Home » Rayi »

Magaaladu koronto ma leh garoon diyaaradeedna waan u dhisayaa ma macquulbaa? – By Mohamed Abdi Osman.

Allaah ayaa mahad leh nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Nebi Muxammed. Intaas ka dib Waxaan jeclaa inaan ka hadlo amase ka faalloodo arrimo dhawr ah oo khuseeya arrimaha horumarka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Magaalada Caabudwaaq waa magaalo aad u balaaran isla markaasna hadda lagu tilmaamo karro inay noqon karto magaalo u qalanta in loo magacaabo Xarun gobol, marka la fiiriyo tiradda bulshadda ku dhaqan,baaxadda magaaladu leeg tahay iyo bilicdda guud ee dhismaha magaaladu ka dhisan tahay.

Magaalada Caabudwaaq waxaa ku nool bulsho aad u balaaran taasi oo intooda badan ku dadaala sidii ay uga shaqeyn lahaayeen nabadda iyo bilicdda Magaalada inkastoo bilicdada magaalada qaarkeed iyagu awoodi waayeen inay ku soo kordhiyaan waxyaabaha muhiimka ah sida Korontada ama Electiricty-ga.

Magaalada Caabudwaaq ee meel istaraatiji ah marka laga hadlayo gobollada dalka soomaaliya,waxaana ay xilligii dagaalada sokeeye ka dhaceen dalka soomaaliya ahayd meesha kaliya ee xiriirisa Gobollada waqooyi iyo Koonfur iyadoo xilligaasi noqotey hawlbowlaha ganacsiga soomaaliya.

Aan u soo laabto ujeedada maqaalkan maanta keenay inaan ku soo daabaco shabakadaha wararka iyo maqaalada laga dheehdo. Ujeedada qoraalkan saldhig waxaa u ah arrin muhiim ah oo ay magaalada Caabudwaaq iyo shacabkeedu aad iyo aad ugu baahi qabaan taas oo ah koronto la,aan una baahan in la helo si ay bulshadu uga faa’iideysato.

Ma jirto koronto si caadi looga isticmaalo Magaalada Caabudwaaq,waxaana dadku isticmaalaan badankoodu matooro yaryar oo madax xanuun kugu ridaya maadama maqaaxi kasta iyo dukaan kastaa matoor yar shidanayo. Waxaa magaalada jirta koronto shaqeysa 4-galabimo ilaa 10 -fiidnimo oo goos goos ah taasna maahan wax waxtar muhiim ah u leh shacabka.

Jaaliyadaha ka soo jeeda Degmooyinka Balanbale, Dhabad, Caabudwaaq & Bangeele waxaa sanadihii iyo bilihi ugu dambeeyey ku mashquulsanayeen Airport- diyaaradeed oo ay sheegeen in dhismihiisu ka socdo duleedka magaalada Caabudwaaq.

Shaqsi ahaan aniga waxaa garoonka diyaaradaha dhisidiisa igala muhiimsan in koronto joogto ah laga hirgeliyo Magaalada Caabudwaaq oo ay ku dhaqan yihiin boqolaal kun oo ruux kuwaasi oo baahi saa’id ah u qaba helida koronto aan tegin ama 24 hours ah si bilicda iyo ganacsiga magaaladu u hormaro.

Dhinaca kale dhisitaanka garoonku maaha mid soo afmeerma miyaa,mise waa NGO Non-stop ah, waxaa garoonka dhismihiisu socday mudo sanado ah, waxaana ku baxay lacago aad u badan markaad fiirisina aan ka muuqan waxqabadka la qabtey iyo kharashka baxay.

Magaalada Caabudwaaq xilliyada habeenkii ah waad naxaysaa Mugdi dartiis,maalintiina waxaa moodaysaa inaad joogto magaalo ka tirsan magaalooyinka caadiga ah ee goboladda dalka soomaaliya, Mana jirto magaalo xataa tuulo ku dheho meel magaalada Caabudwaaq kala mid ah dhinaca korontadda, waxaa loo baahan yahay sidii wax badan wax looga qaban lahaa dhinaca korontadda ee magaalada Caabudwaaq.

