Home » News »

Gudoomiyaha degmada Hilwaa oo ka badbaaday weerar lagu qaarajin lahaa.

Gudoomiyaha degmada Hilwaa Cumar C/lle Jacfaan ayaa ka badbaaday fal la doonaayay in habeenkii xalay ahaa lagu qaarajiyo xilli uu ku sugnaa hoyga uu ka deganyahay degmadaasi.

Ciidamo ka mid ah Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar lama filaan ah ay ku qaadeen hoyga uu deganyahay gudoomiyaha iyo sidoo kale saldhiga degmadaasi, waxaana halkaasi ka dhashay qasaare dhimasho ah.

3 qof ayaa halkaasi ku geeriyootay 2 kalena dhaawac ayaa soo gaaray waxaana gudoomiyaha degmadaasi Cumar Jacfaan uu sheegay in ay iska difaaceen ciidankii rabay inay isaga dilaan.

Ma’ahan markii ugu horeysay oo ciidamada Xarakada Al-shabaab ay isku dayaan inay qaadaan weerar ay ku doonayaan inay ku dilaan gudoomiyaha degmada Hilwaa ee dowladda KMG.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.