Home » News »

Marxuum Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen oo Muqdisho Aas Qaran loogu sameeyay.

( AOL- Muqdisho) Allaha u raxmadee maanta Magaalada Muqdisho waxaa Aas Qaran loogu sameeyay Gudoomiyahii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen, waxaana aaskiisa ka qeyb galay dhamaan madaxda dowladda KMG Soomaaliya.

 

Sheekh Mukhtaar waxaa Meydkiisa salaada Janaasada lagula tukaday Garoonka diyaarada ee Aadan Cade magaalada Muqdisho waxaana halkaasi ku sugnaa madaxweynaha dowladda TFG Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaaraha Xukumada TFG Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, Gudoomiyaha baarlamaanka KMG Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno ka kala tirsan Labada gole ee dowladda.

 

Madaxweynaha ayaa ugu horeen waxa uu ka hadlay halkaasi, isagoona marxuumka ilaahay uga baryay inuu u naxariisto, waxaana madaxweynaha uu sheegay in naf walba ay geerida sugeeso laakiin kaliya lakala horeeyo, isagoona shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay usoo duceeyaan marxuumka.

 

Gudoomiyaha baarlamaanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ra’iisul wasaare C/weli ayaa mar ay halkaasi ka hadaleen waxay ka sheekeeyeen taariikhda Sheekh Mukhtaar, waxaana ay sheegeen in dalka uu wax badan ka soo qabtay xilligii 60-meeyadii.

 

Ugu dambeen Marxuumka waxaa lagu aasay qabuuraha ku yaala Tarabuunka oo dad badan oo mas’uuliyiin ay ku jiraan ku aasan yihiin, waxaana dhamaan dadkii aaska ka qeyb galay ay Allah uga baryeen Marxuumka in Janatul Firdowsa ka waraabiyo.

 

Cumar Cali Maxamed.

 

Muqdisho,Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.