Ciidamada maamulka TFG ee gobalka Hiiraan ayaa gacanta ku dhigay walxaha qarxa oo lagu sameenaayay guri ku yaala magaalada B/weyne ka dib howlgalo ay magaaladaasi ka sameeyeen.
Ciidamada ayaa gudaha u galay guri walxahaan qarxa lagu farsameenaayay oo ku yaala magaalada B/weyne iyaga oo gacanta kusoo dhigay ninka gurigaas leh in kastoo uu halkaasi ka baxsaday nin walxahaasi farsameenaayay.
Axmed Cismaan (Inji) oo ah gudoomiye ku xigeenka dhanka amaanka gobalka Hiiraan ayaa u sheegay saxaafadda in howlgalada ay ahaayeen kuwo si gaar ah loo fuliyay ka dib markii lagu soo wargeliyay in halkaasi walxahaan qarxa lagu haayo.
Ninkii lahaa guriga aaladahaan qarxa ah laga soo qaaday ayaa iminka ku jira saldhiga degmada B/weyne halkaasi oo baaritaano lagu haayo si loo ogaado inuu wax ka og yahay iyo in kale.
Magaalada B/weyne ayaa mararka qaar waxaa ka dhici jiray falal Qaraxyo iyo dagaalo isugu jira, waxaana habeen ka hor magaaladaasi ka dhacay weerar ay soo qaadeen ciidamada Al-shabaab.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.