Agustiina Mahiiga oo ah ergayga gaarka ee QM u qaabilsa arimaha wadanka Soomaaliya ayaa ku hanjabay in talaabo cad laga qaadi doono cid walba oo ku xad gudubta arinta dastuurka cusub ee la ansixin doona.
“Talaab ayaa laga qaadayaa cid walba oo iku dayda inay hor istaagto dastuurka cusub ee Soomaaliya, waxaan u arki donnaa inay ka mid tahay qas wadayaasha Soomaaliya”
Mahiga ayaa dhanka kale sheegay in rajo laga qabo xilliyadaan nagu soo wajahan in si habsami ay ku dheehantahay loo aqbalo dastuurka cusub ee Soomaaliya.
Waxaa jira Qilaafaad dhanka dastuurka ah oo maalmahaan dambe ka dhex aloolsan madaxda sare ee dowladda TFG, siyaasiinta, aqoonyahanada iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.


hayaay hayaay waxaan aad iyo aad ulayaabay wax ka sooyeeray mastar mahiga odayaal dhaqameedku miyaaynan muwaadiniin aheen oo uu quseyn arimaha soomaaliyo oo waxaa laga doona yaa inay wa saxiixaan ,mahiga miyaa xukuma soomaaliya?mise madaxda dalka oo uu ugu sareeya shariifa misa waxay madaxda ku maamulayaan waa loo yeerinayaa waa gumeysi qarsoon katashta soomaaliyeey