Barnaamijka Dareenka Shacabka iyo Siyaasiga (DSS) ee kabaxa Telefishinka caalamiga ah ee Hctv ayaa todobaadkan falanqayn iyo Is barbardhig ku sameeyey 3-dii dawladood ee kumeel gaarka ahaa ee soomaaliya soo marey 12-kii sano ee u danbeysey, waxii ay ku kala duwanaayeen iyo waxay ku fashilmeenba.
Dawladii ugu horeeysey ee ku meelgaarka ahayd ee lagu soo dhisey magaalada Carta ee dalka Jabuuti oo uu madaxweynaha ka ahaa Dr. C/qaasin Salaad Xassan iyo dawladii lagu soo dhisay Imbagaati ee dalka Kenya oo madaxweyne loo doortey (AUN) Col. C/llaahi Yuusuf Axmed iyo weliba dawlada hada joogta oo uu madaxweynaha ka yahay Mudane Shiikh Shariif Sheikh Axmed, waxaana barnaamijka ku jira warbixin kooban oo ku saabsan marxaladihii kala gedisnaa ee ay soo mareen 3-daas dawladood oo uu idiin soo diyaariyey Barnaamijka dareenka shacabka iyo siyaasigu ee uga bogo falanqaynta iyo barnaamijka oo dhamaystiran Video-ga hoose:
————
C/fitaax Dhaadeey, London/UK
dhaadeey1988@hotmail.co.uk

waa falanqeyn qiimo badan oo taariikhi ah barnaamijkaan,hadii saas taariikhaha looga hadlana kan wax gala iyo kii aan wax gelin dadku waa kala ogaan lahaa..mahadsanid duraan iyo hctv-ba.
ninka cabdilahi yusuf difaacaya barnaamijka wuu ka dhacsan yahay, waxaa laga hadlaayaa dowladaha waxay ku kala wanaagsanaayeen ee wuxu ka bixi waayay inuu ka hadlo shakhsi amaan. waa doqon iska hadlaayaaa
Addeer dowladii ugu waxtarka fiicnayd waa tii Abdulahi waxuuna ahaa shaqsiga geesi ah runtana sheega ee ma ahayn munaafaq maalin ba waji leh