Home » News »

Gaanshaanle Sare Maxamed Muuse Jeneqoow oo galabta lagu dilay Dharkeenleey.

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa galabta degmada Dharkeenleey waxay ku dileen Gaanshaale Sare Maxamed Muuse Jeneqoow oo ka mid ahaa saraakiisha dowladda TFG .

Gaashaan lahaan ayaa la sheegay in isaga oo ilaalo la aan ah uu daawanaayay ciyaar Kubada Cagta ah oo ka dhaceysay degmadaasi gaar ahaan meel aan ka fogeen hoyga uu ku noola sarkaalkaan.

Dilka ayaa la shegay inay geesteen Laba nin oo la sheegay inay Bistoolooyin wateen, waxaana intaa ka dib ay ka baxsadeen halka ay wax ku dileen.

Dilka ka dib waxaa goobta gaaray ciidamo ka mid ah dowladda TFG kuwaa oo bilaabay howlgalo ay ku daba joogaan dadkii dilkaa ka dambeeyay in kastoo aanay cidna soo qaban.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Gaanshaanle Sare Maxamed Muuse Jeneqoow oo galabta lagu dilay Dharkeenleey. "

  1. gold account says:

    Xoogagan ku dagaalamay degmada Matabaan ayaa waxay horay ugu dagaalameen gudaha degmadaas, waxaana dagaalkan uu imaanayaa iyagoo wada dhaqdhaqaaqyo ay koox walba ku doonayso inay ku qabsato deegaanada ay kooxda kale maamusho.