Qanacadu waa keyd aan dhamaan, waa shey qaali ah oo helidusu adagtahay. Siduu Rasulku SCW noo sheegay, waa qaninimada xaqiiqda ah. Waa shey ka maqan aadanaha intiisa badan. La’aanteed wa waxa nin rageed oo dhan ceeb faraha u galiyo, maalin walbana aan u maqalno malayin aya la lunsaday, hanti qaran aya la boobay, dadba la furtay iyo wax yaabo kale oo badan oo In taba la xariiro qaneeco la’aan iyo hunguri weynin.
Hadaba waxa maxay qaneeco?
Qanecadu ama sida aan inagu u naqaan imaanku, waxa lagu macneeyaa: ruuxu inuu ku qanco waxa uu haysto in kasta oo ay la egyihiin, kuna shugriyo cidii siisay.
Waxan qoralkan kuso gudbin doonaa qiiso cajiib ah oo no sharaxayso sida qofku u kala duwanyahay xilliga uu qaneeco leeyahay iyo marka laga qaado.
Fudayl ibnu ciyad فضيل ابن عياض waxa u ahaa nin dhalin yaro kuna can baxay dhaca. Waxa uu wadada u gali jiray dadka musafurka ah ee kula safro magaloyinka, xillig a habaynka dabadeed wuxu ka furan jiray waxa ay wadaan oo dhan, waxa u u can baxay naxariis la’an iyo inusan qofna cafin.
Xiliga uu dadka furan jiray ninkas waxa jiray dowlad islaami ah oo waliba xoog badan danbiilayaashana ku xukunto sharecada islamka. Hadii la heli laha Fudayl xukunkisa wa lug iyo gacan is dhaaf ah in la gooyo, isna waa ogaa balse shahwada naftiisa iyo jeceylka uu maal u qabo aya qatartas ka indha sabtay. (Hasha qadowga aragto Qalowga ma aragto).
Asagoo xaladas ku jiro, maalkinkiina dhuunto habaynkina shaqaysto sida dugaagi. ayu arkay gabar cajabisay ka dibna jeceyl aya saaqay, hawadii aduunyada aya kusi badatay waxayna noqotay inu shaqada labanlabo ileen maal badan ayuu u bahanyahaye si uu gabadhan oogu guulaysto.
Habayn asago ku cajisay isbaradii ayuu is yiri maad so firisid qofti bal inad hesho ka dibna gurigooda ayu soo aaday, darbiga ayuu fuulay si uu gudaha u galo. Gudaha marku qoransaday wuxu arkay oday salad ku jiro kuna raxaysaynayo qur’aanka kariimka ah. Aqrinaya ayad qur’aan ah oo macnaheeda ahaa “miyan la gaarin waqtigi dadka mu’mininta ah ah ay qulubtooda xuska Eebe u khushuuci lahayd” Fudayl wa dhagaystay, sacadan waxa xuman ku jiro, sida uu ugu tuntay shareecada eebe, sida uu u dhibayo umda islaamka ah. Rabbi aya qalbigisa hanuun kuso tuuray, darbigi ayu kaso hoobtay, isla sacadas ayuu masajidka galay, maalintas laga biilabana waxa u waqtigisi galiyay cibaado iyo barashada diinta islaamka.
Eebe aya ku yir xadiiul qudsii “aadaow u faaruq noqo cibadadayda, laabtaada ayan ka buuxin qaninimo, faqrigadana wan dabooli, hadi kale laabtada waxan ka buuxin mashquul, baahidada dabooli mahayo, macnaha baahi an dhamad lahayn aya ku hayn .
Waa run sheegay Eebe ninki aduun iska daayana ayada soo raadsan. Bal aan eegno meesha ay aduunyo oogu timid nin habayn iyo maalinba radshay ee so qaban waayay iyo sida uu yeelay markay so boqotay.
Amiirki mu’minta ama madax weynihii islaamka Haruun Al-rashiid- oo markas ka talin jiray dhamaan dhulka carabta, iiraan, ilaa hindiya, ahaa super powerki markas adunka jiray. Dunidoo dhana ay asaga si toos ama si dadban u hoos jogtay- aya so xajiyay, asaga xaramka joogo ayuu habayn ku yiri wakilkiisi magalada makko ii gee Sheekh caalim ah. Wa la waday waxa loo geeyay Cabdirazaq ibnu hamaam oo ahaa caalim weyn, muxadif cibaado badan. Albabki aya lagu garacay, waa kuma ayuu yiri waa amiirki mu’minta aya logu jawabay.
Si halhaleel ah ayuu uso booday gurigi ayuna furay, aad ayuu u wayneeyay. Waxa u yiri maxad isu soo dhibtay anaa ku iman lahaye maxad iigo so cid diri wayday?
Haaruun aya yiri maya adaa mudan in lagu imado. Wa la fadhistay in cabaar ah ayuuna la joogay. Haruun aya ku yiri Wax dhib ah ma jiran oo aan ka cawiyo. Cabdirazaq aya yiri “dayn aya la igu leeyahay ee iga bixi”, Haruun wa wuxu amray in dayntas la bixiyo. Wana iska baxay, maahan ninkan radinayay ayuu yiri ee sheikh ii gee.
