Home » News »

Golaha wasiirada xukuumada TFG oo maanta kulan wada yeeshay (SAWIRO)

Muqdisho, Somalia (AOL) - Golaha Wasiirada Dowladda  Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa iyadoo  shirkani uu guddoominayay Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada  Soomaaliya ahna Wasiirka Ganacsigga Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas  Khaliif, waxaana shirkan looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ugu  horeysay xoojinta Amniga dalka, Arrimaha Roadmap-ka iyo  Ergooyinka, Maxkamadaha iyo Hantida ma guurtada la kala heysto iyo  arrimo kale.

Ugu horeyntii Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa shirka  waxaana laga dhegeystay warbixin la xiriirta Amniga dalka iyo guulihii  laga gaaray howlgaldii ugu dambeeyay oo ay ciidamada Xoogga dalka  Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee ku xureeyeyn degmada Balcad oo ka  tirsan Gobalka Sh/Hoose iyo halka ay marayaan howlaha Amni ee dalka.

“26, June ayaa ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ku guuleystay  iney gacanta ku dhigaan degmada Balcad ee Gobalka Sh/Dhexe islamarkaana ay howlgaladada lagu xureynayo dalka ay sii socon  doonaan.  Sidoo kale Gobaladii horey gacanta loogu hayay iyagana waa  lagu guuleystay in Amaankooda la sugo” islamarkaana la sii wadi doono  howlgalada”.

Sidoo kale Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Axmed Xasan Gaboobe ayaa  isna Golaha Warbixin ka siiyay Wasaaradiisa, Wuxuuna tilmaamay in loo  baahan yahay in la dhiso Maxkamad u qaas ah sidii loo soo celin lahaa  Hantida la kala heysto islamarkaana ay Wasaaradiisa ku mashquulsan  tahay sidii loo dhameystiri lahaa wax ka qabashada Arrimaha  Cadaaladda.

Ugu dambeyntii Goluhu wuxuu soo dhaweeyay Nuqulkii ugu dambeeyay ee  Dastuurka dalka, kaasoo loo qeybiyaya Odoyaasha Dhaqanka  Soomaaliyeed, isla markaana Shacabka Soomaaliyeed loo marsiiyay qeybaha  kala duwan ee Warbaahinta.

————-
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616 084650
Mogadishu, Somalia.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.