Muqdisho, Somalia (AOL) – Madaxweynaha DFKMG ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maalmahaan kulumo la qaadanayay madax-dhaqameedyada loo igmaday inay soo xulaan ergadii ansixin lahayd Dastuurka qabyo-qoraalka ah ayaa waxaa uu ugu baaqay odayaasha dhaqanku inay ku ekaadaan oo kaliya hawshooda ah soo xulidda ergaddii ansaxin lahayd Dastuurka ee aanay fara-gashan waxa qoran iyo ansixintoodaba.
Mid ka mid ah madax-dhaqameedyada caanka ah oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso oo saxaafadda ugu waramay si qarsoodi ah ayaa sheegay in Dawladdu ay ku hayso fara-gelin ba’an, Dastuurka qabyo-qoraalka ahna ay ka buuxaan waxyaabo aan u cuntamin Shacabka Soomaaliyeed oo qaarkood xataa Caqiidada Islaamka ah liddi ku ah.
Hadalkaan uu ka dhawaajiyay Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli Madax-dhaqameedyadu ay ansixiyeen Saddex qodob oo ka mid ah Dastuurka qabyo-qoraalka ah, isla markaanna ay Odayaashu Dhaqanku sheegeen in ay Dawladdu ku hayso faragelin ba’an.
Si kastaba ahaatee waxaa maalmaha foodda inagu soo hayo la filayaa in uu magaalada Muqdisho ka furmo shir lagu ansixinayo Dastuurka qabyo-qoraalka ah, iyadoo la filayo maanta lagu dhawaaqo Eragaddii ansixin lahayd, kuwaasoo sida la sheegay noqon doono 825 Xubnood.
Xafiiska Warqabadka ee Muqdisho.
———–
Daahir. F. Afdheere
gulan1969@yahoo.co.uk

Xasan ayaa diidmadooda ku macneeyay in dastuurka ay ku jiraan qodobo si toos ah uga hor imaanaya diinta Islaamka sidaas darteedna ayna munaasab ahayn inay taageeraan. Sidoo kale wuxuu sheegay in dastuurka ay ku jiraan qodobo aan cadeyn oo dhawaan sidii doono loo dhigi karo.
Gulayso shariif, waxaad si xoog iyo xeelba leh ugu muquunisay cadawgaaga iyo keenaba.
shariif nooma sheegin waxa ay ku wada hadleen xaad iyo axmed diriye waa raga hortaagan in la meel mariyo dastuurka cusub.