Madaxweynaha maamulka Gal-mudug ayaa la sheegay in si lama filaan ah uu ugu soo booday xanuun dhanka wadnaha ah isaga oo ku sugan wadanka Imaaraadka Carabta.
Caalim ayaa ka qeyb galaayay shir maanta lagu soo gaba gabeeyay halkaasi oo looga hadlaayay kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida, laakiin si lama filaan ah loo qabtay.
Waxaa la geeyay Isbitraal ku yaala Dubai si loo daaweeyo hase ahaatee waxaa la sheegayaa in uu mari doono qaliin maadaama ay xaaladda kasii dareyso.
Ma’uuliyiin ka mid ah Gal-mudug oo warbaahita la hadlay ayaa sheegay in xaaladda Madaxweynaha Gal-mudug ay aad u liidato balse saacadaha soo aadan la heli doono wixii war ah oo arintaasi ku saabsan.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya


comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.