Home » News, Sports »

Ciyaarihii Somali Cup Helsinki 2012 oo la soo gabagabeeyay (sawiro)

Maalinnimadii Isniinta oo taariiqduna ay tahay July 2, 2012 ayaa lasoo gabagabeeyey tartankii kubada cagta ee Somali Cup helsinki 2012 ee magaalada Helsinki caasimadda wadanka Finland.

Ciyaarahan oo ay ka soo qayb galeen 12 kooxood oo ka kala socday gobolada dalka Finland ayaa waxaa soo qaban qaabiyey ururka dhaqanka iyo sportiga ee dalka finland (Socus ry).

Ciyaarta Finaalka aheyd ayaa waxaa isu soo haray w Kooxaha FC-Banaadir iyo Vs Turku ciyaartaas oo ahayd mid aad u xiiso badan kuna bilaabantay weer iyo weer celis qaybtii hore waxaa lagu kala tagay barbardhac 0 – 0 iyadoo qaybtii labaad ayaa u suura gashay kooxdii Banaadir in ay dhaliyaan gool.

Waxaa dhamaadkii ciyaarta oo wax yar ka dhiman weerar culus ay soo qaadeen kooxdii Turku oo dhalishatay goolkii barbardhaca ciyaartaas waxay ku dhamaatay 1 -1, kadibna waxaa loo tuuray rigoorayaal waxayna guushii 4-3 ku raacday kooxdii Fc-Banaadir oo noqotay Somali Cup Champion 2012 iyadoo ay ciyaartaasi daawanayeen dadweyne aad u fara badan oo Reer Finland ah kuwaa soo kalla taageersanaa labadii Kooxood oo ay ciyaartu u dhaxaysay.

Markii ciyaatu soo idlaatay ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Sheeq Sugule oo ah Imaamka Masjidka Pasilla isagoo dhalinyarada ku booriyay in ay ku dadaalaan barashada diinta iskana isla markaasna aad ilaalisaan marka ciyaaraha aad isugu timaadaa anshaxa ciyaara iyo walaalnimadiina.

Waxaa sidoo kale goobtaasi ka hadlay h Guddoomiyaha ururuka dhaqanka iyo Sportiga ee dalkan Finland Axmed Abdullahi (Imad) oo aad ugu mahadceliyay dhamaan dhalinyarada Kooxaha Sportiga ee ka soo qay-qaatay Helsinki Somali-Cup ee Finland, waxa kaloo xusay in dhalinyaradu ay si xushmad leh u soo gudatay Ciyaarahan loogana baahan yahay iney dadaalkooda halkaa ka sii wadaan.

Xogayaha ururka Socus ry Muddane Cabdulqaadir Macalin-Cilmi (Qooje) ayaa isna waxa uu ka hadlay u jeedada ay u qabtaan sanad walba Koobka xilli Qoraxeedka ay tahay in aanu ku mashquulino Dhalinyarda Soomaaliyeed maa daama ay Iskuuladu u xiran yihiin ,waxa uuna yiri marnaba kama caajisi doono haddii aannahay Mas,uu liyiinta ururka Socus-ry in aan sii dar dar galino tartan Ciyaareedka Somli Cup oo aanu u qabano Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Reer Finland.

Intaasi oo kaliya kuma koobnay ee waxaa Sidoo kalle xubnihii goobtaasi ka hadlay ka mid ahaa waxaa Guddoomiyaha Somali Community Of Finland Muddane Cabdirishiid Cawad Diiriye oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu ka soo qayb galo Koobka Somli-Cup Helsinki 2012 dhalinyarada Sportiga ee Finland oo ah koob muhiim u leh in dhalinyarada Reer Finland, waan kulan muhii ah si dhalinyaradu isku bartaan isla mar ahaantaasna soo bandhigaan Ciyaar wanaag waxa uuna Guddoomiyuhu ku tilmaamay in ay inoo tahay guulweyn hadaynu nahay Jaaliyadeena Reer Finland.

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay xildhibaanka Baarlaanka wadanka Finland Mr Ben Zyskowicz iyo sidoo kale Muqtaar Abiib oo ah shaqaalo ka shaqeya arriamaha bulshada ee magaalad Helsinki isla mar ahaantaasna ah musharax u taagan golaha deegaanka Helsinki oo nisha 10-aad ee sanadkan aynu dhici doonta, iyadoo lambada mas’uul ay ku amaanay ururka Socos-ty in uu bulshada Somalida Finland u hayo howl muhii ah, dhalinyaradana ku booriyay in ay dadaal kooda aya halkaa ka sii wadaan.

Waxaa kaloo goob taasi abaal marinno lagu gudoonsiiyey Gool-hayihii ugu fiicnaa, ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa, kooxdii ugu asluubta wanaagsaneyd, ciyaaryahankii ugu goolal dhaliska badnaa, tababarihii ugu wanaagsanaa iyo maamulkii ugu fiicnaa intii uu tartankan socday.

Tartankii Somali Cup helsinki waxaa ka soo qayb galay mas,uuliyiin sporti iyo kuwa maamul waxaana ka mid ahaa booliiska dalka finland, xildhibaano, mas’uuliyiin u shaqeeya arrimaha bulshada ee Finland.

Sikastaba ha ahaatee Ciyaartan ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno Isboortiga Soomaaliyeed magac iyo sharaf ku lahaa ciyaaraha qaybahooda kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Macalin Bashiir Abdi Daahir, Cisman Hudhey, Abdi Fitik, Fanax Waxool, Daahir Macalin, Macalin Daadow, yasiin Abdi Raage, Juujuule, Yaasin Gaas, Daauud Axmadey, Abuukar, Muuse, Abaajii, Maxamed Musse, Cumar dhagawayne ,C/llahi shukri, Asad xoogweyn, C/suleiman, Aweys Cade, Xabiib, Mahdi, Cawaale, Sanka, Odey Dalmar, Gureey, iyo shacbi weyne aan losoo koobi karin.

———–

Maxamed Bashiir -Info
Helsinki-Finland.

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.