Home » Archive Daily July 3rd, 2012
Rag xirtay dharka Dumarka oo dhac u geysanaayay dadka shacabka oo Muqdisho lagu qabtay.
Ciidamada dowladda TFG ayaa degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho waxay ku qabteen seddax nin oo xirnaa Xijaab/Jalaabiibka oohacab ahna dhacaayay.
Ragaan ayaa gacanta lagu dhigay kadib markii ay isku dayeen inay galaan dukaan ku yaala Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid laakiin waxaa hubkii kula dhegay dadkii shacabka ahaa.
Maamulka degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in ragaan ay saari doonaan maxkamada...
Ciidamada dowladda TFG oo maanta howlgalo ka sameeyey deegaano ku yaala duleedka Muqdisho iyo nawaaxigeeda.
Ciidamada dowladda ayaa maanta holwgalo aad u balaaran waxay ka sameeyeen deegaano ku yaala duleedka magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda, waxaana ay kusoo qab qabteen dad aad u badan.
Ciidamada ayaa saaka ku dheelmaday deegaanada kala ah Garasbaley iyo Ceelsha-Biyaha, iyo degmada Dayniile waxaana ay soo qab qabteen dad la sh eegaayo inay xiriir la leeyihiin Xarakada Al-shabaab.
Taliyaha ciidamada Nabad...
Ku simaha Ra’iisul wasaaraha iyo Odayaasha dhaqanka oo maanta Muqdisho ku wada kulmay.
Magaalada Muqdisho maanta waxaa kulan ku yeeshay C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo ah wasiirka Ganacsiga ahna ku simaha ra’iisul wasaaraha dowladda TFG iyo Odayaasha dhaqanka ee xamar kulanka uga soconaaya.
Wasiirka ayaa u sheegay waxgaradka in looga fadhiyo in deg deg ay kusoo xulaan ergada ansixineysa dastuurka cusub ee Soomaaliya iyo xildhibaanada cusub ee baarlamaanka soo xuli lahaa.
Odayaasha...
Shirkii ay lahaayeen Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya oo lasoo gaba gabeeyay.
Magaalada Roma ee caasimada wadanka Talyaaniga waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirkii ay lahaayeen Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya, waxaana looga hadlay arimo badan oo ku saabsan Soomaaliya.
Shirkaan ayaa furmay maalintii shalay ahayd, waxaana waxyaabha looga hadlay ku jiray sidii looga bixi lahaa xilliga KMG iyo sidoo loo heli lahaa dowladda Dhexe oo Soomaaliya ka dhalata.
Madaxa shirka waxaa...
Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan “Shirkii Nairobi ka dhacay waa mid dano gaar ah laga leeyahay ee ma ahan mid loo dhan yahay” (DHAGEYSI WAREYSI)
Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan ayaa isaga oo ku sugan gobalka Gedo waxa uu si kulul uga hadlay shir dhawaan kusoo gaba gaboobay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaa oo ay wada yeesheen Raaskambooni, Azaaniya, Harti Group, Ahlu-sunna iyo xubno ka mid ah dowladda TFG.
Xildhibaanka ayaa sheegay in shirkaasi laga leeyahay dano gaar ah, loona wada dhameen, waxaana uu tilmaamay in maamulk dibada lagu soo...
