Magaalada Muqdisho iyo Magaalada Caabudwaaq ayaa maalmihii ugu danbeeyayba waxaa ka socday shirar ay yeelanayeen beesha Reer siyaad Xuseen kaasoo ay ku kala saarayeen Sadex Musharax oo u sharaxneeyd Xilika Xilibaanimada Dawlada soo socota ee soomaaliya.
Sadexda musharax ayaa waxaa ay kala ahaayeen Xilibaan X/xafiid sacdi Jaamac oo ka mid ah hada mudanayaasha baarlamaanka ee xiligoodii uu sii dhamanayo iyo Dr. Axmed Cali Salaad (Taako) iyo C/shakuur Cali mire.
Kulan balaaran oo ay kasoo qayb galeen Siyaasiyiin, Odayaal dhaqameedyo, Aqoonyahano,Ganacsat o iyo Haween ee beesha R/siyaad Xuseen ayaa waxaa uu maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, shirkaan ayaana ahaa mid lagu balansanaa manta islamarkaasna lagu dooranayo cida u matalaysa beesha jagada xilibaanimo, waxana kazoo qayn galay shirka 105 Qof oo isugu jirta qaybaha aankor ku soo sheegnay.
Ugu horeeyntiina waxaa shirka furay Nabadoon Xuseen Nuure Xuubeey oo sheegay ahmiyada uu shirkaanu u leeyahay beesha iyo in maanta goobta laga helo cida u umatalaysa beesha jagada xilibaanimo ee dawlada soomaaliya, waxaana sidoo kale goobta ka hadlay soona dhaweeay kulankaasi Max’ud Samatar Odawaa oo ah siyaasi weeyn oo kasoo shaqeeyay Xukuumadii dhex ee soomaaliya waxaana uu amaanay kulanka iyo sida ay maanta beesha ugu diyaar garoobayso inay soomaali wax la qaybsadaan waxaana dhanka kale uu Max;ud samatar xusay in ay guul u tahay in ay soo gudbiyaan maanta marka loo codeeyo cida ku soo baxda xilibaanimada.
Dhanka kale waxaa asna dhankiisa ka hadlay Xasan xalane oo asna ah siyaasi rugcadaa ah waxaana uu beesha sade ka codsaday in sidaan oo kale ay yeelaan islamarkaasna xubnaha uga qayb galaya baarlmaanka soomaaliya ay wadadaan oo kale u maraan si loo helo shaqsiyad bulshada wax u qabankara.
inta aan codadka la qaadin ayaa waxaa goobtaasi qudbad dheer ka jediyay Dr. Axmed Cali salad oo ka mid ahaa sadexda musharax ee isku soo taagtay xilka musharaxnimo waloow ay labadii musharax oo kale aysan goobta imaan bilaa cududaar la’aan iyagoona awal saxiixay in ay imaanayaan gudiga doorashadana u qoor dhiibtay. Axmed ayaa ugu horeeyntii ka warbixiyay CV’giisa iyo sida uu gaar ahaan baasha isugu xirayo iyo gaar ahaan beesha sade ama umad weeynta soomaaliyeed oo dhan.
Intaas ka dib waxaa bilawday tirintii codadka waxaana 98 cod helay axmed cali salad halka 7 cod ay halawday waxaana cododka tirinayay Nabadoon Xuseen nuure Xuubeey oo ku dhawaaqay in hada waxii ka danbeeya DR. Axmed Cali salad uu yahay xilibaanka cusub ee matalaya beeshooda, waxaana sidoo kale uu nabadonka beesha sade oo ka codsaday in ay maraan wadadaan oo kale.
Koobta ay loogu codeeynayay cida noqonaysa xilibaanka beesha R/siyaad xuseen ayaa waxaa goob joog ka ahaa waxgarad kasoo jeeda beesha sade oo kormeer ka ahaa sida hawshu ay u dhacayso.
Ka hor kulana manta ka dhacay magaalada muqdisho ee Dr. Axmed Cali Salaad loogu doortay Xilibaanka matalaya beesha Reer siyaad xuseen ayaa waxaa ka horeeyay kulan balaaran oo magaalada Caabudwaaq ay ku yeesheen odayaasha, dhalinyarada Ganacsatada, Aqoonyahanka iyo haweenka beesha Reer Siyaad Xuseen ay uga hadlayeen cida u matalaysa xilka xilibaanimo ee beeshooda waxaana wadatashi iyo shirar badan ka dib ay si wada jir ah u go’aansadeen in Dr, Axmed Cali Salaad uu noqonaya shaqsiga ay u doorteen jagada xilibaanimo ee dawlada soosocota.
Waxaana ka mid ahaa Odayaasha Saxiixa ugu duugay in Axmed Taako uu noqonayo Xilibaanka beesha Reer Siyaad xuseen Nabadoonka guud ee Beesha Nabadoon Faarax Nuure Xuubeey iyo Nabadoonada Sagaalka Qaybood ee ay beesha R/siyaad xuseen wax u qabsadaan.
————–
Maxamed Maxamud Salaad
maxameddheere9@yahoo.com

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.