Home » News »

DHAGEYSO:- Afhayeenka Al-shabaab oo howlgalada ciidamada TFG ka wadaan Muqdisho ku sheegay mid dadka lagu iibsanaayo.

Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage oo saxaafadda la hadlay ayaa ku dheeraaday ka hadalka howlgalo balaaran oo ciidamada dowladda TFG dhawaan ka wadeen magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in dadka lagu iibsanaayo howlgaladaasi.

Cali Dheere waxa uu been abuur ku tilmaamay in ay jiraan ciidamo Al-shabaab ah oo lagu qabtay howlgaladaasi, isagoona tilmaamay in TFG ay xariga shacabka dano gaar ah ka leedahay.

Sidoo kale Afhayeenka Al-shabaab ayaa ku baaqay in dhamaan shacabka ah la dagaalamaan ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee magaalada Muqdisho ku sugan.

Halkaan ka dhageyso Shirka Jaraa’id ee Afhayeenka Al-shabaab oo dhameestiran

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.