Home » News »

Ibraahin Yuusuf Faarax (Ibraahin Dheere) “Waxaan ka xumahay in qoraal shabakad aan ku kalsoonaa aan u diray ay badasho, waxaan ka dalbayaa ninka iska leh shabakadaas inuu qaladka uu galay raali galin ka bixiyo” (Dhageyso)

Mid ka mid ah odayaasha beesha Sade oo ku sugan Muqdisho oo la yiraahdo Ibraahin Yuusuf Faarax (Ibraahin Dheere) ayaa sheegay in dhawaan qoraal uu u diray mid ka mid ah shabakadaha Soomaaliyeed uu ka badalay qaabkii uu u qornaa, taasina uu nasiib daro ku tilmaamay.

Asaga oo ka jawaabaya su’aal uu weydiiyay wariyihii wareysiga ka qaaday, Ibraahin dheere waxuu yiri “waxaa nasiib wanaag ah in aad adigaba hayso qoraalkii asalka ahaa ee aan aniga soo diray.  Waxaa dhacday in aan qoraalkaas u diray shabakaddaas oo aan ku kalsoonaa, balse bani’aadamka waa qaldamaa ee waxaan ka codsanayaa mulkiilaha shabakaddaas in uu raali-gelin ka bixiyo qaladkaas uu galay, isla markaasna uu dib u habeyn ku sameeyo qoraalka uu galiyay shabakadiisa oo uu ku badalo kii saxda ahaa ee aan usoo diray.”


Ibraahir Yuusuf Faarax (Ibraahin Dheere), waa ninka wareysiga hoose lala yeeshay, isla markaana saxaafadda usoo gudbiyay qoraalka hoose:

  Halkaan ka dhageyso Ibraahin dheere oo ka hadlaya shir dhawaan Muqdisho ku dhex maray qaar ka tirsan beelaha Sade iyo qoraal uu asaga lahaa oo la badalay oo uu dalbanayo in cidii qaladkaas gashay ay raali galin ka bixiso, qoraalkiisii saxda ahaana dib usoo dhajiso.

——————-

Qoraalka uu Ibraahin Dheere saxaafadda usoo diray ee uu sheegay in ay shabakad ka mid ah kuwa Soomaalida ka badashay waa kan hoose ayada oo aanan waxna laga bixin waxna lagu darin:

Kullan Lagu Soo Afjaraayay Khilaaf Ka Dhex Taagnaa Salaadiinta Beesha SADE Oo Ka Dhacay Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay kullan ballaaran oo ay ka soo qeybgaleyn Salaadiin, Aqoonyahano, Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda KMG ah, Siyaasiyiin  iyo qeybaha bulshada rayidka kuwaas oo ka soo jeeda gobalka Gedo Kullanka oo uu lagu qabtay Hoyga Maxamuud Khaliif Shire ee ku yaala caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa siddii loo turxaanbixin lahaa mad-madowga ku dhex jira Beesha Xasan Gaashireedle iyo Beesha Xawaadle.

Kullan waxa uu ahaa mid la isku dul xaaransanaayo lana gartay in midnimada ay ku jito dadka Soomaaliyeed qaasatan beesha Sade, sidaas waxaa u sheegay kullan marka uu soo dhamaaday saxaafadda Afhayeenka Ugaaska Sadde Ibraahim Faarax” Ibraahim Dheere”, sidoo kale waxa uu sheegay in kulanka looga hadlay siddii loo madax banaaneyn lahaa odayaasha dhaqanka, oo la isku millin siyaasada iyo dhaqanka. ayuu yiri mar kale Ibraahim dheere.Mar la weydiiyay kulanka xubnaha ka soo qeybgalay ayuu yiri Ibraahim Dheere: Waxa kullanka ka soo qeybglay dadkan hoos ku qoran Ugaaska Guud ee Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi, Ugaaska Beesha Xasan Gaashiredle Maxamed Xasan Yarrow, Ex-Xildhibaan Nuur Xasan Cali, Duqii hore Cali Xaashi Maxamed Aadan, Danjire Maxamed Cali Magan, Xildhibaan Hilowle Aadan Maxamed, Ibraahim  Macalin Darbaweyne (Wakiilka Ow Mahashe).Maxamed Mursal Aadan Ciribey “Nabdoonka Ibraahim), Axmed Daqare, Suldaan Cabdi Sheekh Maxamed, iyo dad kale oo halkan magacyadooda lagu soo koobir karin oo ay ku jiraan Haweyn iyo dhallinyaro ka soo jeeda gobalka Gedo.Ibraahim Dheere ayaa u sheegay Shabakadda Saadaal, markii uu kullan soo dhaamay waxa la isla afgartay qodobadan soo socda.

1-  Beesha Xassan Gaashire waxa ay garwaaqsatay oo ay goobta ka sheegtay in Ugaaska Beesha Sade uu yahay Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi.
2In Ugaas Maxamed Xasan Yarow isna loo aqoosaday in uu yahay Ugaaska Beesha Xasan Gaashiredle.

Ugu dambeyntii kulanka dhacay Muqdisho ee ay yeesheen waxgaradka beesha Sade ayaa ku dhamaaday is-xambaar iyo is-dhunkasho iyadoo dhamaan dadkii ka qeybgalay kullanka ay isku faraxsanaayeen heshiiska ay gaareyn.Ibraahim Dheere ayaa ugu dambeyn u sheegay saxaafadda in dhinacyada ka qeybgalay kulanka ay isku raaceyn in la xaliyo dhibaatooyinka kajira gobalka Gedo ee daashaday 21-kii sano ee la soo dhaafay, taas oo noqon karta mid shaqsi ah, Beel IWM ah, taas oo la isku afgartay in la dhameeyo marka uu dhamaado howshada hadda loo joogo magaalada Muqdisho, taas oo lagu balamay shirweynihii lagu doortay Ugaaska Beesha Suldaan Sheekh Xasan Iftiin.Si kastaba, kulanka ka dhacay Muqdisho ee ay ka qeybgaleyn dhinacyada beesha Sade ayaa waxa uu ahaa kii ugu ballaarnaa ee laqabto, tan iyo markii la caleema saaray Ugaaska Guud ee Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi.

