Home » News »

Ahlu-sunnada gobalada Koonfureed oo sheegtay inay bari ka tahay shirkii ka dhacay Nairobi.

Maamulka Ahlu-sunna ee gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay bari ka yihiin shirkii kusoo gaba gaboiobay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyagoona tilmaamay in shirkaasio uu qiyaano ahaa.

Sheekh Ceydaruus Sayid Axmed Sayid Warsame oo ah gudoomiyaha gobalada Koonfureed ee Ahlu-sunna Waljameeca ayaa maanta mar uu saxaafadda la hadlay waxa uu sheegay in isaga uu shirkaasi uu ka qeyb galay laakiin lagu qiyaanay waxa looga hadlaayay.

“Shirkaas qaab qiyaano ah ayaa naloogu yeeray ma aadi lahayn hadii aan ogaan lahaa waxa looga hadlaayay, laakiin anaga ka ahlu-sunna ahaan waxba ma saxiixin, hadana waxaan shacabka u shegayaa in shirkaasi aanay wax lug ah ku lahayn maamulkeena, ka hadalka Jubooyinka iyo Gedo waxaa xaq u leh dadka degan ee u dhashay”

Ugu dambeen waxa uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobalada Koonfur galbeed Soomaaliya inay ka taxadaraan qiyaano uu sheegay inay soo maleegeyso dowladda Kenya.

Magaalada Nairobi waxaa dhawaan lagu soo gaba gabeeyay shir looga hadlaayay arimo ku saabsan maamul in loo sameeyo gobalada Jubooyinka iyo Gedo, laakiin waxaa durba soo baxaaya in shirkaasi aan loo wada dhameen.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

6 Jawaabood " Ahlu-sunnada gobalada Koonfureed oo sheegtay inay bari ka tahay shirkii ka dhacay Nairobi. "

  1. Qaran doon says:

    Waa la yaab tolow mareexaan maxaa ka galay jubbooyinka, haddi aan asxaan u samaynnay oo aannu ku niri waa idinku daraynaa may iska qaataan waxaan siinno, eegga waan u dadaalnay haddii aan u ogolaanay in lagu daro maamulka azaniya, shirkaan kenya ma keenin waxaa wato dadka deeggen jubada hoose iyo jubbada dhexe laakiin gado waa laga maarmaa haddi aysan rabin.

  2. QOQAANI says:

    alhu suno waraaqihii waa saxiixen dhikii ka soo horjestana talaabo ayaa laga qaadayaa,

  3. aarlibax says:

    @ qarandon sxb nin qaan gaar ah matihid ayaan filayaa hadaad qaan gaartahayna
    nin gobaladaas yaqaana ayaadan ahayn waxaan filayaa in aad katimid
    kililka 5 naad
    jobooyinka inta aad kadagtaan waa wax kooban siyaasada kadanbaysa in sadexdaan gobol la;isku lamaaniyo ayaa ah in aqlabiyad ay noqonayaan mareexaan iyo absame siiba ay mareexaan aqlabiyad noqonayaa hadiise 2 bada jubo layiraahdo ha israacaan darood waa lugu qabsanayaa oo umada kale ayaa soobaxaya
    siyaasada in aad fahanto isku day hadiise aad fahmiwaydo awalba fahan la.aanta waa la.idinku xaman jiray
    adeer ilaahbaa ikaabadaye xageed aadi ma raxanwayn ayaad aadi aday dan kuutahaye dantaada garo

  4. FIIQ says:

    labada jubo Absame ayaa u badan lakiin hada waxay tagantahay in ninwalbo xaqiisa la siiyo marexaana meshu u dago waa la yaqaanaa somalia uma baahna in dadka laga tiro badan yahay waa in ay xaqooda helaan dhulka add sheegana waa lagaa badyaa aarlibax,

  5. Asc. Bacda salaan, waxaan marnaba haboonayn in qoys iyo qol midkood si cad wax looga sheego. Intaas kadib, hadaan usoo dego dulucda iyo arinta meesha taala. Waxaa hubaal ah oo jirta oon sir ahayn in shirka ka dhacaya Nairobi ay faraha kula jiraan dowlado kale, balse waxaa is waydiin mudan Dowlada eegga jirta yaa soo dhisay ma shacab soomaaliyeed mise shisheeye? Hadaba maxaa loola yaabi in dhowr guruub ama dhowr shaqsi Nairobi looga yeero oo lagu maquuniyo inay maamul samaystaan? Hadaan intaas kasii gudbo oon usoo laabto Jubooyinka iyo Gedo iyo xaaladaha ay ku jiraan iyo kala daadsanaanta ka jirta waxaa kuusoo baxaysa inay baahi wayn u qabto sidii lagu heli lahaa bal wax u yara eg maamul xataa, dalal shisheeye hakuu soo dhoodhoobaan e. Sababta oo ah waxa Jubooyinka iyo Gedo ka jira gobol kale oo Soomaaliya ku yaal oo ay ka jirto ma jiro. Lacagaha iyo malaayiinta tons ee raashinka ah ee soomaaliyo loogu tala galay xataa waa laga afxiray. Wax kale iska daaye xataa tuuga sadexdaas gobol u dhashay ee isku daya inuu wax kuhelo isagoo ku qaraabanaya magaca deegaanadaas looma ogola inuu lacag kusoo qaato. Hadaba mar hadii dhibkaas oo dhan aynu wada qabno (Mareexaan iyo Absame) Maxaa inoo dan ah. Ma inagaa cadow isu noqona oo ku doodna kuna dagaalana anigaa kaa badan, iyo anigaa degaanka kaa xiga? Mise waxaynu yeelaa wax Allaale oo faa’iido inoogu jirto xataa nin qalaadi ha inoosoo dhisee?

  6. Waxaan leeyahaye ciidi ka soo hoorjeesataa waaxa laguu Daarii doona Qaswaadasha black book ciidnaa ka maa hor iimaankaratoow Roadmap in mamuloow loo sameeyo Jubba land ciidnaa waxaa laga maa weediinayo Digle & mirif Haa ku eekaadan bay & bakool. Waxaba kamaa Quuseeyaan mamulka jubba land Siido kale maduulood Waxa ba oo maa galaan