Home » News, Waraysi »

Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Ugaas Yarow oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in ay beelaha Xasan Gaashireedle Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi u aqoonsadeen in uu yahay Ugaaska beesha Sade ee gobolka Gedo (Dhageyso wareysi)

War uu dhawaan qaar ka mid ah Hay’adaha Warbaahinta Soomaalida u gudbiyay nin la yiraahdo Ibraahin Yuusuf Faarax (Ibraahin Dheere) ayuu ku sheegay in shir ku dhex maray magaalada Muqdisho qaar ka tirsan beesha Sade ay iskula soo qaadeen qodobo dhowr ah oo uusan magacaabin, ayada oo uu gaba-gabadii shirkaasna sheegay in beelaha Xasan Gaashireedle ay Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi u aqoonsadeen in uu yahay Ugaaska guud beelaha Sade ee gobolka Gedo, ayada oo waliba intaas uu ku daray in beelaha Xasan Gaashireedle ay kor u xambaareen Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi, waa sida uu hadalka u dhigaye.


Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Ugaas Yarow, Ugaaska guud ee beelaha reer Xasan (Xasan Gaashireedle.)

  Halkaan ka dhageyso wareysiga ay Allgedo la yeelatay Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Ugaas Yarow iyo jawaabihii uu bixiyay oo maqal ah.

Haddaba, si aan wax uga ogaano xaqiiqada shirkaas la sheegay in uu Muqdisho ka dhacay, waxa uu ku saabsanaa iyo waxii kasoo baxayba ayaa waxaa Shabakadda Allgedo Online u suurta gashay in ay arrintaasi wax ka weydiiso Ugaaska guud ee beelaha reer Xasan (Xasan Gaashireedle), Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Ugaas Yarow oo shirkaas goob joog ka ahaa, waana kuwaan hoose su’aalihii la weydiiyay iyo jawaabihii uu bixiyay Ugaaska:

Su’aal:  Ugaas, adiga oo mahadsan “wax ma nooga sheegi kartaa waxa uu ku saabsan yahay shir aad ka qeyb gashay oo Todobadii Bishaan xubno ka tirsan beesha Sade ay ku yeesheen guri ku yaala magaalada Muqdisho?”

Jawaab:  Haa, waa jirtaa in aan ka qeyb galay shirkaas, waxaana kaaga sheegi karaa anagu hadaanu nahay beesha Sade waxaanu nahay dad ehel ah oo walaalo ah oo muddana kala maqan baanu aheyn, waxaan isla afgaranay wixii khilaafaad ah oo dhexdayada ku jira in aan ka wada hadalno, sidaas baan isku afgaranay sidaas buuna shirku u dhacay.

Su’aal:  Waan gartay, sida uu Saxaafadda u sheegay nin la yiraahdo Ibraahin Yuusuf (Ibraahin Dheere) oo shirkaasi goob joog ka ahaa adiga iyo raggii kale ee shirkaas isugu yimid waxaad kor u qaadeen baa la yiri nin la yiraahdo Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi, adinka oo waliba isku waafaqay in uu ninkaas yahay Ugaaska guud ee beesha Sade ee gobolka Gedo, maxaa ka jira arrintaas?

Jawaab:  Maya, maya, tan ayada ah waa arrin si kale loo turjumay weeye. Dad wada dhashay baan aheyn, muddana waan kala maqneyn, maadaama khilaafkii dhexda yada ku jiray aan ka wada hadalnay, in badana aan iskala afgaranay, anigana waa la’i qaaday, asagana waa la qaaday, kalgacal ay beeshu ku wada heshiisay bay aheyd.

Su’aal:  Waxaan ognahay in khilaaf weyn oo dhanka dhaqanka ah uu u dhaxeeyo beesha Sade ee gobolka Gedo, adigu ka Ugaas ahaan sideed u aragtaa in khilaafkaas loo xaliyo?

Jawaab:  Gedo Degmo aad u balaaran weeye, odayaasheedi dhaqanka ahaana meeshaan kuma dhama, meeshay u badan yihiin waxay jiraan gobolka Gedo, wax alaale iyo wixii khilaaf ah oo jira beesha Sade ayay u taalaa in gobolka loo celiyo ayaan raali ka ahay aniga.

Su’aal:  Ugu danbteystii, adiga oo ka faa’ideysanaya fursadaan ay Allgedo ku siisay maxaad ku baaqi laheyd?

Jawaab:  Waxaan ku baaqi lahaa midnimo umadda Soomaaliyeed dhamaanteed ah.  Soomaaliya dad horay u lumay weeye, 21 sano ilaa iyo 22 sano ayay is dileysay, maadaama hadda fursad qaali ah la siiyay oo la leeyahay dib bay isugu imaaday Soomaaliya ama dastuur baa la ansixinayaa la leeyahay in Soomaaliya ay midnimadeeda ay ka tashato wax alaale wixii khilaafaad ah ee dhexdeeda ku jirana ay banaanka iska dhigto, taasaan ku baaqi lahaa aniga.

  Halkaan ka dhageyso wareysi lala yeeshay Ibraahin Dheere oo ka hadlaya shir dhawaan Muqdisho ku dhex maray qaar ka tirsan beelaha Sade iyo qoraal uu asaga lahaa oo la badalay oo uu dalbanayo in cidii qaladkaas gashay ay raali galin ka bixiso, qoraalkiisii saxda ahaana dib usoo dhajiso.

————
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho/Soomaaliya.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

3 Jawaabood " Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Ugaas Yarow oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in ay beelaha Xasan Gaashireedle Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi u aqoonsadeen in uu yahay Ugaaska beesha Sade ee gobolka Gedo (Dhageyso wareysi) "

  1. sade says:

    Constantly harassed by Bell Canada, but you are not a customer!!!

    You guys, if you feel that I am harassing you for some reason, you can write your complaints to Bell Canada through these steps:

    Step 1 – Contact a customer service representative

    Step 2 – Speak with a supervisor

    Step 3 – Or Contact the Bell Customer Relations Centre.

    Bell Canada will resolve the vast majority of problems accordingly in the first two steps. If it did not happen in your case, you may submit a complaint to the Bell Customer Relations Centre. One of their senior representatives will work with you to address your concerns.

    Now, since I am sending this comment from the information below, if I bother any one in this forum, please feel free to submit your complaints to Bell Canada, so they will assist you ASAP.

    Here is the information you may use if you want to submit your complaint Bell Canada against me:

    My IP address: 70.52.148.89
    Time & Date used this Compter: 2012/06/21 at 7:25 pm
    Organization: Bell Canada
    Country: Canada
    State/Region: Ontario
    City: Toronto.

    Thank you

    By Sade

  2. Jackass says:

    Hello every body. I am sorry that AOL Admin has refused to post my comments numerous times as they may have carried unwanted odd messages. I understand that every stone I through to someone may one day come back to me.

    Therefore, since I recognize my stupid mistakes I made here many times, I promise from today on I will change my attitude, so I am urging Allgedo and their esteemed readers to forgive me about all my previous harassments and intimidations that I left to you on this forum.

    Thank you.

    Jackass
    Ottawa, Ontario – Canada.

  3. gedo boy says:

    maashaa alaah alaah. Ugaas shaqadaada qabso waa adiga kalya ugaaska besha sade dhamaan reer gedo adiga ayaa ugaas u ah.