Home » News »

Wariye C/qaadir kuwaral oo xaaladiisa soo hagaageyso, iyo saxafiyiin arintaasi Cambaareeyay (DHAGEYSO)

Wariye C/qaadir Kuwaral oo xalay maqribkii kooxo hubeysan ay ku dhaawaceen degmada Wadajir ayaa lagu soo waramaaya in xaaladiisa ay tahay mid soo hagaageysa, waxaana dhanka kale qaar ka mid ah saxafiyiinta Muqdisho ay cambaareeyeen dhaawaca wariyaha.

Wariyaha ayaa ku jira Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho waxaana dhaqaatiirta ay inoo sheegeen in lugta ay ka jabtay Laf sidoo kalena uu go’ay xidid taa oo keentay inuu dhiig baxo.

Dhanka caloosha waxaa la tilmaamay in xabad ay ka sartay, iyadoona la ogeen ilaa iyo haatan cida sida rasmiga ah uga dambeysa dhaawaca wariye Kuwaral.

Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Wadajir ayaa maalmahaan noqotay godka lagu ugaarsado saxafiyiinta iyadoona weli waxba aan laga qaban.

 Halkaan ka dhageyo Saxafiyiinta Muqdisho qaarkood oo cambaareeyay dhaawaca wariye Kuwaaral.

Cumar Cali Maxamed Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.