Dhisida garoonka iyo arrimaha la xiiriira waxaan ka aaminsanahay inay tahay NGO balaaran kaasi oo aan lahayn meel uu ku dhamaado balse leh sii socod sanado dambe oo badan isla markaasna masaakiinta qurbaha ku nool baabi’in ku ah dhaqaalahooda. Waxaana haboon in bulshada dooneysa horumarka ay ku dhaqdhaqaaqo waxyaahaba muhiimka ah sida bilicda degaanka, Caafimaadka iyo waxyaalaha kale ee la xiriira.

Si kastey ahaataba waxaa Jaaliyadaha ama ganacstada ka soo jeeda degaanada aan kor ku xusay u soo bandhigi lahaa in fursad banaan tahay u baahan in laga faa’iideysto taas oo ah hirgelinta koronto ay Magaalada Caabudwaaq yeelato, Waxaana aaminsanahay in ciddii arrintaasi ku talaabsata ay faa’iido wanaagsan iyo magacba ku dhex yeelan lahayd shacabka degaanadaas ka soo jeeda.

Ma jirto faa’iido ku jirtaa inaan dhaho garoon baan dhisayaa anigoo aan isweydiin magaaladu ma leedahay koronto ku filan isla markaasna u shacabku ka u baahi qabaan, waxaana dhibaatada kaliya ee shacabka haysata. Koronto galinta Caabudwaaq kama badan karto 100 Kun oo dollar hadii aysan ka yareyn, Dhinaca garoon aan faa’iido badani ku jirin lagu bixinayo boqolaal kun Mise wax baa ku dhex qarsoon NGO-gaas.

Gebagabadii ma jecli inaan waxyaabo badan kaga hadlo halkan balse waxaa loo baahan yahay in shacabka Reer Caabudwaaq la waydiiyo kee u baahan tihiin koronto iyo garoon diyaaradeed, taas oo jawaabteedu cadaan u tahay si kasta oo ku nool magaalada Caabudwaaq oo habeenkii aad moodo inay tahay meel aan cidna deganayn marka laga hadlayo dhinaca iftiinka iyo korontada.
Alla Mahad leh.
———–
Mohamed Abdi Osman (Mr.Ali Kulan)
xasanmuli@hotmail.com

 
 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

4 Jawaabood " Magaaladu koronto ma leh garoon diyaaradeedna waan u dhisayaa ma macquulbaa? – By Mohamed Abdi Osman. "

  1. Farah says:

    Walaal waxaa isaga kaa qaldan muhiimada Garoon leeyahay iyo muhiimada Koronto leedahay. Waxaa sidoo kale qoraalkaaga ka muuqata sal fudeed ee kama muuqato talo iyo tilmaan baahida magaaladu ay leedahay.

    Cabudwaaq ma ahan meel laga naxo sida aad qoraalkaaga ku sheegtay ee waa magaalada labaad ee ugu ammaanka badan dalka Soomaaliya.

    Marka aad wax saxeyso lama isticmaalo hadalo burburinaya talada aad rabto inaad soo gudbiso ,bal u fiirso waxaad ku tilmaantay dadaalka aqoonyahan iyo ganacsato iyo qurbajoogu istaagtay sameynta garoonka Cabudwaaq inaad ku tilmaanto NGO .

    Walaalow haddii aadan dhaqaale iyo xoogaaga midna ku bixineyn dhismaha garoonka Cabduwaaq fadlan jaa’ifada iyo warxumada ka daa ummada inoo kacday ee garoonka inoo dhiseysa.

