan nin hubiya uyeela runtii qofka warka soo qoray magiciisa hoos buu kusoo qoraa waan ogahay nin aanan baryaahaan magaciisa arag oo dahir geele muu ahaa aad buu ufiicnaa warkuu qoro war mas uu liyda ilaaliya handii kale aqrisan mayno awalbuu gedonet been nagu dilay ha noogu darsamina fadlan san uhabaarijiray wuuba xirmay
baarakaalaahi igana raali ahaada wixi aad ka xumaataan
lkn runta waa dahan gobolkaanaga baadan uhadlaysaan
waana uqaata xumaato ha uqaadanina.
————–
From: Allgedo Online
Akhriste, aad baan kaaga mahad celineynaa dhaliisha aad noo soo jeedisay oo noo ah sixitaan. Waxaan ognahay in uu bani’aadamka maalin iyo habeynba ku jiro qalad, laakiin waxaa ugu wanaagsan kii gareysta qaladka uu ku jiro ee kasoo noqda. Waxaa kale oo aan ognahay in ra’yiga suuban ee akhriste-yaasha yada ay noo soo jeediyaan aanan sinba uga maarmeyn.
Anaga oo intaas oo dhan og, haddana akhriste, qoraalka aad hadda COMMENT-iga ku reebtay waa ra’yi qof ee ma ahan war. Ra’yiga ay noo soo gudbiyaan akhriste-yaasha yada haddii uusan wadan CAY (insult), CABSI-GELIN (threat), WEERARID SHAQSI (personal attack) iwm sida uu yahay ayaan u dhajinaa, balse cidii rabta in ay talo ama feker ku darsato qoraalkaas xambaarsan RA’YI SHAQSIYEEDKA (personal opinion) waxay si toos ah ula xariiri kartaa qoraha qormadaas, ama waxay noo soo gudbin kartaa qoraal lagu saxayo qaldaadka ku jira qoraalka la dhaliilay.
Sidaas awgeed, akhriste adiga oo mar kale ku mahadsan dhaliisha aad noo soo jeedisay, waxaan ku leenahay “HANA HABAARIN EE NOO SOO DUCEE”, intaasna waa naga kaftan ee la soco walaal.
bacda salaan waxaan aqriyay dad kaba xun hadalka nin ku soo qoray waxaan i din way diiyay mawax dib leh ama been u eg baa meesha lagu soo qoray waa yaabe hadii uu yiri booyadaha biya ha keena baa ku sadaq qaysata xayawaanka ma dhib baa hadii itoobiyan ku amrayse ma wax xun baa oo xayawaanku xaquuq malaha miyaa hadiise ilaahay xayawaanka ooman uu umaray itoobiyaan magumeey sibaa ilaahoow ku wa wali biyaha ku shu baaya ajar iyo xasanaad kasii
Asc dhaman salan kadib saxibyaal runti waxan kufarxa had iyo jeer waxayabaha ay so qoran algedo waxana leyahay plz waxad so qortaan shekoyinka kadhaca gobalka gedo o dhan . Kadib ma ma arag warta aad sheekteen ikasta oy igu danbeysa waq dhexe lkn wa macquul taasna ok bye