London, UK (AOL) – Jaaliyadda reer Sade ee degan magaalada London ee dalka Ingiriiska waxaa lala socodsiinayaa in uu dhici doono shirweynihii doorashada hoggaanka jaaliyadda July 14, 2012.
Sida inbadani ogsoon tahay waxaa dhammaaday waqtidii loo idmay in ay hayaan hoggaanka jaaliyadda maamulka hadda jira, loona baahan yahay in la doorto hoggaan cusub.
Sidaas daraadeed, waxaa jaaliyadda si xushmad leh looga codsanayaa in ay kasoo qayb galaan shirweynaha doorashada hogaanka jaaliyadda oo dhiciddoona taariikhda kor ku xusan.
Madasha shirku ka dhicidoono waa 356 HOLLOWAY ROAD LONDON, NW1 6PA, Saacadduna waa 13:00.
Haddaba, waxaa mar labaad jaaliyadda laga codsanayaa in ay kasoo qayb galaan shirkaas muhiimka ah oo labadii sanaba mar dhaca.
Mahadsanidin.
———–
Said Mohamed Mire
Guddoomiyaha guddiga fulinta
saidmire0@gmail.com

Ad ayan uguhambalynaya shirwaynaha sade waxana idin rajaynaya gul iyo wadajir