Home » News »

Madaxweyne Faroole ” Siilaanyo iyo Shariif dan shaqsiyadeed ayeey ka hadleen”

Madaxweynaha maamulka Puntlad C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxuud (Faroole) ayaa ka hadlay shirkii ka dhacay Isku Taga Imaaraadka Carabta kaa oo ay wada yeesheen mas’uuliyiinta Somaliland iyo Dowladda TFG waxaana uu sheegay in shirkaasi uu ahaa mid u gaar ah Madaxweyne Shariif iyo Axmed Siilaanyo ayna arimo shaqsiyadeed uga wada hadleen.

” Siilaanyo iyo Shariif dan shaqsiyadeed ayeey ka hadleen, wada hadalka waxa uu ahaa in Somailand ay noqoto maamul ka mid ah Soomaaliya laakiin waxaa oo dhan lagama wada hadlin ee waxaa laga shiray dano u gaar ah.

Faroole ayaa u mnuuqday mid si kulul uga soo horjeestay shirkii Dubai, waxaana faroole uu madax u yahay maamul gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Dhawaan madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Axmed Silaanyo ayaa wada hadal waxay ku yeesheen isku taga Imaaraadka Carabta.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

7 Jawaabood " Madaxweyne Faroole ” Siilaanyo iyo Shariif dan shaqsiyadeed ayeey ka hadleen” "

  1. Mohammed Ali says:

    Who cares one (ereer) clan gathering or error clan is not a big deal?. Mogadisho is still smells the dead copsis is un healthy to join in the meantime.

  2. mr dalmar says:

    WALEE KAN CIDII MAJEERTEEN AWALBA AYAGOO ULA BOOC BOOC AH KUTAAGNAA OO SOMALIDU NACDAY AYUU USII DHAMEEYAY CIDU SOMALI RAJO KAMA QABAAN MIYAA

  3. Wadani says:

    Mr dalmarow sxb waad iska hadashay ee dadka afka kala bax, Majeerteen haday ul ku kutukubaayaan kaalinta ay somali uga jiraan kuma jireen lamana neceen, cadaw waxaa yeesho dad wax qabsadey, somali nimada ma ahan wax la isku quudiyo ee waa magac la isku aqoonsado, somali way is dishay, way is dhacday, dhul ayay kala qabsatey, awood qaybsi iyo siyaasad kuli way isku dirireen,, marka hadaad tahay qolada aaminsan adinkoo fadhiyo in ay Somali fadhiga fuud idinku keenayso sida in aad wax u dhiibatey hade waligiin waad sugaysaan kkkkkkkkkkkkkkk

    Faroole haduu hadleyna siduu wax u arko ayuu cabiray somalina ma uusan cayne labo nin oo siyaasiyiin ah ayuu la hadlay hadaad rabtey in uu cashuun ku adimo dee uma dhalan…..qabiil dhan in aan ijaafeysto ma rabo lakiin qoladaad tahay hadaan qiyaaso, reerka aad ku mashquulsantahay ayaad isir wadaag la tahay caafimaad sareexo ah iyo cuqdada oo kaa ba’do ayaan ALLE kuu waydiinaa.. waa reebantahay in xigtada lagu mashquulo.

    Xasuusin Somaliland waa qabiil isaaq ladhoho qabaa’ilada somaliyeedna kama fadli bad-na, wuxuu u diriraayaa in uu somali inteeda kale iyo isaaq wax loo qaybsado hadii uu aqoonsi waayo, iyo in uu boobo dhul ay beelo DAAROOD ah leeyihiin sida dhulbahante iyo warsangali. marka waxa meesha yaalo fahan maskiinkiyohow,

  4. muddy says:

    waxaa gef iyo khalad wayn ah in laga reebo shirka shariif iyo silanyo afarta beelod ee degta wuqooyiga somaliya. Shirkaan wuxuu u muuqdaa nooc aqoonsi ah in ay jirto dowlad la dhaho somaliland.
    reer hargaysa ma rabaan in ay somali la midoobaan qorshe kale ayeey wataan .

  5. cali dheer says:

    wadani

    wafdiga s/land wersengali iyo dhulbahanteba waa la socdaan kamana maqna ee la soco

  6. wadani says:

    Cali dheer

    sxb waan lasocdaa in ay ku jiraan gudiga Dawlada magacawdey labo xubnood oo dhulbahante iyo warsangali ah, aniga maba ka hadlin gudiga Dawlada magacawdey waana soo dhaweynaa…..ee waxaan u jawaabayey shaqsiga Mr dalmar labaxay oo qabiil caynta meesha la soo shaqo tagay badalkeeda meeshuu ka hadli lahaa hadalka Faroole siduu ula muuqdo asaga shaqsiyan…

  7. WAR ODAYGAAN CAQLI MA LAHA EE REER PINTLANDOOW CAQLI U IIBIYA WAA XOOLO WAXA U DHIMAN OO KALIYA OIN UU COWSKA CUNO NACASKA AFKA DOORSHAANE LEH