Home » Suugaan »

Maansada “Kala durugsanaa” By. Abdullahi Isim

Asc dhammaan ummadda soomaliyeed meel aad joogtaanba. Allaah (Swt) ayaa mahad leh, Rasuulkiisa Maxamed (Scw) ayaa sharaf leh. Waxaan halkan idinku soo gudbinayaa suuganta hoos ku xusan.  Maansadan ayaa firsanaysa, Maansooyin iyo suugaan ka horeyey.  Sida HOOYGAAN KU ABABAY,   HANKA GAABAN.  HADIYAD…Fakarkana la qaybsanaysa Mooryaan gareey, Garoowe iyo Gar iyo in kale oo badan.  Magaca ayaa ah KALA DURGSANAA. Dulucda iyo ujeedada ay xambaarsan tahay Maansada hoos ka akhri ama ka dhageyso.


By A. Y. Jama Abdullahi (Isim)

   Halkaan ka dhageyso maansada Kala durugsanaa.

Waa tan hoose Maansada oo qoran ee akhris wanaagsan:

DEEQ IGU AH DEYN

DUMADAYDA SURAN

OO AAN DAN BIDAY

DALKII HOOYO IYO

AN U DIRO DUNJIGA

DUUGGA AN KA IMID

.

MID DARDAARAN  MUDAN

AN KA DHIGO DIGNIIN

IYO KAMA DEMBAYS

DEGDEGNA AN U DHAHO

.

HADDII AAN DERGIGA

IRIR DAABICIYO

DAAROODISKA AH

DIGIL IYO HADAAN

MIRFLE ISKA DEYN

DARAN DOORIGIYO

DUULAAN QABIIL

.

OO WAXA DALKIYO

DIINTABA ANFACA

ADNA KUU DANTA AH

LOO NOQON DIYAAR

.

DAW LOOGA DHIGIN

DARIIQII ALLIYO (SWT)

SIDII DAAHA YIRI (SCW)

.

DANAB KUGU MA DHIN

OO WAA DUBBIYO

WELI DAQAR YAR KANI

.

INTAAD DIIDAN TAHAY

DABIIBKIYO DAWADA

OO DAMACA XUMI

KUU YAHAY DERSIGA

.

DABAR IYO INTAAD

CADOW DARIN U TAHAY

OO AAN DULAAL

DOOQAAGA DIID

DAMIIRKAAGU ORAN

.

OO WAXA DALKIYO

DADKALIHI RABAAN

UGA DHIGA DASTUUR

IYO QARAN U DIRAN

IYO KALA DEMBAYN

IYO DAWLADNIMO

.

DIINTANA ADEEC

OO YAAN DADQAAD

SHAYDAAN DARDARAY

DEMBIGIYO DULMIGA

DAMBAR KAAGA  DHIGIN

DUSHA KAAGA RARIN

.

DANAB KUGU MA DHICIN

OO WAA DUBBIYO

WELI DAQAR YAR KANI

.

DAYLANE INTAAD

DAABKIISA  TAHAY

OO WAXA IS DILAY

DUUDSIGA ISBADAY

DIYADA ISKA RABA

UU YAHAY DAMMANE

ADIGA IS DALDALAY

.

INTA AY DADNIMO

KALA DAADIN IYO

TAHAY KALA DIRKAA

INTA AY DACWADA

IYO DOODDU TAHAY

AYAAHA DAMBIYO

WAXA QARAN KU DUMO

.

OO DEYR CESHIYO

WAX U DIIRNAXABA

DUGAAG UGU HORMARAY

DIIHAAL U QABAY

.

DANAB KUGUMA DHICIN

OO WAA DUBBIYO

WELI DAQAR YAR KANI

WAXA DEYRA DHAAF

DABAYL MOWJADA AH

HIRKA DUULAYAA

ISA SOO  DULDHIGAY

HUBKA DOOLKA IYO

DOONYUHU WADAAN

DARKA CEELKA TUBAN

.

