Home » News »

Saraakiisha Al-shabaab ee Kismaayo oo odayaasha beesha Talxe ee Kismaayo amar ku siiyay in ay 45 casho gudahood Ugaas kusoo doortaan.

Kismayo, Somalia (AOL) – Kulan saraakiisha Al-shabaab ee beesha Talxe la qaateen odayaasha Talxe ee Kismaayo ayeey ku amareen in ay sida ugu dhaqsiyo badan muddo 45 cisho gudahood kusoo doortaan ugaas maadaama sida ay sheegeen uu ridoobay ugaaskii beesha Talxe Ugaas Cabdi Buule Ugaas Xasan Dabac oo haatan ka mid ah odayaasha jooga Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay saraakiisha Talxe ee Al shabaab ee kala ah: Cabdi-raxamaan Cali Dhabokeen (Fiiloow), Shiine Cali Jiiroow, Liic Maxmed Jabriil iyo Nuur Dheer Buule,  waxaana shirkaasi looga hadalay qodobo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen sidii ay beesha oga qeyb qaadan laheyd waxa ay ku shegeyn jiihaad ka socda Somaliya iyo in ay beesha bixiso xoolo sida Geel, Ari iyo waliba in ay beesha kasoo saarto ciidanka dawalada kaga jira.

Shirka ayaa waxaa ugu horeyntiiba asaga oo careysan qudbad ka jeediyay Cabdi-raxamaan Cali Dhabokeen (Fiiloow) waxaana uu yiri “waxaan rabaa in aan idiin sheego in la’idinka rabo in aad 45 casho kusoo doorataan Ugaas Mujaahid ah oo diinta u shaqeeyo hadii kale Kismaayo ma wada joogeyno.”

Sidoo kale, waxaa halkaasi ka hadalay oday dhaqameedyo ka tirsan beesha Talxe oo uu ka mid ahaa Nabdoon Cabdi Shiiloow, ayada oo hadaladii ay odayaasha halkaas ka jeediyeena uu ka mid ahaa “diyaar ayaan u nahay in aan fulino amarka kasoo baxay maamulka Al-shabaab oo aan ugaas soo doorano, beri laga bilaabana waxaan raadin doonaa ninkii ugaas looga dhigi lahaa beesha Talxe.”

Ugu danbeytii, waxaa hadalka soo xiray Liic Maxmed Jibriil oo ka mid ah saraakiisha Al-shabaabka Kismaayo ee beesha Talxe, waxuuna sheegay in hadii ay odayaasha kusoo dooran waayaan 45 cisho Ugaas in ay raali ka yahiin waxa ka socodo Muqdisho talaabo cadna laga qaadi doono.

Kulanka oo ahaa mid xooga lagu keenay odayaasha qaar ka mid ah ayaa ku soo idlaaday hanjabaad iyo cagajogleyn, lamana oga talaabad ay qaadi doonaan odayaasha Talxe ee Kismaayo ee lagu amaray in ay si deg-deg ah ugaas ugaas usoo doortaan.

Al-shabaab ay waxay mudooyinkaan danbaba wadeen qorshe ay rabaan in ay ku bedelaan dhaqanka beelaha Somalida ee jooga Muqdisho waana siyaasad hor leh oo aan lagu aqoonin kooxda Al-shabaab oo dagaal qaraar kula jirto xoogagga dowladda KMG ah ee Soomaaiya oo gacan ka helaya kuwa dowladaha Kenya iyo Itoobiya.

———–
Cabdiqani Maxamed Bayoow, Muqdisho/Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

4 Jawaabood " Saraakiisha Al-shabaab ee Kismaayo oo odayaasha beesha Talxe ee Kismaayo amar ku siiyay in ay 45 casho gudahood Ugaas kusoo doortaan. "

  1. Qaran doon says:

    Ficilka noocaas ah waa tala xumadii iyo aragti gaabnidii alshabaab, run haddii ay sheegayaan ha iska celiyeen amxaarada markii ay maqlaan waa soosocotaa waa iyaga kabtay maaragtay ku dhacysee, war shabaabka wax ka fulaysan waligay ma arag, dadka masaakiinta ah ee aan qoryaha wadanin ayeey middi ku qawracayaan bal maan aragno amxar ay qawraceen oo soo qabteen ma dadka sacaboolayda ah ee aan hubaysanayn oo kaliya miyey ka adagyihiin sida odayaasha talxe ee masaakiinta ah ee indho miriglaha ah ee iyagaba shaqo la,aanta iyo gaajada kismaayo ku dilootay waa kuwa u hanjabayee may iska dhiciyaan amxaarada, AMISOM iyo ciidanka dawladda ee karbaasha la daba taagan ……. iskama celinkaraan laakiin jawaabta waxaa weeye aabbo kanyar iga celi oo kan weyn ii daa!!!!!!!!!, si kale haddii loo dhigo jawaabt waa AMISOOM iyo amxaaro iskama celinkarnee odayaashe talxe ee masaakiinta ah aan laynno iyagaan ka adagnahaye

  2. ABUUKAR says:

    asc salaan kadib hadaan ka hada ra yi geega ku adan arintaas waa arin wanaagsan anigana waxaan ku jiraa daka usharaxan jagada ugaas nimada cabdi shiiloow waxaan u sheegayaa talxe ugaas ha doorta hadii ladho meesha lajoogana ay tahay kismaayo yuusan is dhihincid ku gu haysataa majirta dadka usharaxan jagadaas way tartamayaan ama nin kii loo arga inuu uqalma ayaa loo dooranayaa marka aniga waan sharaxanahay war qada mu sharaxnimadana sheekh c/raxmaan axmed cali ayaan ugudbinayaa

  3. jecliyaa talxe ,in la dhoho ayaga ka hari wayay shabaab,in nalii cagajugleeyo wxaa ka danbeeyo waa sheeq xudeeyfi ninka la dhoho oo shabaab u qaablisan jubooooyinka ma ahne ,kuwan talxe waxba maha filoow iyo wax kalee ad saraakisha ku sheegteen mesha ninka markiisa sacdo waa ninka u qaabilsan jubooyinka shabaaab

  4. zakia says:

    Iyaaaaaaaaah! war culus mar kale iigu celi bal warka Saan maa udanbaysay beel weynta sade waxba talxe haa kuhaynina mariixmaanow cadowga kahar walaga wayaye waxad ka keenta arag talxe ugaas ugama bahna mooryan diimedka waligoodna weylahayen ugaas walina way leeyihine umadyahay magac xumada iska dhaqa