Afhayeenka Ciidamada Al-shabaab Cabdi Casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta Afka Al-shabaab ku hadasha ayaa sheegay in dagaalo ay ku qaadeen deegaano dhowr ah oo ka mid ah gobalka Gedo ay ku dileen ciidamo ka mid ah kuwa AMISOM.
Afhayeenka ayaa sheegay in saacadihii kala duwanaa ee aynu soo dhaafnay ay qaadeen weeraro xoogan oo ay ku doonayeen inay ku naafeeyaan wax uu ugu yeeray cadowga ayna guul la taaban karo ka gaareen.
Waxa uu sheegay in ay jiraan ciidamo ka socda wadanka Siraliyoon oo si qarsoodi ah ku joogaan gobalka Gedo, balse ay la dagaalameen oo ay askar badan ka dileen.
Dhanka kale maamulka gobalka Gedo oo aynu xiriir la sameenay ayaa inoo sheegay in Al-shabaab ay nawaaxiga Yurkud u galeen ciidamo Soomaali ah gobalka Bay u socday islamarkaana dhawaan tababar loo soo xiray, waxayna meesha ka saareen in ciidamadaasi ay ahaayeen kuwo ka socda wadanka Siraliyoon.
Al-shabaab maalmahaan dambe waxa ay weeraro dhuumaaleysi ah ku qaadaan deegaanada gobalka Gedo qaarkood ee ay joogaan ciidamada Dowladda TFG ee Soomaaliya.
Cumar Cali Maxamed
Muqdisho, Soomaaliya


shafiif axmed shareecada kumadhaqmaya uubartay wuxuu san ogayn wadan kan iyo umadan in uu kitaab ugu dhartay in uu damanad qadaya dhib iyo dheefba markii la doorday wuxuu dhalay inkaar iyo cibaara an waligeed dhicin abaar tii ugu xumayd oo 50sano la arag baa dhacday bini adamki oo ladhalan rogay sidii dagaalki sokeeye udhacay la isma dhalan rogijirin hada inkaar diinta kabeen shegaysa imaday shariifna in uu kutuugsado magaca somaliweyn jeebkisana soo dhafin in ay amnisom isaga iyo beeshiisa ka liya kafaalo qado Gobalada dalkana dulman yihiin waa masuuliyad uu isaga dusha ka saran intan shegey oodhan balse shariif kaliya mahane nin kasta oo isa soosharaxaya jebkisa iyo magaciisuu donaya lkn umada dhiban ee masakin ta ah u magar garayan