Home » Archive Montly July, 2012

Guddiga Farsamada Xulitaanka oo 135 magac oday dhaqameed ka gudoomay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Beelaha Soomaaliyeed (WARSAXAAFADEED)

Jul 31, 2012
Muqdisho 31 Julay 2012, Maanta oo 30 Juulaay ah, Guddiga  Farsamada  Xulitaanka waxay ka guddoomeen Guddiga Xalinta Khilaafaadka Beelaha Soomaaliyeed 135 magac oo ah odayaasha Soomaaliyeed ee soo xulidoona ergada ansaxinta Dastuurka iyo xildhibaanada baarlamaanka cusub sida uu qabo Axdigii Gaalkacayo iyo heshiisyadii ka dambeeyay ee lagu dhisayay Hayadaha cusub ee dowliga ah . Guddiga waxa uu raali... 

Dagaal caawa ka dhacay duleedka degmada Garbahaareey ee gobalka Gedo iyo shacab dagaalkaasi ku waxyeeloobay.

Jul 31, 2012
Ciidamada dowladda TFG iyo kuwa Al-shabaab ayaa caawa abaare 9-ka fiidnimo waxa uu dagaal ku dhexmaray duleedka degmada Garbahaareey ee xarunta gobalka Gedo waxaana dagaalkaa uu qasaare soo gaarsiiyay dad shaca ah oo guryahooda ku sugnaa. Dagaalka ayaa ku bilawday madaafiic xoogan oo ciidamada Al-shabaab ku qaadeen fariisin ciidamada dowldda TFG ay ku lahaayeen duleedka degmada Garbahaareey, waxaana... 

Ciidamo ka tirsan dowladda TFG oo maanta qarax Miino lagula eegtay Magaalada Muqdisho.

Jul 31, 2012
Qarax Miino ayaa maanta waxa uu ka dhacay degmada wada Washadaha ee magaalada Muqdisho waxaana qaraxaasi uu sababay qasaare soo gaaray ciidamada dowladda TFG oo lala beegsaday qaraxaasi. 2 ka mid ah ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay halkaa ku geeriyoodeen waxaana ku dhaawacmay sidoo kale 3 qof oo shacab ah sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ahi oo ku sugnaa halka uu qaraxani ka dhacay. Wararka... 

Doodihii Ergada Ansixinta dastuurka oo lasoo gaba gabeeyay iyo Dastuurka oo beri la ansixin doona.

Jul 31, 2012
Magaalada Muqdisho maanta waxaa lagu soo gaba gabeeyay doodii maalmahaan oo idil dhex mareysay Ergada anisixnta dastuurka cusub ee Soomaaliya, waxaana maalinta ber ah la filaayaa in dastuurka si la ansixiyo. Eragada ayaa maanta kulankii ugu dambeeyay ee dhanka dooda ah ku yeeshay Dugsiga Jeneral Kahiye ee magaalada Muqdisho, waxaana diiradda maalmahaan oo dhan la saaraayay qodobo ka qaldan sida la... 

Wasaaradda Gaashaandhiga dowladda TFG oo beenisay in ciidamo Britten ah ay Soomaaliya ka howlgalaan.

Jul 31, 2012
Xuseen Carab Ciise oo ah wasiirka Gaashaandhiga xukuumada TFG ayaa waxba kama jiraan kusheegay in Soomaaliya ay ku sugan yihiin ciidamo udhashay wadanka Ingiriiska. Wasiirka ayaa sheegay in wararkaasi uu maqlay laakiinse ay tahay mid ay iska mala awaaleen warbaahinta caalamka qaarkood oo uu sheegay in aanay waxba ka fiirsan. “Warkaasi waxba kama jira, waxaa laga yaabaa inay iska mala awaaleen... 

DEG DEG:- Majaajiliiste Marshaale oo caawa Magaalada Muqdisho lagu dilay.

Jul 31, 2012
Kooxo ku hubeysan Bistoolado ayaa Maqribnimadii caawa waxay degmada Waaberi ee magaalada Xamar ku toogteen Marshaale oo ahaa Majaajiliiste caan ah oo si aad ah loo wada garanaayo. Marshaale ayaa ku sugnaa ilinka hore ee hoyga uu ka deganyahay degmada Waaberi, waxaana toogtay seddax dhalinyaro ah oo la sheegay in ay bistoolooyin wateen. Marshaale ayaa dhaawac ahaan waxaa loogula cararay Isbitaalka Madiina... 

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo si fiican u macneeyey in aan la qaadan Dastuurka cusub ee Soomaaliya (Daawo Video)

Jul 31, 2012
Codsi nooga yimid dadweynaha awgiis, waxaan mar labaad dib usoo celinay qudbad qiima badan leh oo uu masjidka Abubakar Sadiiq oo ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka jeediyay Sheekh Maxamed Cabdi Umal taariikhdu markay aheyd April 6, 2012. Waayadaanba waxaa socday olole balaaran oo qaar umadda Soomaaliyeed iyo Ajaanib isugu jira ay wadeen oo lagu doonayay in lagu ansixiyo Dastuur ay inta... 

Sir culus oo ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay wada galeen Sheikh Shariif iyo Shariif Xasan Aden

Jul 31, 2012
Waxaa Dhaqanka soo jireenka ah ee  Digil iyo Mirifle soo gaartey Cabasho ay u soo gudbiyeen Xildhibaanada Cusub oo loo qoraayo Baarlamaanka soo socda in laga saxiixaayo heshiisyada ama ballan qaadyada soo socda: 1) In Qofka lagu daraayo Liiska Xildhibaanada Digil iyo Mirifle laga saxiixaayo inuusan isku soo sharraxi Karin Jagada Guddomiyaha Baarlamaanka Cusub, haddii uu balaanta ka baxana soddonka... 

Wasiirada Dastuurka iyo Gaashaandhiga ee dowladda TFG oo maanta ka hadlay arimo ku saabsan dastuurka iyo amaanka dalka (DHAGEYSO)

Jul 30, 2012
Xuseen Carab Ciise wasiirka gaashaandhiga dowladda TFG, iyo C/raxmaan Xoosh wasiirka dastuurka ayaa maanta si wadajir ah ula hadlay saxaafadda, iyaga oo uga warbixiyay arimo ku kala saabsan amaanka iyo dastuurka halka uu maraayo. Wasiirka Dastuurka ayaa ugu horeen ka warbixiyay halka uu maraayo shirka ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya iyo qaabka ay ergada howshu u wadaan. Dhanka kale wasiirka... 

Beesha Moobileen Cusmaan oo ka cabatay qeybta kaga soo aaday kuraasta Baarlamaanka isla markaana eedeyn u jeedisay dawalada KMG ah ee Soomaaliya (Sawiro)

Jul 30, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Beesha Moobileen Cusmaan ayaa ku eedeeyay masuuliyyinta dawlada KMG ah ee Soomaaliya ee uu u horeyo madaxweynha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed  in ay duudsiiyen xaqii ay ku laheyd baarlanaamka Soomaaliya ee lagu wado in loosoo dhiso dalka Soomaaliya. Ugaaska beesha Moobileen Cusmaan oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta ka qeyb qaadanayay kulan ay shalay ku yeesheen...