Home » News »

Boqor Buur Madoow oo Hal sano oo xabsi ah lagu xukumay (DHAGEYSO WAREYSI)

Maxkamada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa waxay xabsi sanad ah ku xukuntay Boqor Buurmadoow waxay ku xukuntay Xabsi sanad ah ka dib markii doodiisa ay socotay muddo aad u badan.

Boqor Burmadoow ayaa kamid ah waxgaradka ugu caansan Somaliland, laakiin waxaa la sheegay in xiulli uu ku sugnaa Dubai uu aflagaado aan loo meel dayin u geestay maamulka Somaliland.

Markii xabsiga lagu xukumay boqorka ayaa la tilmaamay in durba ay cambaareeyeen dhamaan wax garadka Somaliland, waxaana la sheegayaa in maxkamadaasi racfaan uu ka qaadan doono.

Maamulka Somaliland ayaa xabsiga u taxaaba cid walba oo kasoo horjeesata awaamiirtooda ama aflagaado u geesta madaxda maamulka Somaliland.

Qaabka ay maxkamada u dhacday waxynu wax ka su’aalnay wariyad madax banaan oo lagu magacaabo Hani Cali oo Hargeysa ku sugan.

Halkaan ka dhageyso Wareysiga.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.