Wa la hor kacay waxana loo geeyay Sufyan ibnu cuyayna oo isna nin la iska yaqaanay, xaga cibadada iyo cilmiga. Albabki aya lagu so garacay. “waa kuma” ayuu yiri Sufyaan.
Waa amiirki mu’miniinta, Harun aya loogu jawabay.
Wuu soo dagdagay gurigii ayuuna ka furay. Maxad iso dhibtay, anaa ku iman laha ayuu yiri. Haruun ayaa yiri adaa mudan in laguu yimaado. Wa la fadhistay in cabaar ah ayuuna la joogay. Haruun aya ku yiri ma jiran wax dhib ah oo an kaa cawiyo?.
Sufyaan ayaa yiri “haa dayn badan ayan qabaa ee iga bixi”. Haruun aya amray in laga bixiyo wixii dayn ah ee lagu leeyhay sheekha. Waa iska baxay, marku bananka garay ayuu yiri “ma helin ninkan radinayay ee ii geeya sheikh caalim ah”
Wa lala orday, waxa albabka lagu garacay Fudayl ibnu ciyad. Wax la hadlo ayay waayeen. Xoog ayay u garaaceen, juuq iyo jaaq toona ma leh. Markay wayen cid la hadasho ayay yirahdeen. Ajiib amiirka mu’muninta. Markaas ayuu yiri, ani iyo amiirna xageen isu nimid.
Waardigi aya ku yiri “ Eebe aya xuman ka hufane, soo dhaaco kuguma lahan amiirka” markas ayuu kacay, albabki ayuuna furay. Haruun ayan ku salamay labada gacmood. Fudayl aya yiri “gacantan jilicsan wanag badnan lahaydaa haday ka badbaado cadaabka aakhiro”. Haruun ayaa naxay. Fudayl ayaa wacdiyay wacdi dheer, oo Haruuna la ilameyay ila uu suuxay, waxa u xasuusiyay akhiri iyo dhibka yaalo. Iyo wajibadka iyo xaqa ay ku leyihin dadka uu xukumo.
Haruun aya yiri dayn malgu leeyahay?. Fudaykl aya yiri haa Rabigey aya dayn badan igu leh. Wan halagsamay ahadu ila xisabtamo, waana ii dhamatay hadu i baarbaaro. Haruun aya yiri, waxn ka wada mida aadanaha. Fudayl aya yiri Rabigeey wuxu I diray inan isaga caabudo, amarkisa adeeco, waxa iga rebayna ka fogaado, asaga ayana I balan qaaday inuu I razaqayo.
Haruun aya u so taagay kun diiraan. Qaado oo u kaalmayso cibadada ayu ku yiri.
Faduyl aya yiri, waxan ku tusayay wadadad cadabka ka korin lahayd adna, lacag ayad ii badalaysaa. Waana iska amusay. Markay cabaar fadhiyeen ayay isaga baxeen.
Waxa u yiri Cabas o aha ninki waday amiirka. Haruun aya igu yiri markan ku iraahdo qof aan cilmi waydiiyo ii gee ninkan oo kale ii keen. Midkan wa sayidka mu’mininta manta.
Waxa u yiri Cabas inti anan ka bixi darada guriga, xaaskisi aya la hadashay Fudayl kuna tiri, wad aragtaa faqriga iyo cariiga aan ku jirno, hadad lacagta noga qaadi lahayd, waan ku baahi bixi lahayn. Fudayl aya ku yiri, aniga adinga masalkeenu waa cid awr lahayd ay ku shaqaystan wuxu so shaqeeyanaya cuno. Markuu duqoobay Ratigi qashay hilibkiisana cunay.
Haruun aya so labtay markuu maqlay, hadalka haweneydas, iskuna dayay inu siyo lacag fiican cidda balse wa Fudayl wa diiday. Hadurna wa ag fadhistay, ayado uu xaalku xaas yahay, aya so baxday gabar guriga joogtay. Waxa ayna tiri “sheekha caawa waad dhibteen, cibadadiisana wad ka mashquuliseen ee iska dhaafa.
Haruun iyo saxibadis way iska baxeen.ayagoo khushucsan Rabbina xasuusan.
Sida aad aragto, fudayl wa isla ninkii habayn kasta ku dhafri jiray inuu helo waxa ku jiro dad kale faraqooda. Habaynkana waxa xaqiiq ahayd wax walbo oo mansab iyo maalba ah inuu heli laha haduu waydisan lahaa madax weynaha, balse wuxu ogaday su’aal walba oo adunyo ku sabsan oo ninkan waydisto inay qiimihisa hoos u dhigayso, sida darted waxa uu doortay inu ku noolaado waxa yare e so galo ee u asagu shaqaysto. Waa mida uu sharaftan weyn ku helay
Qofkii Eebe weyneeyo, Eebe aya waynayn.
من كان يريد العزة فإن العزة لله جميعا
Waxa qoray: Ibraahim Xaaji Aadan
Qalbi03@hotmail.com

Waa qiso cajiib ah hadii ay sanada ahaan sugan tahay walaalka qorayna waa ku mahadsan yahay ajir allaha ka siiyo