Home » Archive Daily June 23rd, 2012
SomDoc waa adeegii ugu horeeyay ee af-Soomaali ku soo bandhiga Online Rug caafimaad (Akhri SomDoc)
Mareegto cusub ayaa dhawaan kusoo biirtay bogaga internet-ka Soomaalida, taasoo qawmiyadda ku hadasha Af-soomaaliga loogu soo bandhigay Onlin Rug caafimaad. Waxaa daadahaynaya dhakhaatiir wax ku baratay hadanaka shaqeeya wadamada reer galbeedka. Waxay diirada saartaa dhibka sida gaarka ah u haysta qurbo-joogta isla markaana waxay Soomaalida wadanka gudahiisa joogta u soo bandhigtaa caafimaadka casriga...
Maansada Qaran – By Abwaan Mohamed Dahir N. Gaani
ASC Dhamaan akhriste-yaasha AOL. Waxaan hoos idinkugu soo gudbinayaa “MAANSADA QARAN”.
Haddaba, adiga oo mar walba mahadsan akhri maansada oo ah tan hoose:
SOOMALI WAA SIMAN
SUMMADDII AWOOWIYO
SINJI BAY WADAAGTAA
HIDDIHEENII SOOHNAA
DHAQANKII SAL GUURYOO
SUFUR BAA KA SOO HARAY
SABANKAAN RAGGII KACA
RUNTA WAY SALUUGAAN
KHALADKAY SAX MOODAAN
CEEB KAMA SARIIGTAAN
SAMAHANA MA YEELAAN
SUMACADEENII...
Glimmers of hope for Somalia (with multiple hurdles) – By Farah Noor (Kolley)
Secretary, William Hague
United Kingdom Secretary of State for Foreign and Commonwealth Affairs
When people devour themselves, as in Somalia, there are never easy solutions. That helps explain dithering rescuer, for there are more problems in international relations than solutions, and well-meaning interventions can make a crisis worse. The failed missions of UNOSOM I (April 1992 – March 1993), UNOSOM...
Ra’iisul wasaare C/weli Gaas “Odayaasha dhaqanka waxba kuma dari karaan tirada xildhibaanada baarlamaanka cusub”
Ra’iisul wasaaraha xukuumada KMG C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo maanta warbaahinta kula hadlay garoonka Aadan Cade ka dib markii uu ka yimid magaalada Nairobi ayaa si kulul waxa uu uga jawaabay arintii ay Odayaasha dhaqanka ku sheegeen in baarlamaanka cusub ay ka dhigi doonaan 275 qof.
Gaas waxa uu sheegay in Odayaasha dhaqanka aysan marnaba xaq u lahayn in wax lasoo go’aamiyay inay wax...
Madaxda ugu sareysa Dowladda oo maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho (Daawo sawirada soo dhaweynta)
Muqdisho, Somalia (AOL) – Waxaa maanta Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho si gooni gooni ah ugu soo dagay madaxda ugu sareyso dowladda, Iyagoona si heer saro ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Waxaana soo dhaweynta Madaxda ka soo qeybgalay Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil, gudoomiyayaasha degmooyinka Banaadir, Haween iyo dad kale oo aad u fara badan.
Ugu...
Ururka Horumarinta Goboladda Jubooyinka Oo Baaq Teegeera Ah U Diraya Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi – By Suldaan Gureey Xaaji Faarax.
Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan ururka horumarinta gobolada jubbooyinka ayaan waxaan ku taageerayaa shirarka dib u heshiineed ee uu kawado magaalada Muqdisho Ugaaska beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Cumar.
Shirarkaas oo uu ugaasku kula kulmayo dhamaan oday dhaqameedyada beelaha Soomaaliyeed si ay uga wada tashadaan isulana meel dhigaan sidii lagu gaari lahaa midnimada umadda Soomaaliyeed ugana qaadan...
Ciidamada Kenya oo qarax maanta lagula eegtay degmada Mandheera ee dalka Kenya.
Ciidamada wadanka Kenya ayaa galabta waxaa qarax Miino ah lagula eegtay degmada Mandheera ee xarunta gobalka Waqooyi bari Kenya, waxaana qaraxaasi uu sababay qasaare ciidankaasi soo gaaray.
Qaraxa ayaa ahaa Miino dhulka lagu aaso lagana hago meelaha fog fog iyadoona la sheegay in lagu aasay goob ay fariisan jireen ciidamada Milatariga wadanka Kenya oo ay kala socon jireen dhaq dhaqaaqa xadkooda.
Askari...
Dowladda Itoobiya oo shaaca ka qaaday waqtiga kama dambeesta ah ee ay Soomaaliya ka baxaayaan.
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday waqtiga kama dambeesta ah ee ay ciidamadeeda kala bixi doonto wadanka Soomaaliya iyo Ujeedada ay dalka ka damacsanyihiin xilliga ay sii joogayaan.
Afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya ayaa sheegay in ciidamadooda ay Soomaaliya ka tagi doonaan markii Soomaaliya loo soo dhiso dowladda cusub islamarkaana dowladaasi ay noqoto mid ku filan inay la dagaalanto argagaxisada.
Afhayeenka...
Yuusuf Kaba ku tukade oo ka hadlay meelihii dhawaan lagala wareegay gobalka Sh/dhexe.
Sheekh Yuusuf Ciise (Kaba ku Tukade) ayaa markii ugu horeeysay waxa uu ka hadlay goobihii dhawaan ay kala wareegeen ciidamada dowladda TFG iyo kuwa AMISOM gobalka Sh/dhexe, waxaana uu sheegay in meel walba oo gobalkaa laga qabsaday in ay iyaga iskooda uga baxeen.
Waxaa kaloo uu sheegay in ay jiraan ciidamo badan oo Al-shabaab ah misane u taagan inay difaacaan gobalka Sh/dhexe, sidaa darteed aanay iyaga...