Home » News »

Yuusuf Kaba ku tukade oo ka hadlay meelihii dhawaan lagala wareegay gobalka Sh/dhexe.

Sheekh Yuusuf Ciise (Kaba ku Tukade) ayaa markii ugu horeeysay waxa uu ka hadlay goobihii dhawaan ay kala wareegeen ciidamada dowladda TFG iyo kuwa AMISOM gobalka Sh/dhexe, waxaana uu sheegay in meel walba oo gobalkaa laga qabsaday in ay iyaga iskooda uga baxeen.

Waxaa kaloo uu sheegay in ay jiraan ciidamo badan oo Al-shabaab ah misane u taagan inay difaacaan gobalka Sh/dhexe, sidaa darteed aanay iyaga dagaal looga saarin gobalkaasi iyo meelo u dhaw waa sida uu hadalka u dhigaye Kaba Ku Tukade.

” Anaga diyaar ayaan nahay dagaal aan weli la maqal oo la arag ayaan soo qaadeenaa Sh/dhexe iska daayee waxaan tageynaa ilaa gobalka Banaadir, AMISOM waxaan dib ugu celin donna wadadii ay dagaalka kasoo qaadeen, ee shacabka hana taageeraan”

Sidoo kale waxa uu sheegay Kaba ku Tukade in ciidamada Xarakada Al-shabaab ay soo qaateen tababaro fiican oo uu tilmaamay in looga hortagaayo wax uu ku sheegay gumeysiga ay wadaaan dalalka reer galbeedka ah, isagoona ku nuux nuuxsaday in habeen iyo maalin ay ka go’antahay inay gaaraan meelahoodii hore.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.