HALKA DOOGALIYO

HALKA SAHANKU DEYEY

OO MAANTA  DIRIR

KA DABRIDAHAYAA

KALA DURUGSANAA

.

CIIDEENNA DAGAN

CALANKEENA DEGAY

MINIMADA DIDEE

DAACUUNKU GALAY

KAN U DUUBAN IYO

WADKA DURAHAYAA

.ISU DARO  DHAWAA

.

MAANTIYO DORAAD

LAFTA DIIRAN IYO

DOOGTIYO NABRAHA

DADAALKEENA IYO

DABKA INA KU BAXAY

ISU  DARAR DHAWAA

.

DIIDMADA QAYAXAN

IYO DABA MARYADA

BEENTIYO DUSMADA

DAWARSIGA LA BADAY

KUWA  DUURXULKIYO

WELI DAAWASHADA

DALXIISKA UGU JIRA

.

IYO DOONKA TUBAN

DARISKIYO DUDADA

OO RABA DARYEEL

DABAAL JOOGLIHIYO

DAYMADA INDHAHA

DIB JALEECAYAA

KALA DAMAQ FOGAA

OO KAL DURUGSANA

.

WIXII HAWD DIHNAA

IYO DUUR LAGUBAY

DAMALADA LA JARAY

WAXA DOGOB QALALAY

DUBAY LAGALA DEGAY(DUBAI)

DHULKA DIIRATADA

AYUXU U DIB DHIGAY

OO  LAMA DEGAAN

IYO DIDIBKU HARAY

DARAYADA IRMAAN

.

UBAX DARAYA IYO

MAAL DAAQA IYO

MIDKA DARAN KA RABA

CILMAA DAAH FUREE

KALA DAAHANAA

OO KALA DURGSANAA

.

SHIIKH DAACADOO

SHARCI DOONAYOO

DIINTIISA IYO

DALIILKEEDA WADA

IYO KII DAFIRA

AMA QALAD KU DARA

DAACIGA ALLIYO

BAADIL U DIRSANE

KALA DURUGSANAA

.

WADANIGA DIFAAC

DADABTA UGU JIRA

HOOYANA DURUUS

IYO DAGAL U TAHAY

IYO LAGUMA DEGE

DUBASHADIISA RABA

ISTICMAAR DADBANI

KALA DURUGSANAA

.

MIDKA DOONANOOW

MAAHMAAH DA’WEYN

DULUCDUNA AHAYD
DIIN IYO DUGAAG

YAY KAA DUSINE

DIWAANKAAGA GELI

.

HADDII SHALAY DANIGA

WEYL LAGU DALBADAY

INAY TAHAY DUCADU

ALLOOW MAANTA DACAR

UU DIBI DHALAA

YEY KAA DUSINE

DIWAANKAAGA GALI

.

ILMA DUMIYE IYO

ILMA DOOXATOOW

ILMA DIRIRTA IYO

DIBIR KA DHERGOOW

ILMA DIIFTA IYO

DAYAC KAMA BAXOOW

ILMA DOODIYOOW

.

CEEL DOOJIYAHA

CIRIRKA U DIBADAY

MARLABAAD DIGNIIN

DAD U GAAR NOQDAAN

AAN KU DARO DACWADA

DOODANA KU XIRO

BAL INAY DUN IYO

DAREEN LEEYIHIIN

.

INA UGA DARIYO

INA UGA DAYDOOW

INA DAADIYIYO

INA DAYDOOW

INA DIRIQSADIYO

INA DEYSANOOW

INA DADNE IYO

INA DAALACOOW

INA DUDAHYOO

INA DIIDANOOW

INA DUUBCAD IYO

AW  DAAHIROW

INA LABA DUBLIYO

INA LABA DALOOW

SOOMAALINIMO

ISMA DIIDANEE

ADIGU HAYSKU DIRIN.

————–
A. Y. Jama Abdullahi Isim
abduldjamal@yahoo.com

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.