Home » Suugaan »

Maansada Qaran – By Abwaan Mohamed Dahir N. Gaani

ASC Dhamaan akhriste-yaasha AOL.  Waxaan hoos idinkugu soo gudbinayaa “MAANSADA QARAN”.
Haddaba, adiga oo mar walba mahadsan akhri maansada oo ah tan hoose:

SOOMALI WAA SIMAN
SUMMADDII AWOOWIYO
SINJI BAY WADAAGTAA
HIDDIHEENII SOOHNAA
DHAQANKII SAL GUURYOO
SUFUR BAA KA SOO HARAY

SABANKAAN RAGGII KACA
RUNTA WAY SALUUGAAN
KHALADKAY SAX MOODAAN
CEEB KAMA SARIIGTAAN

SAMAHANA MA YEELAAN
SUMACADEENII DHIMATOO
WAA LOO SAREEYAA
HORTA WAA SU’AALEE
GAALAA SIDAAN TIRI
YAA LAGU SASABAYAA

GOBANNIMO SAD WEEYEE
SIDIGTEENII MAAN DEEQ
INA DAAFI SUBAGLIYO
SAWAAXILI MA SIISEEN
SUUL-DHABAALAHOODIYO
SAN DULAHA MA YEESHEEN
IDINKOO SAKIIRA LEH
MA KA DABA SAQLAYSEEN
SACAB MA U GARAACDEEN

WELI BAA SIRAATOO
SAALIXIYA WEEYEE
SAQDA DHEXE HABEENKII
QABUUR LOO SUJUUDIYO
SHIRKI BAY SAMEEYAAN

SIXIROOLAYAASHIYO
KUWA SAATAN NOO GALAY
WAA DUUL SI LOONOO
SUURADAHA QURAANKIYO
SUNNAHEENA SOOYAAL
SI KALAY U MARIYAAN

DADKA WAY SUMEEYAAN
QAAR WAA SOLAYAAN
SABIYADA MA DHAAFAAN
QARAX IYO SAWAXAN IYO
SILIC IYO DHIBAATIYO
SAXAL GUURAYAA YIMI

KOLEY TALO SIRGAXANTOO
SUUROOBI MAYSEE
QARANKOO LA SAACIDO
WAA SEER MA WEYDIYO
SAGAL HOORAY OO DA’AY
SAMIR IYO WANAAG IYO
SOOHDINTEENA DIINTIYO
XAQAA LAGU SUGNAADAA

SIKHIL CAANAHEEDIYO
WANAN SARARA WEYN IYO
SUUBAAN MA MAALOO
CALANKII SURNA IYO
QARANKEENI SOCOYOO
WAAN SOOMANAHAY WALI.

———-
Abwaan Mohamed dahir N. Gaani
mohamed_dahir23@hotmail.com

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.