    Cabudwaaq Karonto waa leedahay cidii ka faa’ideysaneysa, Mida kale inay aqoonta xisaabta kugu yar tahay 100 kun oo Dollar shirkadaha iminka bixiya korontada ayaa ka badan ku fadhiya ee walaalow aan iska deyno hadalka iska dhaha ah ee aan cilmiga ku fadhin.

    Allgedo idinkana walaalayaalow cidkasta oo horumarka caqabad ku ah ma ahan inaad wixii ay qoraan aad iska soo gelisaan ee bulshada horumarkeeda qeyb ka ahaada, oo Gedo iyo Galgaduud ha’idiinsinaadaan.

    Mahadsandiin

  2. Zamzam ali says:

    Asc. Dhaman umada somaliyed melkastay jogan .
    hadan u yara jaleco dhanka cabudwaq .
    waa meel aad ubilic qurxoon hormarkeduna uu aad u wanagsan yahay.
    garon iyo korantana waxba iskama quseyan o garoon waa muhim dadka soo hindisayna waxay sameyen shaqo fican ajar iyo abalba alaha idinka siyo.
    Inanka kor hadalada qar kuso xusayna waxan ka oran walal markad wax qoraysid hadalkaga waxa loyela point tabanaya arinta dhabta.ah o jirta .
    Cawdaq 10years kahor aa i gu danbesay rafadkasna
    kama jirin .
    e walal fadexada joji
    dadka cawdaaq kasojedana dhaman wad mahadsantahin dadalkina iyo horumarka aad wadankina u samesen allahana idinla jiro.

  3. sallaam caleeyku dhaman wallaalaha soomaliyed gaar ahaan dadka deegaanka aan ka hadleeyno,bacdu sallaan waxaan rabay in aan ku darsado talo iyo suaal,marka hore suaale aan weeydiinayo wallakayaga qoray qormada waxaan rabay in aan iraahdo cisbitaal jaamacad iyo sikuulo koronto kuli waa loo baahanyahay,laakiin maxaa isku xiray garoon iyo koronto?mida xigta waxaa ka wanaagsaneeyd in aad si kale taladaada oo wanaag ka muuqdo in aad hadalka u dhigto oo aadan eedayn raga shaada wado oo ku tilmaantay rag lacagta anaga qurba joogta ah naga uruursanaya iyo kuwa gudahaba,wallaal koronto waa muhiim loo baahan yahay oo iftiin la,aan waa muuqaal la,aan laakiin waxey aheeyd in aad tiraahdid ama hadalka u dhigtis ragaas shaqo wacan beey wadaan allahana la garabgalo hadan aan ku xijino korontadii ka dib jaamacadii ka dib cisbitaal weeyn jaran jaro camal,marka sxb anigu kolleey waligeey ma tagin caabud waaq laakiin waxan tagayaa marka garoonka la furo( lol )oo aan si toos uga bixi karo dubai ama kenya,marka wallahayaga ku abtirsada magalooyinkaa waxan leeyahay gacmo wada jir beey wax ku wada qabtaan aan halkaan ka wadno hadeey jirto wallakeey talada uu soo jeediyayna aan ku kacno sidii aan magaalada u shidi laheeyn nalalkeeda aana u siin laheeyn koronto la isku haleeyn karo wabillahi towfiiq…

  4. fathiya says:

    s/w waan iidin salamayaa dhaaman walahayga islamka khasatan kuwa beesha sade inta kadib aniga oo ka yara jawabaya c/waaq koronto malahan airporna waaa loo sameynaya ruunti waa rayii fiicaan laakiin hadalkasta markusu iimada saladkastana wakhtigeed ayaa la tuukada ayaay tirahda somalidu ruunti hada waxa lagu guuda jiira airporka magalada wax yarbana ka dhiimaan insha allah asaga markaan dhamayno ayaan uso jeesan doonaha hawlaha kale bro hawshu siiday uu kala horeyso uuna kala bahii badantahay ayaa loo kala hormariin marka waxna yaan dadka qalqal lagu riidn insha allah kheyr dadkana yaan saas lagu riidn wsw.