Home » News »

Boqor Buur-madoow oo hal sano oo xarig ah lagu xukumay.

Hargeysa, Somalia (AOL) – Mid ka mid ah madax-dhaqameedyada reer Somaliland oo ay Madaxweyne Siilaanyo isku hayb yihiin kaasoo lagu magacaabo Boqor Cismaan oow Maxamuud (Buur-madoow) ayay maxkamad ku taallo magaalada Hargeysa ku xukuntay halsano oo xarig ah, kadib markii lagu soo eedayay in uu aflagaaddo u gaystay madaxda maamulka Soomali-land.

Boqor buur-madoow ayaa muddo haatan laga jooga dhawr bilood ay xabsiga dhigeen Ciidamada Boliiska ee Soomali-land isaga oo ka soo degay madaarka magaalada hargeysa, waxaanna tan iyo markii la qabtay uu ku jiray xabsiga.

Wariyahanaga Allgedo u fadhiya magaalada Hargeysa ayaa xaqiijiyay in Boqor Buur-madoow Xariggiisa loo cuskaday Qodobka 156 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliland.  Waxaa illaa hadda aan jirin cid ka hadashey Xarigga Boqor Buur-madoow oo ah oday dhaqameed caan ah.

Si kastaba ha ahaatee xariga noocaan oo kale ah ee loo geysto dadka rayidka ah, waa mid ka hor imaanaya Xoriyadda qofka iyo waliba nidaamka Dimoqaraadiyadda ee ay dunidu maanta  wada qaadatey.

Xafiiska Warqabadka ee Hargeysa.

————
Daahir. F. Afdheere
gulan1969@yahoo.co.uk

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.