Waxa naga xasuus ah in akhristayaasha sharafta leh ee Aduunka ku kala nool in ay qeybta hoose ee qoraalkan ay ka daawan karaan Muuqaal & Sawirro ka turjumaya kullanka ka dhacay Muqdisho.

——–
Ibrahim Yuusuf Faarax ”Ibraahin Dheere”, Muqdisho/Somalia
iyfarah@hotmail.com

 

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

9 Jawaabood " Ibraahin Yuusuf Faarax (Ibraahin Dheere) “Waxaan ka xumahay in qoraal shabakad aan ku kalsoonaa aan u diray ay badasho, waxaan ka dalbayaa ninka iska leh shabakadaas inuu qaladka uu galay raali galin ka bixiyo” (Dhageyso) "

  1. Markii an aqriyay hadalka mesha ku qoran uma muqan hadal ay qoren aqoonyahanno iyo waxgaradka qabiilka weyn ee sedo. Balse wuxu u muqday hadal lala dhuntay oo meel mugdi ah lagu qoray.sidaas awgeed sedde waxbadan ba dhaxyalla ee ma,aha in koox yar oo dana gaar ah wadata ay iska qoran waxay raban.tanlabad wixii wadda hadal ah oo uu sedde kuwada hadlayo gobalkiisa ayay ku haboontahay.

  2. Asc hadan rayigeyga kadhibto waxan dhihi karaa waa arin lagu dag dagay oo aan laga fiirsan muqdisho shir lagu qabtana gedo kama turjumi karo .

  3. Waxan su,alaya Ibrahim con goorma lagu macabay afhayeenka Sedde?su,asha labaad haddii mel madow wax laga qortay maxad u calacaleysa. Sadax Sedde oo shiraya oo arimahisa lafa guraya ma guri u nin leyahayba qaada? Wad ceebeysantihin intiini meesha fadhiisatay arinta Seda wadsii ragadineysan ee waxad isla meeldhigteen wa weyso jabtay ma lugu tukada? Sidas ka soo qaad.

  4. faadumo says:

    ibraahin dheere macsonkor aloow maxaa idinka raaacay meeshii la xoonsanaa

  5. cabdinuur says:

    waxaad raadinayseen oo dhan kulugiin waad hesheen qiyaanadaad mareexaan ku sameeyseen ilaahay wuu idinla gooyay inaad ku kala caraartaana waan rajaynaynaa

  6. Xawaadle iyo reer xasan maxaa ka dhaxeeyo? mise Bah-xawaadle ayaad u jeedaa. Haddii arinku sidaa yahay iska sax qoraalka

  7. ali says:

    aniga hadalkan halkaan kuqoran muhiim ooma arko wabsitkana waxaan oran lahaa kuma haboonayn in warkan lagu soo daabaco wax xigmad ahna kuma jirto hadalada uu ninkan ku hadlayo shaqsi ahaana ima qancin

  8. Great qundhi says:

    Acm.ugu horeyntii waxan salamayaa aqristayasha Wabsiteka allgedo. Salan kadib.waxan donaya inan jawaab ka bixiyo hadalka uu sheegay ninka ismagacaabay.ee Ibrahim dhere.ibrahim dhere wa nin ???????, balse aan ????? miyusan ogeyn wixi ???? intii udhaxaysay ???? ilaa ???? hadii an milicsado ??????

    ———–

    From Allgedo Online

    Qundhi, saaxiib inta badan COMMENT-igaaga waan tir-tirnay, mana fileyno inay habooneyd in aan akhirste-yaasha usoo dayno. Fadlan isku day wixii hadda ka danbeeya in aad dhaafto COMMENT aan xanaf laheyn.

    Mahadsanid.

  9. qundhi says:

    To.allgedo share holders wanka xumahay wabsite waxan modayay saxaafad dhax dhaxad ah lakin ma,aha.waxa an qoray waxa lamid ah wixi mesha ku qorna.balse waxa habon inad wada tirtaan.haddii kale wabsiteka manoqonayo mid dhaxdhaxaad ah?xuriyaadda hadalkana wad ku xadgudbeysan. Waxan leyahay saxiibkay cidqaas inad ka amarqaadan wan ka xumahay marlabad.hadan sikala dhigo cidna macay kakin jawab kalaba malahayn onan ahayn tan irih.balday inta kajawabtay wadda dhaliil sanyihin.fadlan ???? saxiibkeyga qaaliga ah katirtir waxa mesha ku qoran.haddii kale wabsite magac ahaan iyo jiritan ahaan midna umma ficna.thanks yours faithfully qundhi.

    ————
    From Allgedo Online
    Qundhi, saaxiib ma filaayo in xoriyatul qowlka uu yahay sida aad COMMENT-igaaga ku muujisay. Haddii aan COMMENT-igaaga sida uu yahay usii daayo waxaa laga yaabaa in ay fidno ka dhalato, kaddibna anaga qudhayada ay saameyn nagu yeelato adduun iyo aakhiraba. Rabbi ka baq saaxiib adiga oo mar walba ku mahadsan COMMENT-igaaga, anaga ayaana si gaar ah kuula soo xariiri doono haddii uu Rabbi dimo si aan kaaga qancino sababta aan Comment-igaaga u tir-tirnay.

    Mahadsanid.